ntlaILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Safarka Dhabta ee ah Ina Salad Booy ku tagey G?Dhexe 

Posted to the Web   March 31, 2002

WQ.

Maxamed Xaabsade

xabsade@hotmail.com     

 

 

Waxa lawada ogsoon yahey safarkii gaabnaa qasaaradana ahaa ee abdi qaasin ku tagey gobolka uu ka soo jeedo ayaa noqdey mid abuurey in si dhab ah loo baaro waxa maanta sababey inuu safar ku tago meelaha uu tagey iyo kuwa laga soo ceyriyey intaba. 

Dad xogogaala ayaa waxa eey cadeeyeen inuu ahaa safarkaas mid uu ka qasban yahey xiligaan waayo waxaa magaalada dhuuso mareeb ku sugan ninka dhuumaaleysiga ku maqan ee sida aadka u ba'n u goobgoobayaan ciidamada sirdoonka Mareykanka ee xigtada dhowna la ah Abdiqaasin waa Col Xasan dahir aweysee. 

 

Hasan dahir ayaa u sheegey abdi qaasin iney waxba ka aheyn agtiisa inuu isku dhiibo ciidamada Mareykana ah ee isaga raadinaya ee qaarkood ku sugan magaalda Muqdisho iyo qeybo kamida dalka. Haddii taa eey dhacdo ayaa waxa eey sababi kartaa in abdiqaasin, deylaaf iyo inta beesha ugu cadcadba eey gacanta u galaan mareykanka, aburri kartana dagaal ka dhex dhaco beesha ceeyr sidaas daraaded ayaa odeyaasha reerka ee soo gaari waayey iney vilooyin iyo beero qurux badan ka dishaan masaakinta laheyd isugu yeereen labada nin kalana hadleen sida eey muhiim u tahey in la ilaalshaa midnimada beesha waayo taa hadaan la halein waxa baaba'ya jiritaanka beesha Ceyr. 

 

Hassan dahir aweys iyo abdi qaasin ayaa arinta kala fogeeysey aheyd dilkii lo geesetey haweeneydi lagu diley degmada Marka taasoo kaheysey xasan farobadan, abdi qaasina si uu isaga gado reer galbeedkana qabtey rag eey isku heeyb hoose yihiin xasan daahir. 

 

Wada tashi kadibna hada waxaa arintaa loo xirxirey dadka laga tirada badan yahey ee reer Marka ee awalba deegaaankooda ku dulmana lagana yaabo in la toogto ama loo gudbiyo dadka laga diley haweeneyda ajnabiga aheyd Waxaa kaloo jirtey lacago faro badan oo kasoo gali jirety xasan daahir goboolka sh/hoose eey is taagety sidi uu uga baxasadey Muqdisho, taasoo dadka aadka ugu dhow eey ku eedeynmayaan abdiqaasim iyagoo ku tilmaamey inuu ismoodey waxuusan aheyn uguna hanjabey inuu ka fiirsado hantida goboldaas, eeyna ku filan yihiin dhamaan ciidamada u soo jeedo heeynta deegaanadaas.

 

xabsade@hotmail.com 

Maxamed Xabsade

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.