Opinion / Fikradaha

ss

 MUDANE AFGOOYE ADIGU MAXAAD KAGA DUUWAN TAHAY MOORYAAN MAR HADDII SI XAQ-DARRO AH AAD UGU DOODEYSO DHUL AADAN ASAL IYO FARAC TOONA U LAHAYN. 

 

gg

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha

Janaayo 02, 2002

Posted to the Web    Janaayo 02, 2002

Waxaa Qoray

Shariif Maye

shariifmaye@hotmail.com 

Waxaan ahay nin ka soo jeeda Degmada Baraawe kuna abtirsada Beesha shangamaas, waxaan akhristayaasha u sheegaaya in boqolkiiba boqol  aan waafaqsanahay aragtida ku xusan maqaalka uu Dr. Doolow kaga jawaabey hadaladii ka soo yeeray Md. Afgooye oo ah Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ee Dowladda KMG., kuwaas oo ku soo baxay bogga ay leedahay AllPuntland.Com., taariikhdu markay ahayd 27 December 2001.

Maqaalka Dr. Doolow waa mid aan u baahnayn in faallo laga bixiyo, waayo waa mid ku qotoma qaanuun, waayo-aragnimo, xaqiiqo, hiddo iyo dhaqan, waana mid ku dheehantahay xikmad iyo waano, dadka caqli qaba ayaana fahmi kara nuxurka uu xambaarsan yahay kuna dhaqmi kara.

Marxuun la oran jiray Maxamed Xaaji oo ka shaqayn jiray Madaxtooyada - Ufficio Bollettino, halqabsigiisu wuxuu ahaa "SOOMAALI ARAGTA, YAAB ARAGTI", waa runtiis. Maanta waxaan aad ula yaabay hadalkii ka soo yeeray Md. Afgooye, isagoo ku doodaaya in Beesha Habargidir muddo hore ay degtay Gobolka Sh. Hoose, xoolo, beero iyo hantina ay ku leeyihiin, sidaas awgeedna aan la dhihi karin Habargidir waxba kuma laha degaannada ka tirsan Gobolkaas.

Waxaa intaas sii dheer in uu yiri in Dowladda KMG. u magacaabi doonto Gobolkaas Maamul, haddii dadka ku nool degaannadaas ku heshiin waayaan in ay dhisaan Maamulka oo Dowladda KMG. ay dooneyso in ay ka hirgiliso Gobolka Sh. Hoose.

Hadalada ka soo yeeray Md. Afgooye ma aha kuwo u baahan in laga faalloodo waayo iskood ayey isu fasiraan iskuna buriyaan, maxaa yeelay waa sheeko aan sal iyo raad toona lahayn, xaqiiqadana ka fog, dadka Soomaaliyeed ee xaqa jecel waxaan hubaa in ay fahmeen ujeedada ka dambeysa dhanbaalka Afgooye, taasoo ah in dadka degaan dad kale loo yaqaano awood iyo sharci darro ah ku haysta loo xalaaleeyo joogitaankooda degaannadaas, hase yeeshee waxaan filaaya in qorshahaas noqon doono "HAL BACAAD LAGU LISAY", waayo Md. Afgooye wuxuu iloowsan yahay in la joogo xilli ay ummad kasta si dhab ah u fahantay sida loo raadsado xaqa, isla markaana la is-hortaago wax kasta oo ku salaysan caddaalad-darro, sed buursi, musuq maasuq IWM.

Haddaba, waxaa iga su'aal ah, Yaa loo dhisaaya Maamulka, mar haddii dadkii awood iyo sharci darro ku qabsaday degaannada ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose ay weli dhulka haystaan, Dowladda Cartana ay ka saari weysay goobahaasi?

Jawaabtu way iska caddahay waa: KUD KA GUUR OO QANJO U GUUR, maxaa yeelay ujeedada ka dambeysa dhismaha Maamulka waxay tahay in RA'YI caamka la maran-habaabiyo, dadka hadda qoriga caaradiisa ku haystaana Gobolkaas loo sharciyeeyo in ay halkooda si joogaan, taasoo ka soo horjeeda AXDI QARAMEEDKA iyo heshiiska lagu gaaray Carta oo ku salaysnaa in kooxda hubeysan ee G/Sh.Hoose xoog ku haysta laga saaro, maamulkana loo daayo dadka degaannada ISSIR u leh.

Su'aasha labaad waxay tahay, haddii Dowladda KMG ay u aragto in dhismaha Maamulka Goboleed ay dani ugu jirto ummada soomaaliyeed, maxaa u diiday Dr, Cabdiqaasim inuu ka bilaabo dhismaha maamulka Gobolada degaanka uu ka soo jeedo, si ay Gobollada kale tusaale ugu noqoto?

Waxaan ognahay Nabigeena (SCW) markii nabinnimo loo waxyooday, wuxuu Eebbe faray in fidinta ama gaarsiinta diinteena uu ka billaabo reerkiisa iyo qaraabadiisa, kadibna u gudbiyo ummadaha kale. Haddaba, maxaa u diiday Dr. Cabdiqaasim in uu raaco sunnadaas, bacdamaa uu sheeganayo  inuu yahay nin wadaad ah!

Jawaabtu waxay tahay wax faaido ah ama horumar ah oo u keeni karaa dadka waqtigan xaadirka ah ma jiraan haba yaraatee, marka la reebo Beesha Habargidir oo Gobolka Sh.Hoose haysta oo la damacsan yahay in lagu naas nuujiyo maamulkaas aan nidaam iyo qaanuun toona ku dhisnayn, si ay Beeshaas gardarradooda halkeeda uga sii wataan, danahoodana ay ku fushadaan.

Waxaan Md. Afgooye kula talinaaya, maadaama uu yahay nin sheeganaya mas'uul sare, kana mid ah xubnaha Dowladda KMG., in uu xad iyo miisaanba u yeelo warkiisa iyo ficilkiisaba, waayo ummadda soomaaliyeed way ka daashay beenta iyo quraafaadka

Dadka waxay u baahan yihiin in loo sheego arrin xiiso leh oo aqoontooda kor u qaado ama arrin faaido iyo dano u leh nolosha bulshada  ama xaalada maanta ka taagan Adduunweynaha iyo mowqifka dowladdiisa ka taagan tahay arrimaha lagu eedeeyay  oo ah inay joogaan  Somalia kooxo  argagaxiso ah.

Dadka waxay u baahan yihiin in niyaddooda la dhiso waayo waxay ku nool yihiin wel wel iyo wal bahaar ku dhisan in Mareykanku ay duqeen doonaan Soomaaliya. Hase yeeshee ma habboona in dadka waqtigooda loogu mashquuliyo wax KU-TURI KU TEEN ah oo faaido u lahayn, sida uu ku kacay Md. Afgooye in uu ummadda u gudbiyo war dhammaantiis been yahay , kuna wajahan kicin iyo abaabul hor leh si mar kale lacirib tiro inta yar ee maatada u soo hartay, laakin  tii  Rabbi  ayaa  taala.

Md. Afgooye suurtagal ma aha in aad anarag qof degmadiisa laga eryey, wixiisa la maroorsaday, hase yeeshee waxaad aragtay hantidiisa Mooryaanku ku takri falaaya  aadan waxba ka qabanin, balse aad u doodeyso in ay xaq ku leeyihiin degaannadaas.

Mooryaanku aad iska fogeyneyso yuu ka dhashay, saw kama soo jeedo Beeshaada? Yaa Mooryaanka qori iyo taakulayn siiyay, kuna booriyey in ay ku duulaan DHUL aysan ISSIR u lahayn? Yaa raalli ka noqday Mooryaanku in ay dad maato ah laayaan, dhacaan, kufsadaan iyo in ay is hortaagaan nidaam iyo Dowlanimo inay ka dhalato Soomaaliya?

Yuuse ahaa odaygii ku andacoon jiray marka looga soo dacwoodo falalka ay mooryaantu ku kacaan
" WIILKU WAA LABAATAN JIR MA CANAANAN KARNO EE WAX U GARTA SI UU AMAAN IDIIN SIIYO"

Afgooye dadku waa is yaqaan hanagu kalifina inaan dibadda usoo saarno waxyaabo badan oo aan uurka ku haysano oo aan isku dayeyno inaan illaawno.

Md.Afgooye, wax alla iyo wixii dhibaato oo Mooryaantu u geysatay ummadda soomaaliyeed waxaa la wadaaga mas'uuliyadda Beesha ay ka soo jeeddaan, maxaa yeelay markii Mooryaanku dhibaato loo geysto, Odeyaashooda ayaa u dooda una hiiliya (gar & gardarro), dhiigooda iyo maktoodaba ayaga ayaa dadka kale ka guddooma.

Md. Afgooye, bal is-barbar dhig Odeyaasha Waqooyi Galbeed (Somaliland) iyo Woqooyi Bari (Puntland) iyo Odeyaasha Habargidir. Odeyaasha Somaliland iyo Puntland waxay dejiyeen dhulkoodi oo  Miliishiyooyinkii  dadka  ka  qabteen, waxay fahmeen oo  ay arkeen in dhac iyo dagaal kale  dani  ugu jirin  cidna ha ahaadee  ka  wax  dhacaya  iyo  ka  la  dhacayo.

Haddaba, waxaan Md, Afgooye iyo inta kale ee aragti la wadaaga, ku waaninaaya in aysan ku deg degin qorshahooda ku saabsan dhismaha Maamulka Gobolka Sh. Hoose, maxaa yeelay dhibaato hor leh ayaa ka abuurmi karta, markii daalimiin oo gacmahooda aan weli dhiigga maatada ay laayeen ka qalalin xukunka Maamulka Gobolka aad gacanta u gelisaan.

Waxaan Md. Afgooye u sheegaaya in la gaaray xilli ay ummad kasta  si dhab ah u fahantay xaqa, caddaaladda  iyo  sinnaantaba, ayna habboontahay in si wadajir ah loo gurmado xal u helidda kama dambeys ah si loo afjaro dhibaata soo jiitameyso dibna loogu soo celiyo Soomaalida karaamadeeda iyo sharafteeda ay ku lahayd Adduun-weynaha,  taasna  waxay ku imaan kartaa oo keliya haddii Soomaaliya wax ku qaybsato qaabka  FEDERAALIGA  ah la iskana ilowdo xukun ku dhisan talo MAROORSIGA iyo in Maamulka Dalka lagu soo koobo Dowladda Dhexe  oo ahayd tii keentay burburka hadda ina haysta, isla markaana la qiro in ay jiraan kala duwanaansha shacabka Soomaaliyeed dhexdeeda sida. xagga xirfada, hiddo, dhaqan iyo dhalashoba.

Hadal iyo dhammaantii,  Eebbe wuxuu yiri: kuwa xaqqarumeeyow noqda kuwa u istaaga cadaalad oo ah marag Eebe, naftiinaba ha ahaato ama waalidkiin ama qaraabo, hadday hodan yihiin ama fuqaraa yihiin Eebaa  u mudnaansho badan ee haka raacina hawada inaad caddaalo fashaan, haddaadse iilataan ama jeesataan Eebbe waxaad camal falaysaan waa ogyahay (Aayadda 137, suurat An-Nissa); sidaas darteed  hadalka  ka soo yeeray Md. Afgooye wuxuu muujinayaa ILAAH  ka  cabsasho la'aan.  Mar haddii ay taasi jirtona wax walba way ka suurtoobaan qofka aan ILAAHAY  ka baqanayn.  Waxay kaloo oraahdaas Md. Afgooye muujinaysaa wax ku qaadasho la'aan dhacdooyinkii dunida ka dhacay. Ama ha fogaato  ama ha dhowaado (sooner or later) Mooriyaanka Gobolka Sh. Hoose xaq darrada ku haystaa way ka bixi doonaan,  haddii EEBBE IDMO., arrin lama huraan ah bay dib u dhigayaan.

Soomaaliya maanta dhibaatada ugu weyn ee haysataa waa  DHUL KALA HAYSASHO , waana sababta uuDr. Xasan Shaargaduud  ugu  baxay  hishiiskii  Carta. NIN SHISHEEYE  U XALAALAYNAYAA  DHULKA  DADKIISA  MA  JIRO.-

Hadalada Afgooye ee xanuunka leh naguna kiciyay boogtii aan weli naga bogsoon waxaa ka mid ah markii uu inkiray in habayaraatee wax bara kicin ah aysan ka dhicin degaanada uu ku doodayo inuu ku dhashay isla markaana aysan jirin wax dhibaato ama gumaad ah oo loo geystay dadka masaakiinta ah.

WA BILLAAHI TOWFIIQ.

Dr. S.  Sheekhuna
L/H.  Göteborg - SWEDEN..

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com