| Contact/Nagala soo Xiriir | Dastuurka Puntland | Gumaad Fool Xun Oo Ka Dhacay Kismaayo|

Special News Somalia Latest News From News Agencies»»Click Here |

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com.

  Jawaab celin Milgada dawladnimo .

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha
December 11, 2001
Posted to the Web  18: 30 GMT December 10, 2001
Boosaaso

Waxaa Qoray  

Hassan Nuur

SRG14@jubiimail.dk

Anigoo tixraacaya qoraalo kala duwan oo aan ka helay dad, aragtiyo kala duwan ka muujiyey gabay ku soo baxay Allpuntland 10.12.2001. Gabaygan walow aan ku hal-qabsaday Cali Khaliif Galaydh, hadana gabaygu intaas wuu ka mugwayn yahay oo guud ahaan wuxuu ku wajahan yahay Reer Carta gaar ahaana intii martida u ahayd Muqdisho oo waxay higsanayeen iyo waxay kala kulmeen ku noqotay kaaf iyo kala dheeri. Gabaygu kuma wajahna qabiil gaara balse wuxuu ku wajahan yahay wax kasta oo ku sifoobi kara Mooryaan (nimo). Erayga Mooryaan waxaynu odhan karnaa waa qof (dad) daacadnimada ka dheer, khaayin/miin ah, xishoodka aadamaha iyo kan ilaahayba ka dheer, waxaanad ku garan kartaa innagoon qofna farta ku fiiqin calaamadahan:

Ø      Afcaashiisa/sheeda/shooda

Ø      Qawlkiisa/keeda/kooda

Ø      hab-fekerkisa/keeda/kooda... 

FG. Taasi waa argtidayda, waxana odhan karaa anigu falaadh ayaan meel dhigay cidna uma dhawayn waxaase iska leh ninkii dhufsada.

Ma joojin doono Insha Allah inaan inaan si fagaara ah u dhiibto aragtidayda oo hadal ku meel mariyo ujeedadayda halka Mooryaantu xabbad iyo caga juglayn wax ku meel marsadaan, Fadlan adiguna adeegso inaad aragtidaada dhiibato. 

Mahad Alle ka sokow waxaan u mahad celinayaa:

  • Warfaafinta Soomaalida feker kasta oo ay leeyihiin, kuwaas oo inoo suuro geliyey inaan ku dhiibano aragtideena mar-marna inoo noqda markhaati.
  • Intii E-mail-ada aan ka helay iyo intii akhrisatay oo dhuuxday micnaha gabayga mu’ayid iyo mucaaradba.

Wa billahi towfiiq

Hassan Nuur

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

Aragtida Ku jirta qoraalka kore  waa mid ugaar ah qoraaga soo qoray, sinaba looguma fasiran karo mid ay la wadaagto ama u taagan Aragtida qorayaasha AllPuntland.com. Mahadsanid

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

| Go Back Opinion Main Page | Go Back  |

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com)


 Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com. 
All rights reserved. Reproduction in whole or
in part is prohibited

Bravenet.com