KU:MADAXWEYNAHA DKMG AH C/QAASIM SALAAD
XASSAN
KU:R/WASAARAHA DKMG AH
XASSAN ABSHIR FAARAX
Og: GOLOHA BAARLAMAANKA
Og:GOLAHA WASIIRADA
Og:GOLAHA NABADAYNTA IYO DIB UHESHIISIINTA
Og:ODAYAAL DHAQAMEEDYADA UMMADA SOMALIYEED.
DHALIIL IYO SALUUG
Sida aan lawada socono waxaa ka dhacay
gobolka W/Galbeed Somaliya siiba Hargaysa xasuuq loo gaystay dad rayid
ahaa oo soomaaliyeed iskuguna jiray bulshada noocyadeeda kala
duwan,falkaas foosha xun oo uu gaystay gudoomiyaha W/Galbeed Ina Cigaal
iyo maamulkiisu waxay si bani,aadnimada ka baxsay u xasuuqeen ulana
dhaqmeen 172 qof 42 kamid ahi ay ugaliyeen gacanta cadowga ummada
somaliyeed ee soo jireenka ahaa (Ethiopia) inta kalana ay weli ku
xidh-xidhan yihiin jeelasha Hargaysa,ayna sugayaan in loo dhiibo
maamulka kaligii taliye Malez Zanaawi.
Maamulka ina Cigaal oo doonaya inuu colaad
ka dhex abuuro shacabka soomaaliyeed ee walaaha ah ree Ogadeniya iyo ree
W/Galbeed ,dhaqan,dhaqaale,xidhiidh ganacsi oo qoto dheerna ay ka
dhaxayso si uu uga dhax faaiidaysto colaadooda oo cidina aysan
ugula xisaabtamin maamulka iyo cabudhinta qasabka ah ee uu ku hayo
shacabka W/Galbeed.
Hadaba Ina Cigaal taariikh madow
kuleh ummada somaliyeed dhexdeeda, ee waxaa su,aal mudan DKMG ahi ma
waxay u dhalatay dad gooni ah gobol gooni ah mise soomaali weyn
ayay u dhalatay? calanka xidigta shan geesoodka ahise muxuu
matalayaa,Cabdiqasim iyo maamulkiisu hadaysan ka turjumi karin
dhibaatada shacabka somaliyeed lagu hayo meel kastaba hajoogee muxuu
shanta gees ee xidigta hal mid oo kaliya u qaadan waayey afarta kalana
ma matali karo u odhan waayey?
ma Dow baa mise waa dowladnimo in DKM ahi
ay u hadasho shacabka qaar qaarna u aamusto mise weli C/qaasim wuxuu
rajo ka qabaa Ethiopia oo ma quusan.
Waxaa wax laga xumaada ah in wasaarada
warfaafinta DKMG ah aysan xitaa qoraal ama hadal cambaarayn ah
kasoosaarin xasuuqa loo gaystay shacbkaa somaliyeed,iyadoo dowlado
ajnabi ahi intaas ka hadleen,hay,adaha xuquuqal insaankana ay uordayaan
sidii ay uogaan lahaayeen dadkaas Ethiopia loo dhiibay halkay lageeyay
iyo waxay mudanayaan.
Soomaali waa u dhaqan inay islayso is
dhacdo laakiin waxa uu ina cigaal kukacay waa arin ugub ah oo soomaaliya
horay looga maqlin,hadaba DKMG guud ahaan,oday dhaqameedyada ummada
soomaaliyeed,cuqaasha,aqoonyahanada waa inay hadal cad ka soosaaraan
arintan ugubka ah ama ay jideeyaan ama ay cambaareeyaan.
Xasuuqa ina Cigaal iyo aamuska DKMG ahi
waa arin naxdin iyo uurkutaalo leh xasuuqa W/Galbeed laga gaystayna waa
mid xisaabta kujirta jawaabna laga bixin doonoxiliga kuhaboon.waxaan
hadalkaygii kusoo gunaanadayaa waxba waxbaa iiga sii darane DKMG ah ha
unoolaato cadowgeeda koowaad Ethiopia iyo murtadka islaanimada sicad
ooga baxay ina Cigaal.
M.A. Uulaa