ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


Nidaam Xumadda Maamulka Cabdiqaasim.

Posted to the Web   April 29, 2002

WQ

Hassan Shide

hshide@hotmail.com 


Iyadoo sida la wada ogsoonyahay Cabdiqasim Salad Xasan uu wax badan ku soo jiray maamul dawladnimo lana odhan karin khibrad la'aan ayaa haysa ayaa waxaa kalifaya amaba khasbaya cudurka qabaliga ah ee Somalida badankeeda haya, waxaana taas ka markhaati kacaya arimo amaba falal ka Cabdiqasim ku kacayo sida: 

Isagoo u diraya hub iyo rasaas gobolada nabadu ka jirto ee Somalidu kaga dayan jirtay nabadgelyo ku noolaanshaha sida maamul goboleedka Puntland , iyadoo ujeedada uga danbaysaa ay tahay nacaybshaha qabali ee uu u qabo Cabdiqasim dadyowgaa iyo shucuubtaa ku nool goboladaa, wuxuuna ka midho dhalinayaa amaba ka faaidaysanayaa kala qaybsanaantaa iyo herdenka siyaasadeed ee ka jira goobahaasi amaba maamuladaasi isagoo gacan siinayaa mid ka mid ah nimankaa isku haya gacan ku haynta maamulkaasi.

Sida laga war qabo wuxuu mashquul ku ahaa bilihii ugu danbeeyey Cabdiqaasim hub iyo saanad rasaaseed oo uu ku daldalayey magaalada Boosaaso isagoo gacan siinaya Jaamac Cali Jaamac oo uu arkayo inuu fulinayo siyaasadiisa ku salaysan qabiil nacaybka.

Markaa su'aasha la isweydiinayaa  waxa weeye,  maxay ku kala duwan yihiin Cabdiqaasim iyo dawlada Itoobiya iyagoo labaduba ku daldalaya hub iyo rasaas gobolka Puntland?

 

Su'aashaa jawaabteeda hadaan anigu isaga jawaabo waxay ila tahay dawlada itoobiya iyo Cabdiqaasim waxaa dhow oo cadaawad yar dawlda Itoobiya, waayo Cabdiqasim wuxuu raali iyo farxad ku yahay deeganada qabiilkiisu haysto iyo guryaha iyo beeraha ummadda Somaliyeed ka barakicyeen dagaaladii sokeeye.

Dhamaantoodna waxaa hadda gacanta ku haya qabiilka uu isagu ka dhashay wuxuuna Cabdiqaasim ku riyoonayaa in ay isaga iyo dadkiisuba sharci u helaan iyo dawlad hantidaa iyo deeganaada ummadda Somaliyeed leedahay.

 

Waxaan hadalkayga ku soo gabagabynayaa weli nabad iyo dawlad Soomaliyeed looma bisla ee yaan Cabdiqasim iyo kooxda la danaysata la rumaysan.

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Maqalada ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.