ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Qoraalada Akhristaha 

Ayaamaha waa jaraaid "Qabiil".

Posted to the Web   March 30, 2002

WQ

Mohamed Xaabsade

xabsade@hotmail.com   


Waxaan aad ugu faraxsanahey inaan marka hore tahniyad niyad sami leh u diro walaalkeey Dr Ulusoow, waxaana rajeynayaa ineyeysan waxba dib u dhac ku noqon waxa eey la damacsanyihiin kuwa dagaalka aan hurdada laheyn ugu jiro kala geeynta dadka walaalaha ah. 

Waxaa laga harsan la'yahey u magacaabida laguu magacaabey lashaqeynta SSA oo ah mid eey baahi u qabaan dadyowga aad ka dhalatey. In la abuuro dood taa ku saabsan ama laga hadlo waxa uu shaqsi Dotora afhayeen ugu noqdo nin xaq u dirira sida ALxaaji Muuse oo kale. 

Waxaa cad in jaraaidka ayaamaha uu yahey jaraaid qabiila aana marna ka run sheegin waxa dalka ka jira waxaa lamida BBCDa, horafrik iyo qashinka tirada badan ee dadka xamar degen eey ku indho iyo dhago tireen. 

Waxaan hubaa maanta dalka inuu u baahan yahey aqoon yahan ka samata baxsha dhibaatda dalka ka jirta. Dalkeenana xaqiiqd nabadi ka aslaaxi meyso inta lagu jiro, guri dowladeed iyo mid shacbiyeed. Waxaan hubaa in soomaalida dagaal xooga isaga qaadaan kuwa hantidooda heeysta, haweeenkooda kufsado, nabadgalyada dalkana hortaagan. 

Wax walbo oo ey soomalidu sameeso xal lama gaari karayo ilaa iyo intey gacmaha is qabsadaan lana dagaalaan kuwa xaq darada u taagan.

Magacaabid nin aqoon yahana lamagacaabey ayaa waxa eey ku abuurtey hurdo al'aan maxeyse maleen lahaayeen haddii eey ogaan lahaayeen in Soomaali oo dhan u soo jeesatey in ey ladagaalaan kuwa guryahooda xaq darada ugu jiro, geedaha dalka iibgeeyo, teleephoonad xargaha kala baxo, lacago been abuura layimaada iyo wax walbo oo qof muslina ka naxo farxad iyo target u tahey. 

Ugu danbeenti waxaan kusoo gunaanadayaa qoraalkeyga in jaraaidyada aan soo sheegey iyo Abdiqaasim, xuseen ceydiid, xasan dahir aweys, qeydiid ,caato iyo kuwa beeraha uga wakiilkaba iney yihiin kuwa isku danbi ah. Maxamed Xabsade.

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.