ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ogaalka Akhristaha 


warmurtiyeed ka soo baxay Ururka Horumarinta gobolka Jubbada Hoose.

Posted to the Web   May 06, 2002

WQ

Mohamed Muse Abdi 

jabros@hotmail.com >

Ururka horumarinta gobolka jubbada hoose
xarunta stockholm

UHGJH/Q-11/2002
Stockholm, 10/04/2002

Ku:
Dhammaan aqoonyahannada iyo wax garadka g/j/hoose.
Dhammaan haweenka iyo dhalinyaradda gobolka j/hoose.
Dhammaan gudiyada iyo jaaliyadaha gobolka j/hoose.
ku:
Dhammaan Hay'adaha gurmadka iyo gargaarka deg degga ee caalamiga ah (Dhakhaatiirta aan xuduudda la'hayn. Ururka laanqayrta Cas IWM.)

Ujeeddo:- Fidin Gurmad deg deg ah iyo Badbaadin ummadeed

Walaalayaal, Saaxiibayaal.
( MAANTAY WAA MAALIN AAN LOO KALA HARIN ).
Sida aad la wada socotaan cudurka halista ah ee daacuun caloolaha ah ayaa fara ba'an ku haya dadka Degmada Afmadow, Dhoobley, Kismaayo iyo guud ahaan Gobolka Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexeba. Caruur iyo waayeel badan ayaa u dhintay cudurkaasi. Dad aad u badanna wey u liitaan maanta cudurkaasi. Waxaana ka dhammaaday gar gaarkii ay hesteen.Wax gar gaar ah oo ay haysantaan maantay ma jiraan sida ay soo tebiyeen odoyaasha iyo wax garadka Degmooyinkaasi. Cudurku waa cudur dilaa ah oo markiiba haddii aan lala gaarin qofkii uu ku dhaco dawo iyo nafaqo deg deg ah uu u dhimanaayaa si dhakhso leh.

Haddaba, dadka Gobolka Jubbada Hoosow maxaa inagu waajib ah haddii caruurtayada iyo waayeelkayaga iyo guud ahaanba dadkayaga ay u dhimanaayaan cudurkaasi halista ah?

Waxaan u malaynaynaa maanta in ay tahay maalin aan loo kala harin sidii loo badbaadin lahaa dadkayaga ay dhibaatada ka soo gaarayso cudur wax laga qaban karo ama laga hortegi karo. Qof walba oo Reer Waamo ah bal isku day in aad badbaadiso qof keliya ( Alle baa badbaado lehee) in aad ku badbaadiso qiimo aan dhammayn $10 Dolar. Isagoo loogu gadaayo qofka jiran daawo ama faleebaha nafaqaynta ah oo noloshiisana wax u tari karto.

Walaal, Saaxiib, badbaadi walaalkaa, walaashaa, ehelkaaga iyo dadkaaga iyo saaxiibadaaba wax aan qiimo badan ahayn ku badbaadi. Ogow haddii aad ahaan lahayd qofka cudurkaasi uu hayo waxaad dadkaaga uga baahnaan lahayd gurmad iyo gargaar deg deg ah, sidoo kale adiga maanta u fidi gar gaar qofka maanta u baahan gar gaarka kuna badbaadi naftiisa. U naxariiso dadkaaga, si Eebbe kugu naxariisto. Sidoo kale ha iloobin dadka ku nool Gobolka Jubbada Dhexe oo iyaguna cudurkaasi fara ba'an uu ku hayo gaarsii gar gaarkaaga iyo deeqdaadaba waa dadkaagiiyee.

Guddiyada iyo Jaaliyadaha dibadda ku noolow, meel kasta oo aad joogtaanba isu abaabula magaalo, magaalo, degaan, gobol iyo dal dalba idinka iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ee jecel in ay ka qayb qaataan gar gaarkan deg degga ah ee loo fidinaayo dadka uu baabi'inaayo cudurkan halista ah ee ku nool Gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe iyo meel kasta oo ay ku dhibaataysan yihiin dadka Soomaaliyeed.

La gaara gar gaarka dadkiinna idinkoo u xilsaaraaya dadkii uruurin lahaa meelkasta oo aad joogtaanba.

BALLANKEENNU WAA FIDIN GURMAD DEG DEG AH.


Wabilaahi Towfiiq.

Qormadan waxaa Qoray:
Maxamed Muse Cabdi
Guddoomiyaha U.H.G.J
UHGJH@hotmail.com

Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Maqalada ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.