ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


Qiimahii dHiigga Qofka Soomaaliyeed ha la soo Celiyo

Posted to the Web   April 29, 2002

WQ

Mahamoud Nur Wardere

mwardere@oakwood.com  


Qiimahii diigga qofka Soomaaliyeed ha la soo celiyo

Alla ha u naxariisto marxuum Dr. Dahir Sh. Xasan oo shalay lagu dilay Xamar. 

Dhaqatar Dahir Sh. Xasan oo shalay latoogtay isagoo u socday goobtii uu dadka ku daawayn lahaa ayaa ugu danbeeyay qof Soomaali ah oo ku dhintay gacan qof Soomaali ah. Intaan maqalnay. Inkastoo Dhaqtarka uusan ahayn qof ka dhintay reerkiisa keliya balse uu ka dhintay Soomaali oo dhan weliba uu ahaa qof muhiim ah oo daaweeyn jiray dad badan hadana dilka keligii kuma koobna waxaase intaa ka daran in la yiri waxaa dhaqtarka loo dilay aano qabiil!!. 

Tan iyo intii uu bilowday dagaalka sokeeye waxaa raqiis noqday dhiiga qofa Soomaaliga ah waxaa caado noqotay dhaca, dilka, sharaf tirka qofka soomaaliyeed iyo ayadoo mararka qaarkood la kufsado ama la fara xumeeyo gabdhaha Soomaaliyeed. Waxani waa wax aan hore loo arag heerka sidaas u liitana taariikhda soomaalida marna ma gaarin mana aha wax ay sameeyaan dad islaam sheeganaya.. 

Daadinta dhiiga Soomaalida ayaa ah mid aanay caruur ciroole, haween, culimo, iyo dhaqaatiirba aanay ka fakanin. Ninkii Soomaali ah oo aan arko oo uu dhiigiisa ka qaalisanaa ma arag Marxuum Abuu Jeylaani oo ku dhintay gacanta booliska Minneapolis Minnesota. Marxuumkaas geeridiisa awgeed soomaalida ku nool gobolka Minnesota oo ka kala timid gobolada Soomaaliya, Jabuuti, waqooyiga Kenya, Bariga Itoobiya, iyo meelo kaleba waxay gilgileen Minnesota oo dhan waxay sameeyeen banana baxyo iyo dacwooyin. 

Markaad aragto dalalka qaarkood oo qiimo u yeelaya muwaadiniintooda oo xataa hal qof haddii laga qafaasho iska daa waaba dil e dagaal u galaya oo aad haddana fiiriso dhiiga iyo sharfta qofka Soomaaliga aad ayaad u murugoonaysaa. 

Waa xil qof walba oo Soomaali ah oo wax garad ah saran sidii loo joojin lahaa ku xadgudubka hantida, sharafta, iyo nafta qofka Soomaaliga ah.  

WAA INUU DHIIGA QOFKA SOOMAALIGA AH NOQDAA KAN DUNIDA UGU QAALISAN_SOOMAALIDA OO ILAAHAY BARYADIISA KAASHATA AYAANA KA DHIGI KARTA. 

Mahamoud Nur Wardere

Musharaxii hore ee duqa magaalada Minneapolis, MN, USA

Wardere1@aol.com 


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Maqalada ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.