ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

Waa Maxey Proffessor?

Posted to the Web  June 30, 2002

WQ.

Mohamed Xaabsade 

xabsade@hotmail.com 

 

Ugu horeeyn waxaa jeclaan lahaa inaan u mahad celiyo dhamaan asxaabta inoo saamaxdey inaan fikradheena is dhaafsano. Anigoo hubo iney kaalin buuxdo ka qaateen sare u qaadista saxaafad Soomaaliyeed iyo iney astaan fiican u tahey bilowga horumarka bulshada. hadaba aan ugudo galo ahdaafta qoraalkeyga. 

 

Waxaa hubanti ah in maanta eey Soomalidu joogin waqti eey garab siiso waxa uu cabdiqaasim meelaha la baryootamayo oo maanta xitaa kasoo rarey gurigii uuu daganaa. Iyadoo taasi eey jirto ayaa hadana dadka isaga la shaqeeyo ama inta badan u qeyliyo eey yihiin kuwo gabey dantooda oo caruurtooda u heli la'a xitaa waxeyy quutaan. Qaarkood ayaa iyana waxey ku tiirsan yihiin ceyrta eey laga siiyo dalalka Yurubta ama waqooyiga america oo eey qaxootiga ku yihiin. 

 

Si kastaba jagooyinka dowladnimo ee loogu yeero kuwa ayaanka daran ee Hoteelada Xamar laga eryey ayaa si kala daran. Hadaan Tusaale u soo qaato Zakariya Haaji cabdi oo aan si fiican u aqaano degenaana North London ayaa ahaa nin abaabulka shirarka Islaaxa aad ugu fiican islamarkaana aad ugu dhowaa sheeq Xamza oo ah nin eey dowlada Ingiriisku il gaara ku fiirineyso. 

Isagoo caruurtiisu Hoorka gacanta eey islaantiisu Boostada ceyrta Subax walabo la taagana tahey ayuu waxuu u noqdey afka Cabdi qaasim uu ku cuno masaakiinta agoonta ah ee reerkiisu naafeeyeen. 

 

Zakariya waa nin habyaraatee aanan laheyn damiir bani aadnimo aanan xitaa ogeeyn waxa uu ka hadlayo taasna isagaa ayaa cadeeyey maalin bbcdu eey weydiisey goobaha ciidamada Itobiyaanka eey kasoo galeen Soomaalia ayaa waxa uu sheegy magaalooyin aan xadba la laheyn dalka Itoobiyaa taasoo sababatey in wariyihi bbcda uu adkeysan waayo aragtidaa aadka u gaaban sababteyna in lasoo gabagabeeyo wareysigiisa. 

 

So called Professor Ibbi, Soomaalida maanta ayaa ah kuwo lamagac baxeen magacyo badan sida Dr Qaasim, Col Qeybdiid, Prof Ibbi, Dr Hassan Abshir iyo kuwo noocaas oo kale aha. Darajadu waa wax halgan u baahan maahin wax leesugu yeero ama lagu gaaro dhaca, boobka, dilka, kufsiga iyo inta cabdiqaasim iyo reerkiisaba eey u taagan yihiin. 

Mr Ibi ayaa aha macalin qaabilsan jirsdhiska ardeyda kuliyadi Lafoole mana uusan aheyn nin soo bartey cilmi dadka la gaarsiiyo balse uu ahaa kaliya nin jirdhiska u qaabilsan ardeyda. Hadaba waxaa yaab leh in tagista jaamacada xitaa leesugu yeero profesor ama dictor. 

 

Waxaan garan la'ahey waxa sababao in darajo aan loo soo halgamin qori la'aan leesugu yeero. Waan qirayaa inuu cabdiqaasim yahey dagaal ooge mujrim ah mudabna in lagu toogto iskoolka palizio, waxuu masuul kayahey musuqmaasuq sodon sanno jirsadey. 

Waxuuna ayaan daradii u soo noqdey inuu laayo shacabkii eey ka kala tageen macalinkiisii iyo walaalkiis Ceydiid.

 

Maxamamed Xaabsade

 

Qoraalkii Ugu dambeyay ee Xaabsade

Yaan Af Loo Noqon Kuwa Dulumka wada... M. Xaabsade May 22

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

AllPuntland Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo dir fikir@allpuntland.com ,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland: Akhristaha

ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.