Make your own free website on Tripod.com

ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Posted to the Web   March 23, 2002

WQ.

Cadaalad Qaran

cadaaladq@yahoo.co.uk     

HADDII AYNU NAHAY UMMADDA SOMAALIYEED  EE  KU NOOL WADANKA INGIRIISKA  WAXAA NAGA SUAAL AH, MAXAY WAX UGA QABAN WAAYEEN DOWLADDA KUMEELGAARKA AH DHIBAATADA HEYSATO SHACABKA SOMALIYEED EE REER KUWAIT EE MAR WALBA KU SOO BAXA JOORNAALADA KALA DUWAN EE ADDUUNKA DACALADIISA KA SOO BAXA? 

WAXAAN  IS WEYDIINAY  MARKII AAN ARAGNAY DHIBAATOOYINKA AY SHEEGANAYAAN DADKA KU NOOL WADDANKA KUWAIT, WAXAA HALKAAS NOOGA MUUQDAY DHOWR ARRIMOOD OO SOO SOCDA MARKII AAN LA  XIRIIRNAY SHACABKA QAAR KA MID AH OO ISKU AF AH

1- WAXAAN U ARAGNAY QOFKA AY KA DACWOONAYAAN IN UUSAN DAN  KA LAHEEN UMMADA SOMAALIYEED .WAAYO WAXAAD KA GARAN GAREYSAA HADDII UU DAN KA LEEYAHAY DHIBAATOOYINKAAS MA SUUBIYEEN, LAKIIN WAXAAN SHAKI KU JIRIN IN DOWLADDA CABDIQASIM OO AWOOD KA HEYSTO SI AAN LOOGU SOO XADGUDBIN SIDA UU DOONANA KA YEELO SHACABKAS.

2-  WAXAAN  SOO ARAGNEY MAR AAN SOCDAAL KU SUUBINAY WADANKA EMAARATKA IYO SACUUDIGA , IN DOWLADDA HORE EE CABDIQASIM AY BEDESHAY SAFIIRADII HORE IYO KUXIGOONADOODII EE XAGGA U JOOGAY SOMALIDA ,IYAGOON WAX DHIBAATO AH AYSAN KU HEYNIN SHACABKA  HALKAAS KU NOOLAA, WAXAAN GARAN  W EYNAY WAXA UU CABDIQASIM IYO DOWLADIISA KA DAMACSAN TAHAY NIMANKAAN LAGA DACWOONAYO, WAAYO UMMAD DHAN LOOMA BAABINAYO LABO QOF.

3-WAXAAN KALOO KU ARAGNAEY DAMBIYO FARA BADAN OO AY KA GALEEN WADDANKA SIDA AY SHEEGAYAAN DADKA SOO TABIYAY WARARKAAN KAASOO AH  KA BEECMUSHTARKA BAASABOORADDA IYO ISKOOLADII ARDADEENA SOMALIYEED,

4-WAXAY KALOO KU SHEEGEEN IN WAX KALA ISKABA DHAAFEE IN AY YIRAAHDEEN CALANKII SOMALIYA WAA UU GOOGOAYEE KA BEDEL SAFAARADDA ANAGAA QARASHKA BIXINEYNEE SI AAN U DUGAALSANO ,WAXAA DHACDAY IN UUSAN KA BEDELIN, SAFAARADDA KAAS OO AAN LEENAHAY WAA QARAN DUMIS DIBADDA KA SHAQEYNAYA SIDA AY NOO SHEEGEEN NIMAN ODAYAAL AH ,WAXAABA DHAAMO AYAY YIRAAHDEEN MUCARADIINTA CALANKA AQOOSAN LAKIIN LA DAGAALAMAYO DOWLADDA KUMEELGAARKA AH , IYAGU SIDA AAN KA DHANDHANSANAY WAXAY NOOLA EKAATAY IN AY YIHIIN QARANDUMIS  TAAS OO DOWLADDA CABDIQASIM AY MAR WALBA OGYIHIIN KANA WAR HAYAAN.

5-HADDII AAN SOO QAADANO WASIIRKII HORE ARRIMAHA DIBADDA WAXWEYN AYUU KA QABTEY SAFAARADDAHA DIBADDA JOOGO , ISAGA OO SOO GELIYAY SAFIIRADDII HORE IYO KUXIGOONADOODII ,ISLA MARAHAANTAAS MAGACAABEY KUWA CUSUB HADDANA HOWSHA AY WADDAAN MARKII AAN ARAGNEY AANU KU FARAXNAY ,WAAYO QOFKA HADDII UU MEEL MUDDO DHEER JOOGAY SIDA UU DOONA AYUU KA YEELAYAA,.LAKIIN QOFKA CUSUB WAXAA UU LA YIMAADAA WAJI CUSUB IYO WADANKIISA OO UU OGYAHAY SIDA UU YAHAY SIDII UU WAX UGU QABAN LAHAA.

6-WAXAAN U ARAGNAY IN WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA EE HADDA LA DOORTAY UU KA GAABSHAY HOWSHAAS, HANA OGAADAAN,  IN LABO QOF AAN LAGU DOORSAN KARIN KUN QOF, MEESHA SHACABKA BADAN KUU JOOGO WAA HOYGAAGII LABAAD OO AAD KU KALSOONTAHAY

7-WAXAAN U ARAGNAA MARKEY LEEYIHIIN WAXAY LA XIRIIRAAN  DADKA DOWLADDA KA SOO HORJEEDA ANAGU HADDII AAAN NAHAY REER LONDON TAASI MA AAN BEENEYSAYNO, WAAYO WAY DHICI KARTAA WAXYAABAHA LAGA SOO SHEEGAYO

8-LA ISKAMA DULMIYO QOF AAN WAXBA GALABSANIN WAAYO WAA DAMBI WEYN ,LAAKIIN WAXAA DHACDAY ANAGA OO REER LONDON AH WAXAAN TALEFOONKA KULA XIRIIRNAY DAD BADAN OO REER KUWAIT AH WAXAYNA NOO SHEEGEEN IN ARRINTAAS AY SAX TAHAY HADDANA AY KA SII DARTEY, ANAGOON SHEEGEENIN DADKAAS MAGACYADOODA IYO TALEEFOONADOODA.

9-WAXAY KALOO NOO SHEEGEEN IN NINKA SAFIIRKA AH AY QARAABO YIHIIN XAASKA CABDIQASIM SALAAD, SIDAAS DARAADEED UUSAN CABDIQAASIM  SALAAD IYO DOWLADIISA AYSAN FAR GASHANIN.

10-CABDISIM SALAAD WAXAAN U SHEEGI LAHEYN IN UUSAN UMMAD DHAMI UUSAN U DUMININ QOFKAAN WAA XIDIDKEYGA AMA DHINACA REERKA AAN QABO AYUU KA SOCDAA EE UU FIIRIYO UMMADAAS. IYO QARANKA.

11- WAXAAN AAD ULA DHACNEY SIDII FIICNEED EE UU SUUBIYAY MR BUUBAA WASIIRKII HORE EE ARRIMAHA DIBADDA INTII UU XUKUNKA HAYAY SIDII UU UKALA SAFEEYAY SAFAARADDAHA DIBADDA  KHEYR ALAHA SIIYO QOFKII DAACAD AH

12- WAXAY TALEEFOONKA REER KUWAIT NOOGU SHEEGEEN IN AY DHEHEEN ASAGA ASALKIISU WAA REER MASQAD, HADDII MEEHSA LAGA QAADANA SOMALIYA DAN KAMA LAHA , HADDII LOO DAAYANA UMMADDII HALKII AYUU DHIBKA KA SII WADAYAA. ILAAH HA KA QABTO ILMAHAAS MEESHA LAGU KORSANAYO IYO WALIDKOOD.

13- WAXAY KALOO NOO SHEEGEEN, IN DOWLADAAS AY LA NOOLYIHIIN AY GACMO FURAN KU SOO DHAWEYSO UMMADDAAS , LAKIIN WAXY DHAHEEN MEEL WALBA ISAGAA NAGA SOO AFJARAY OO NA HORJOOGA.ILAAH HA IDIINKA QABTO

14-WAXAY KALOO NOO SHEEGEEN ,IN UUSAN RABIN WAX KA SOCDO DOWLADDA , HADDABA WAXAAN WEYDIINEY SIDUU CABDIQASIM ULA SAFAN YAHAY HADDIIBA UUSAN RABIN DOWLADDII IN AY TIMAADO KUWAIT, WAXAY IIGU JAWAABEEN DOWLADDA WAXAA WAX LA WADA DAD QAAS AH OO UGA SOO DHAMEEYO AMUURAHOODA WASAARADAHA AY USOCDAAN IYO WASIIRADDA AY RABAAN IN AY ARKAAN , SAFIIRKA WAXAA UU OGAADAA MARKII AY MAANTA OO KALE AY SOO GALAYAAN INTA KALE LOOMA SHEEGO, WAAYO AYAY YIRAAHDEN ,HADII UU MAQLO WAA UU HOR ISTAAGAYAA, HADDABA CABDIQAASIM SALAAD MAXUU KUU YAHAY SAFIIRKAAS ADIGA  IYO DOWLADAADII AYUU  DHABAR JABINAYAA ,  HADDII AAN NAHAY SHACABKA REER KUWAIT WAXAANU LEEYAHAY WAA DUMAASHIGIIS.

HADDABA MIYAYSAN BEDELI KARIN MISE AWOOD AYAYSAN U LAHEYN NINKAAS AY KA SHEEGAYAAN JAALIYADAAS .WAAYO KUWAIT WAA MEELAHA LAGA HELI KARO MUCAAWINO DEGDEGAH

JAWAABTEEDA WAXAY U TAALAA DOWLADDA KUMEELGAARKA AH SIIBA MADAXWEYNAHA ,RAISAL WASAARAHA, IYO WASIIRKA ARRIMHA DIBADDA 

Qaarka mid ah qoraaladii badnaa ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee Kuwait

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright 2000-2001 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.