| Dhagayso Qur'aanka Kariimka ah iyo codkii Sheekh Suadaisi. |

| Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | TacsiILLAAH BAA WEYN

XAL NABADGELYO IYO KA TALIN DANO MUSTAQBAL DEEGAAN.  

1
AllPuntland(Aragtida Akhristaha) Kala xiriir allpuntland@hotmail.com  
November  22, 2001
Posted to the AllPuntland.com  November 22, 2001
.k

 

Somali Youth Union.

Ururka iskaashiga dalinta soomaaliyeed.

Lamb:    10012syu

Taariikh:21/11/01

Ku-  Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed iyo madaxdooda                                      

Ku – Dhamaan isimada Gobolada Puntland   

Ku   Samadoonada Gobolada Puntland

Ku-  Nabadoonada gobolada Puntland

Ku-  Ciidamada nabadgelyada Puntland

Ku-  Culumada Diinta soomaaliyeed

Ku-  Aqoon yahanka   puntland

Ku-  Ururka haweenka Puntland

Ku-  Ururka Dhalinyarada Puntland

Ku-  Gudiga Ganacsatada Gobolada Puntland.

Ku-  Shacabweynaha Degan Gobolada Puntland.  

Ujeedo :  XAL NABADGELYO IYO KA TALIN DANO MUSTAQBAL DEEGAAN. 

Dhamaan xubnaha ururka dhalinta soomaaliyeed waxay halkaan salaan diiran iyo tahniyada munaasabada bishaan ramadaan ee barakaysan ay udirayaan dhamaan shacabweynaha soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Ururka dhalinyarada soomaaliyeed iyagoo ka faa’idaysanaya munaasabada bishaan barakaysan waxaa la quman in ay u soo jeediyaa baaqaan cinwaanka kore wata.dhamaan soomaali weyn gaar ahaan gobolada laysku yiraahdo Puntland.

Marka hore waxaan dadka xusuusinaynaa in ay alle ka dhawrsadaan oo ay adeecaan qof walba waa mas’uul wuxuuna mas’uul kayahay cida uu amarkeeda hayo. Dadka waxaa in badan ku batay xaaraan cunida iyo xumi ka shaqaynta,  qof walba waxaa laweydiin doonaa waxa uu geystay maalinta qayaamo.

Waxaan  ugu baaqaynaa dhamaan ururada iyo hogaanka dhaqan ee puntland in ay gaaraan xal deg deg ah oo ay ku bad-baadinayaan dadkooda.inta ay haystaan waqti iyo fursad.  Cadowga. Islaamka ayaa kadaran kan dadka islaamka dhexdiisa.

waxaan ugu baaqaynaa shacabka soomaaliyeed in ay alle ka baqaan oo ay iska qabtaan afarta nin ee baa bi’isay.

Waqtigaan waa waqtigii kacdoonka iyo mustaqbal kafekerida wadanka. Shacabka oo wada socda waxaa ka dhasha xal iyo nabad gelyo. Soomaaliya waa loo tashtay haddii aysan tashan siddii loogu taliyay ayay ahaanaysaa.

Dhamaan madaxda wadanka matashaa waa dantood oogayaal, mid dan dadweyne hayaa majiro. Waxaana taageera dad hogaanjirayaal ah. Waxaan ku baaqaynaa in aad iska qabataan oo aad xal mustaqbalkiina gaartaan inta goori goor tahay. Waxaad isku raacdaan reer Puntland labada madaxweyne ee aad yeelateen midkood.

Waxaa la gudboon qof walba oo soomaali ah in uu bishaan ramadaan kaga faa’idaysto cibaado una duceeyo wadankiisa.

Waxaan idiin rajaynaynaa Ramadaan maqbuul iyo nabadgelyo waarta. 

Ka-  Xubnaha SYU ee Puntland

Afeef :   Qoraalada Akhristayaashu ku cabirayaan ra'yigooda  waa mid ka madaxbanaan aragtida AllPuntland iyo qorayaasheeda, marna looma saarin karo inay tahay qormo ka turjumaysa aragtida AllPuntland.com, qoraalkasta oo akhriste waxaa la socda magaca iyo cinwaanka Email ee qoraaga qoraalkaas oo isaga lagala xiriirayo. Mahadsanid

| Bogga Maqaalada Maanta |

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

  Go Back  

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).