ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

Ku Xoghayii BURBURKa Dalka "USC" MR Abdikariim!

Posted to the Web  June 12, 2002

WQ.

Maxamed Xaabsade 

xabsade@hotmail.com 

 

Waxaa arin lala yaabo iga noqotey inuu Cabdikariim Mohamed Ibraahim uu wali sheeganayo darajo ama xil USC ah. Waxaan wada ognahey in bani aadamku uu ku faani karo haddii uu sameeyo wax miro dhal ah horumarna gaarsiiyo bulshadiisa. Waxaan hubaa aasaaskii USCda iyo waxey ku sheegeen inuu ahaa halgan inuu ahaa bilowgii burburkii dalka, qaxii umada, kufsigii gabdhaha Muslimiinta ah, gooyntii nafta ilaah xaarantinimeeyey, qabsashadii beeraha Islaamka, iibgeyntii hantidii qaranka iyo in badan oo aan qoraal iyo labo lagu soo koobi kareyn. 

 

Waxaa ayaan daro noqotey nin inuu Muqdisho maanta tago hadana inuu qayilo ee yiraahdo waxaan qabanayaa shir jaraaid kana hadlo arimo aan ognahey uu waxba ka tari karin waliba isagoo sheeganaayo Xoghayaha ururka USCda.

 

Anigoo aaminsan in qofwalba uu garaadkii duulo ayaan hadana waxaan moodey qolo burburkaa geesatey, maanta inety Muqdisho timaado hadana sheegato darajadii burburka iney tahey nasiib xumo, Walibana ku eedeyso dowlada Itoobiya hubka eey dalka soo galiso. 

 

Mar haddii aadan adigu jecleen siyaasiyiinta Mudulood, oo adigu waligaa lagugu ogaa la jirka kuwa boobka wado waxaa kuu haboon inaad afkaada xirato. 

Itoobiya adinkaa tagey Abdikariim, adigaa taagerey waxey wadey maanatna ayagaan eedeynayaa waxaan moodaa inaad isleedahey Hoteelka dhinac ka ciriirso isagoo walibo sii gabogabo ah. 

 

Ummada Soomaliyed dagaal ayaa naafeeyey, waa eey dhibtoodeen aragtideyda gaabana uma baahno nin qaxooti london ku ah inuu Muqdisho tago hadana uu iska yiraahdo waxuu doono. Waxaan hubaa nin qaxooti ah inuu dalkiisa iyo reerkiisa midna wax u tari karin. 

 

Cabdikariim iyo kuwa isaga lamida ee ayaanka darane maalinbaa banaan cid la'ah lasoo istaajin doonaa. Ma'arag cid dhaheyso USC baan xilkaan u hayey labo iyo toban sano kadib islamarkaasna xasuusto waxa eey galeen. Saaxibkeey Cabdi kariin waxaan xasuusinayaa dagaalka Soomaalia inuu ahaa dhul boob iyo mid qabiil. Hadaba adigoo ka dhalatey Mudulood, dadkaagana dagaal ku jiro haddii aad lacagti gabadha Itaalia ka shaqeeyo eey kula qumanaatey inaad Ceydiid ugu geeso adis ababa hadna aad wali ku faanto baabi aad bulshadaada u geesatey waa arin aad looga naxo. Waxaan moodey inaad kortey balse waxaad u muuqataa inaad joogto meeshi aan kugu ogaa iyo kasii fog. Waxaan hubaa aniga iyo beesha oo dhan inaad ka tahey danbiile dagaal noolana mid ah Cabdiqeybdiid iyo cabdiqaasim. 

 

Xasuusin: Cabdikariin kuwa kuu baahan waa caruurtaada iyo hooyada Soomaaliyeed ee nasiib darada u yeelatey iney adiga kuu dhexdo ee dagana xaafada streatham ee London. Soomaaliya xaalkeedana adiga iyo kuwa kugu caqliga ahna waxba kama qaban karaan. 

 

Waxaana rajeynayaa inaad ka waantoobi doontid aflagaadada iyo dulmiga aad bilowdey haddii kalena aad muteysan doonto in gacan adag lagugu qabto. 

 

Maxamed Xaabsade

London

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

AllPuntland Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo dir fikir@allpuntland.com ,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland: Akhristaha

ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.