ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

Dalkaaga iyo Dadkaaga Dagaal ha u Horseedin

Posted to the Web  June 01, 2002

WQ

Said Siyaad Shirwa" 

ssshirwa@hotmail.com  

Bismilaahi raxmaani raxiim
Asalaamu calaykum waraxma tulaahi wabarkaatuhu.

Ugu horayn waxaan salaan u soo jeedinayaa bahda wargaysyada madaxa banaan oo noo saamaxay in aan u ban dhigno fekerkeena dadka Somaliyeed oo kala jooga dunida dacaladeeda.

Wadanka Somaliya wuxuu soo maray 21 sano xakun kali talisnimo ah, waxaa wixii dhamaa kasii daraaday 12 sano oo kasii xun 100% inkastoo dadka qaarkiis yiraahdaan 21 sano ayaa u sabab ah waxa dhacay 12 sano ee danbe.
Hadii aan u soo noqdo dulucda hadalkayga waxaa beryahaan ku soo batay wargaysyada madaxa banaan rag aad moodeyso in aysan weli ka daalin dagaalada sokeeye, haddase waxaa ugu danbeeyey walaalkey Warsame Axmed Salaad(HIRIJIRE) maqaal uu qoray uguna magac daray (DAGAALKII DHACAY DAWLADA KU MEELGAARKA WAA U DIGNIIN) odayaal baan waxaan ka maqli jirey (TALO HIRAAB HIRIJIRE BAA HIIRAAN KULA DUUGAN) waxaan u qaatay Hirijire nin talin jiray taladiisana lagu liibaani jirey.
Nasiib darro taladii Warsame waxay noqotay reer hebelow reer hebel ka aarsada somalidu waxay ku mahmaahdaa (rag waa kii hore hadalna waa intuu yiri) waxaan ka maarmi waayey in aan soo qaato abwaankii caanka ahaa ee la,oran jirey Qamaan Bulxan Allaha u naxariistee tix uu tiriyey ugana soo horjeedey nin hurinaayey dagaalo sokeeye.
Wuxuu yiri.
Kuwaan derisney dooxeer hadaan sebankan daaduunsho
waxa adiga duug kaaga noqon bayga degi waayey
Sidebaad dawaar ugu rogtaa dunida geeskaaga
Ma dugaaga cunayaa tihiyo haadka daba jooga
Waxaan kaloo maqlay tix isna uu tiriyey nin la oran jirey Cabdi Gahayr oo asna uu ku diidanaa dagaalo laga dhex huriyo beeshiisa wuxuuna yiri.
Tamashlaynta Sacad Muuse iyo taaha Habar Yoonis
Intaan tiirarkoodu isku jabin timana loo xiirin
Allow yaa wixii tegey tagee taliya oo jooja
Waxaa meeshaas ka cad taariikhda iyo tusaalaha ay dadkooda siin jireen ragii wax garadka ahaa oo garanayey dhibaatada dagaaladu leeyihiin iyo dhaxalka xun ee laga dhaxlo, ninka maanta dadkiisa ugu yeeraya dagaalo hor leh waxaan dhihi karaa waa nimaan gu' jirin.
Dowladu waxay ku dhisantaa rabitaanka shacabkeeda, imisaan u soo joognay dowlad Xamar laga dhisay?1991 Cali Mahdi, 1995 Salbalaartii uu dhisay Marxuum Jen.Caydiid, midkoodna ma hirgelin. Anigu waxaan qabaa kama duwna tan Carte lagu soo dhisay kuwii horay u hirgeli waayey ee yaan dadka walaalaha ah laysku layn dowladu xoog kuma timaadee.
Axmed Salaad waxaan xasuusin lahaa taladii uu siiyey abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye(Qaasim) walaalkii oo uu dareemay in rag kale ku adeeganayaan wuxuu yiri:
Dhagar aadan gelin Aw basbaas yuu ku dhaxalsiine
dhexda yaanu maro kuugu xirin dhiig dis leeyahaye
dhulka nimaan samaantiisa wedin yaan lagaa dhigine
Hal libaax dharqaday uu hilibka iyo dhiiga ka idleeyey
Haw dhuran dhurwaagii laftuu dhuuxay eersadaye
Ugama bogan karo qoraal yar sida aan uga soo hor jeedo dagaal danbe oo dalkayga iyo dadkayga laga dhex huriyo, waxaanse ku kalsoonahay in ay jiraan welibana badan yihiin rag ila qaba fekerkaas, dadkana aysan suura gal ka ahayn in ay damac shaqsi oo danbe dagaal ku galaan.
Saciid Siyaad Shirwa ssshirwa@hotmail.com Nairobi Kenya

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid


Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.