AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Sidee Soomaalidu u aragtaa Shirka 16 April 2002 Nairobi

Posted to the Web   February 17, 2002

Waxaa Qoray

Hassan Nuur" SRG14@jubiimail.dk  

 

1991 waxaa ahayd markii ugu horaysay oo shir loo qabto Soomaalida, haw dhamaadeen ama ha ku kala qaybsanaadeene. Shirkaasi wuxuu horseed u ahaa nadaam cusub oo aan horay looga baran dalka Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale toona. Nadaamkan cusub ee soo kordhay wuxuu noqday tilmaan ay ka shiidaal qaataan dhamaan shirarkii ka danbeeyey sida Shirkii 2aad ee Jabuuti, Sodare Ethiopia, Carta Jabuuti ama kuwo kale ee leh ujeedooyin deegaan ama kooxeed.

Shirkaakaan wuxuu ku soo beegmay waqti kala guur ah oo uu sii dhammaanayey dagaalkii qaboobaa ee bariga iyo galbeedka oo laba ideology-yadood oo kala duwan isku hayey. Burburkii nadaamakaas wuxuu dalal badan dhaxal siisay inay foodsaaraan siyaasado jaahwareer iyo fowdo ah, haba u badnaadeen qaraada Afrika’e. Meelaha qaarkood waxaa hogaanka u qabtay kuwo afkaartoodu hoosayso, iyaga oo ku tiirsanaa kuwo aan waxba dhaamin, kadib markii ay indhaha ka laabteen dawladihii aduunka ku tartamayey ujeedooyin kala duwan awgeed sida:

  • Laga soo bilaabo dhamaadkii 80-maadkii dawladii Sovietka oo xaalad burbur ah gashay waxay ku mashquushay arimaheeda gudaha iyo siday uga soo urursan lahayd dalalkii ay ku baahsanayd.

  • Dawladihii reer galbeedka oo Maraykanku hogaaminayeyna waxay bilaabeen dhaqaalihii iyo siyaasadii ay ku bixin jireen dagaalka qabow iyo kala jiidashadii dunida 3aad inay u jiheeyaan meeshii khatartu kasoo eegaysay oo ahayd dawladii Sovietka ee burburtay.

Xaaladan cusub waxay keentay in labadii ideology-yo ee iska soo horjeeday ay si deg-dega meesha uga baxaan, gaar ahaan waqti aan laga diyaar-goobin, kuwaas oo booskoodii ay buuxiyeen arimo siyaasadeed oo aan habaysnayn, dhinaca kale inkastoo dawladihii reer galbeedka ay waqti ku qaadatay ilaa iyo hadda inay si buuxda u dhaxlaan booskii ay banaysay dawladii Sovietku hadana waxay heleen sharci ay ku meel karaan wixii maslaxadooda ka hor imanaya.

Marka aan u soo noqdo ujeedadayda ah shirka Kenya ma keeni karaa xal u dan ah geeska Afrika?

Arintan waxay u baahan tahay daraasad dheer, waxaynuse wax ka taabanaynaa xaga siyaasada khaasatan Soomaaliya iyo dalalka la deriska ah sida Jibuuti, Ethiopia iyo Kenya.

  • Sida aynu ognahay Jabuuti ma ah dal ay dadka Soomaaliyeed ka dhaxayso ideologyad siyaasadeed, feker diineed iyo mid juquraafi [dhul lagu muransan yahay]  toona, balse waxaynu ku tilmaami karnaa dal ku fashilmay arimaha Soomaaliya marka loo eego Nadaamkan Cusub [qabaliga] ee kusii ilkaysanayey shirarkii Jabuuti marba marka ka danbeysay.

  •  Ethiopia iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya sida la ogyahay colaad gaamurtay oo dhinacyo badan leh, run ahaan tiina qof kasta oo Soomaaliyeed dareemi karo.

  • Dalka kiinaya inkastoo ay inaga dhexayo arimo siyaasadeed oo la xidhiidha dhul iyo dad Soomaaliyeed, hadana waa mid xoogay ka sahlan marka loo eego tan Ethiopia iyo Soomaalida u dhaxaysa.

Marka aynu aynu isku soo duuduubno arimahaa dawlada Ethiopia iyo Kenya waxay wadnaha farta kaga hayaan inay Soomaaliya ka samaysanto dawlad wadani ah oo dib usoo noolaysa sheegashada dhulka iyo dad Soomaalyeed ama ay soo gudsadaan dadka Soomaaliyeed ee ku hoos jira gumaysiga, taas waxay ka door bidayaan inay sii wadaan nadaamkii qabaliga si soomaaliya laga sameeyo dawlad ay ku hirdamaan qabaa’ilku oo aan awood lahayn, waxaa kale oo aan meesha laga saari karin in Soomaaliya ay ka samaysmaan dawlado yar-yar oo isugu yimaada habka federalka, haseyeeshee siyaasad ahaan ku kala xidhan dalal shisheeye. Si kastaba ah ahaatee tan Soomaalida ugu muhiisan waa dib-u-heshiisiinta, inkastoo ay u arkaan inay ku hoos jiri karaan ujeedooyin qarsoon.

Shirkan la sheegay inuu ka dhici doono Kenya in kastoo la saadaalinayo inuusan heli doonin, taageeradii uu la kowsaday shirkii Cartu hadana waa  mid dadka Soomaaliyeed il taxader leh ku eegayaan waxayna kala cadaan doonta taageerada loo hayaa ayaamaha soo socd.

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited