| Dhagayso Qur'aanka Kariimka ah iyo codkii Sheekh Suadaisi. |

| Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | TacsiILLAAH BAA WEYN

Puntland Wadeeco Alla wax ha loogu daro!

1
AllPuntland(Aragtida Akhristaha) Kala xiriir allpuntland@hotmail.com  
November  29, 2001
Posted to the AllPuntland.com  November 29, 2001
.k

Waxaa Qoray

Dr. Warfa Abdi  garweyne@tinyonline.co.uk 

 

Sida ka muuqata cinwaanka, Puntland uma baahna markan Wadeeco Alla oo keliya, ee way u baahan tahay in wax loogu daro (tageero iyo fikrad).

Waxaa xaqiiq ah in shicibka Puntland uu soo maray dhibaatooyin aad u calculus oo soo taxnayd in ka badan 30 sano. Haddii aan wax ka tilmaamo:

  • Awood (power), feker (intelligence) iyo dadaal kasta oo ummadda soomaaliyeed ay samayn kartey, wuxuu ku jiheeysnaa burburinta shacabka Puntland, intii ka horreysey dagaalka sokeeye. Waxaa soomaaliweyn lagu abuuray in ay qalbigooda katiraan ixtiraamka iyo ka haybaysiga shacabka Puntland. Wxaa markaa la oran karaa muddadii kacaanka, soomaaliweyn wax horumar ah ma samayn, aan ka ahayn burburinta shacabka Puntland.

  • Dagaalkii sokeeye markuu dhacay, shicibka Puntland wuxuu la kulmay baas aad u daran oo dad iyo duunyaba dhaafiyey. Waxaa shicibkan ku dhacay xaaluf degaan (displacement) iyo mid xooleed, kufsi xad kasta dhaafay, gowrac iyo geeri aan kalago’ lahayn.

  • Lacagta been abuurka ah ee lagula wareegayo hantidooda waxay iyana sii kordhisey dhibaatadii dhaqaale ee ay la kufkacayeen.

  • Waxaa waxwalba ka daran dhibaatada ay ku hayso kooxda carte dhinaca Kismaayo iyo kan Garooweba. Waxaan marna la hilmaami Karin ninka madaxweyne soomaaliyeed sheeganaya haddana si cad u qirtay in uu ku duulay Kismaayo una adeegsadey hantidii loogu deeqay danyarta soomaaliyeed.

Sidaa daraadeed, waxaan shicibka Puntland ugu baaqayaa:

    1. In ay ugu horrayn xallistaan arrimohooda gudaha; waxaan aad uga xumahay una cambaaraynayaa nooc kasta oo gacan kahadal ah ama qori-isu-qaadasho ah.

    2. In ay muujiyaan deggenaan iyo kala dambayn, waxaana rajeynayaa in si degdeg ah miis loo wada fariisto, laguna xalliyo dhibaatada miiska dushiisa.

    3. Waxaan ugu baaqayaa in ay ka feejignaadaan fikrad ama awood-dhaqaale oo uga yimaada duleedka Puntland oo markaa ku abuurata khilaaf ama xoojiya kala-duwanaantoona fikradeed.

  Waxaan sidoo kale waxgaradka Puntland ee qurbaha ugu baaqayaa in aydaan ka xishoon taageeridda xaqa ah ee ay idinku leedahay Puntland iyo shicibkeedu. Puntland waxay nooga baahan tahay:

      • In aan siino siyaasad midaysan oo ay hiigsato.

      • Waxay u baahan tahay dhaqaale horumarineed iyo mid ay isaga difaacdo kalaqaybinta.

      • In aan ku yeelanno saamayn toos ah siyaasiyiinta Puntland oo aan fikrad iyo aaraa’ba siinno. Waxay ila tahay in mustaqbalkeennu uu yahay Puntland ama Jubaland, sidaa awgeed, ilama haboona in aan odayaasheenna ku eeganno arrimaha dhacaya.

Haddii aynnan si buuxda oo degdeg ah ugu istaagin Puntland waxaan isweydiin doonnaa xilli ayan waxkaqabad lahayn. 

Waxaan umadda soomaaliyeed oo dhan u rajeynayaa midnimo iyo nabad waarta; iyo in uu Ilaahey ka qabto kuwa hororka ee kala-horaynaya.

Dr. Warfa Abdi

Afeef :   Qoraalada Akhristayaashu ku cabirayaan ra'yigooda  waa mid ka madaxbanaan aragtida AllPuntland iyo qorayaasheeda, marna looma saarin karo inay tahay qormo ka turjumaysa aragtida AllPuntland.com, qoraalkasta oo akhriste waxaa la socda magaca iyo cinwaanka Email ee qoraaga qoraalkaas oo isaga lagala xiriirayo. Mahadsanid

 

| Bogga Maqaalada Maanta |

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

  Go Back  

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).