Make your own free website on Tripod.com

ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 

Guddoomiyaha ku xigeenka Gobolka Banaadir

Posted to the Web   April 12, 2002

WQ

Nuur Suufi

nuur_suufi@hotmail.com    



Waxaan rabaa in aan uga faaloodo qoraalkaan magacaabidda la magacaabay
Guddoomiyaha ku Xigeenka Gobolka Banaadir oo loo magacaabay Cabdullaahi
Firimbi.


Qoraal aan ka arkay Internedka waxuu sheegayaa “Wareegta ka soo baxday manta
oo ah 09/04/2002 xafiiska Raysalwasaaraha Dowladda ku meelgaarka ee
Soomaaliya Mudane Xassan Abshir Faarax waxeey ku dhawaaqday jago cusub aan
horey u jirin oo ah Guddoomiye ku xigeen ee Gobolka Banaadir”.
Arrintaas awgeed waxaa ii soo baxday in lagu tuntay dhowr arrimo oo kala ah:

1) In marka u horeeyso lagu tuntay oo laga baxay Axdigii lagu soo kala
qortay Heshiisiintii Carta
2) In marka labaad lagu tuntay nidaamkii kala dambeeynta maamul wanaag.
3) In Raysal wasaaraha asogoo xafiiskiisa ka maqan in wareegto magacaabid
jago weyn soo baxdo waa qalad.
4) In qofka la magacaabay eey qabiil ahaan is xigaan Dr. Cabdiqaasim Salaad
Xassan

  Sidii horey loo ogaa ama maamulkii horey ka jiray Dalka Soomaaliya waxaa
arrimaha Gobolada eey hoos imaan jireen Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo
magacaabidda Guddoomiye ku Xigeen Gobal waxaa awood buuxda u lahaa Wasiirka
Arrimaha Gudaha.
Ilaa iyo manta ka hor lama arkin Guddoomiye ku xigeen laga soo magacaabay
Raisalwasaaraha Xafiiskiisa oo waa arrin lagu fajaco oo lala yaabo oo waxaa
arrintaas laga rabaa in Raisalwasaaraha meesha awoodaas ka keenay una dadka
u caddeeya meesha eey uga qorantahay Axdigii lagu soo kala qortay Cartay.

  Waa in lays weeydiiyaa Wasiirka Arrimaha Gudaha howsha dalka iyo dadka uu
ahaayo, maadaama aan horay u aragnay in Guddoomiyaasha iyo ku Xigeenadooda
Degmooyinka ee Gobolka Banaadir waxaa soo magacaaway Madaxweyniha Maamulka
Md. Cabdiqaasim Salaad.
Maamul haddi rajo laga leeyahay waa in marka u horeysa wax kasto caddaadaan
marka kale la ilaaliyo nidaamka kala dambeeynta ah, haddi kale meesha waxaa
ka soo baxaayo labo walax oo ah in aqoon maamul eey yartahay ama arrimo
gurracan oo ula jeedo xun eey meesha ka socdaa.

  Waxaa mudan in la is weydiiyo magacaabiddaan in Raisalwasaarah og yahay
iyo in kale. Waxaan sidaa u dhahaayo oo igu qasbaayo in manta 09/04/2002
qoraalada oo idil qoraayaan in uu Raisalwasaaraha ku jiro isbitaal ku yaalo
Imaaraadka laga daaweynaayo Sokor lagana qalay Indhaha ayaa xafiiskiisa ka
soo baxday wareegtadaan oo magacaawday jago cusub aan horey u jirin. Haddii
asaga uu ogaa maxuu horey ugu dhawaaqi waayey ama maxuu ula sugi waayey
intuu waddanka ku soo noqdo waa arrin cajiib ah.
  Haddii uu asaga ogeeyn waa in laysweydiiyaa in dadka awooda leh oo
xafiiska iska maamulaanaayo, waxaana ognahay  in Dr. Cabdiqaasim Salaad
caadadaas leeyahay in uu horay u magacaabay Guddoomiyaasha Degmooyinka
Gobalka Banaadir iyo ku Xigeenadoodi, oo hadduu maantana jagadaas ku
dhawaaqi lahaa lalama yaabeen waaxaa lala yaabay asagoo adeegsaday xafiiskii
Raisalwasaaraha oo awood Dastuuri u lahayn.

  Marka waa in laysweydiiyaa maxaa ku qasbay in Dr. Cabdiqaasim Salaad
adeegsaday xafiiski laga maqnaa ee Raisalwasaaraha. Wax yaalaha ku qasbay
waxaa ku soo koobeynaa hoos:

1) In qofka jagada lagu magacaabay iyo Dr. Cabdiqaasim Salaad yahiin isku
qabiil ama isku reer.
2) In haddii eey ka timaado ama dacwad xagga Mudulood in uu asaga lagu
qabsanin oo iskaaga dhigo Xassan Abshir.
3) Jagadaan cusub eey tahay ula jeedooyinka ee Habargidir ka leedahay
Gobolka Banaadir.

Marka sidaan ognahay in Dr. Cabdiqaasim Salaad aan horey uga aragnay
reerkiisa iska daa in xoolihi qaranka ka qaada sida “Villa Somalia”,
“Balli-Doogle Airport” iyo iwn…. Waxaan aragnay in uu sharciyeeyo oo si
nidaam ah ugu xalaaleeyo waxii eey horey dagaal ku qabsadeen oo waliba laga
hashiiyey uuna raali ka aha in xoolihi lakala ceshto.
Waxaan aragnay Xamar-Weyne iyo Xamar-Jabjab in uu ka dhigin Guddoomiye Degmo
dadkii u dhashay deegaanka uu ka dhigay dad asaga isku qabiil eey yihiin uu
walibo sii raaciyay deegaanadaas dad cusub ayaa qabsaday marka ayaagaan ka
dhigeena Mas-uul.
Markuu magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisha
ayuu waxuu sameeyay jago cusub oo ah Xog-hayaha Magaalada Muqdisha oo aan la
aqoonin waxuu qaban lahaa oo waliba uu ka dhigay Cabdullaahi Firimbi oo eey
isku reerka yihiin.
Hadda laba sano ka dib Xog-hayaas asagoo la aqoonin waxuu suubiyay ayaa la
dalacsiiyay oo walibo lagu magacaabay jago cusub oo horey u jirin ah
Guddoomiye ku Xigeen Gobolka Banaadir.

Annagoo og Maamuulka Dr. Cabdiqaasim Salaad in dhaafsaneyn meelo ka mid
magaalada Muqdisaha oo Wasiirka Arrimaha Gudaha howl loo dhiibo loo haynin
iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir asagana waxuu qabto la garaneynin ayaa
haddana ku soo darsamay ku Xigeenkiisi.

Ma laga yaabaa sannadka dambe in Cabdullaahi Firimbi laga dhigo
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Weey dhici kartaa sababtoo ah shalay ayuu
ahaa Xog-hayaha Duqa Magaalada Muqdisha, manta waa G/Xiggeen Gobolka
Banaadir.

Qore:  NUUR SUUFI
nuur_suufi@hotmail.com”




Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

Please direct all questions on the above article to

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.