ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


Mas'uuliyiinta DKMG ah oo xagaldaacinaya

Posted to the Web   May 19, 2002

WQ

Xildhibaan Mahad Cabdalle Cawad 

mahadot@yahoo.com   

MAS’UULIYIINTA DKMG KA TIRSAN EE XAGALDAACINAYA DADAALKA IGAD IYO SHIRKA DIB-U-HESHIISIINTA NAIROBI XAGEE AYEEY SHACBIGA U WADAAN?

Xildhibaan Mahad Cabdalle Cawad, Golaha Shacbiga KMG. 

Waxaa usbuucyadii la soo dhaafay ilaa haatan soo badanaysa hadalada ka soo yeeraya mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan DKMG oo muujinaya ka biyodiid qorshaha guddiga farsamada ee IGAD ama doorka ay Ethiopia ka qaadanayso dib-u-heshiisiinta Soomaalida. Nuxurka diidmadaasi waxay saldhig uga dhigeen laba qodob oo kala ah:

  1.   Iyaga oo dalalka IGAD, Midowga Africa, Arab League, EU, iyo UN-kaba u sheegaya in aysan DKMG ka qaybgali doonin shirkaasi hadii aanan Ethiopia oo ‘waligeedba ahayd cadow’ laga saarin wadamada safka hore ee Guddiga IGAD u wakiilatay dib-u-heshiisiinta Soomalida.
  2. In hadii aysan guddiga qabanqaabadu shirka u qorshayn qaabka ay DKMG u doonayso ay micnaheedu tahay in danta qaranka la marin habaabinayo.

Anniga oo ku kalsoon in aan ka tarjumayo dareenka aqlabiyadda xubnaha golaha shacbiga iyo shacbiweynaha Soomaaliyeedba, waxaan qabaa in fikirkaasi ummadda Soomaaliyeed dani ugu jirin. Waxaan bareerahaas ku sababaynayaa dhowrkan qodob:

A.    Marka aan dib u jaleecno shirkii Carta, waxaan walaalahay xusuusinayaa in balanqaadkii aanu shacbiga Soomaaliyeed u samaynay uu ahaa in aanu geed dheer iyo geed gaabanba u fuuli doono saddexda sanno ee soo socda sidii aanu dib-u-heshiisiin iyo nabadayn ugu baahin lahayn dalka oo dhan.  Xaqiiqdu waxay tahay sida ku cad Qodobka 38aad ee Axdiqarameedka faqradiisa 11aad in jiritaanka Golaha Shacbigu uu ku egyahay bisha August 13keeda ee sannadkan 2002 oo ah in ka yar saddex billood ka dib. Wakhtigii ku meel gaarka ahaa intiisii badnayd way dhammaatay, wax inooga qabsoomay xilkii aanu dhabar u soo ridanay, wax waliba ha sabaabtee, way noo suurtoobi wayday. Sidaas awgeed, hadii aynaan shacabka u hayn barnaamij dhaxalgal ah oo wakhtigaas inoo hadhay aynu nabad iyo dib-u-heshiisiin ugu keeni karno, cidna xaq uma laha in ay hindisahan iyo midkastoo kaleba ka hortimaado.

B.    Waxaan xusuusinayaa Ra’isalwasaaraha, Ku-Xiggeenkiisa, iyo Wasiirka Arrimaha Debadda ee haatan xilka haya in ay ahaayeen kuwii bishii June 2001 Addis Ababa tagay ee Ethiopia ka soo ogaaladay in ay DKMG ku khaldanayd eedayntii in ciidanka Ethiopia xuduuda dalka ku soo xad-gudbeen, diyaarna DKMG u tahay in ay si shuruud la’aan ah uga qaybgali doonto dib-u-heshiisiin walba oo ay qabanqaabiyaan dalalka loogu xilsaaray qaraarkii ka soo baxay shirkii 8aad ee madaxda IGAD ee Khartuum ka dhacay. Sidoo kale baarlamaanku waa kii ansaxiyey heshiiskaas. Shirkii 9aad ee madaxda IGAD-na waa kii madaxweynuhu soo saxiixay in si shuruu d la’aan ah DKMG ay shirka Nairobi uga qayb galayso. Hadaba, annaga oo aanan iloobin balantii iyo dhaartii aanu u soo galnay shacbiga Soomaaliyeed in aanu danta dadka iyo dalka ka hormarsiinayno wax walba, waxaan leeyahay shacbiga shucuurtooda yaanan marba dhinac loo jeedin, ee aanu ka dhabayno in aanu danta guud u tanaasulno. Taas waxaa lagu heli karaa oo kaliya iyada oo laga waantoobo shuruudahan ay qaarkeen shirka ku dabrayaan.

Far isku-fiiq, is-eedeyn iyo hub isku gurasho in aanu ka qayb qaadano waxay noqonaysaa in aanu xaqiiqdii ka baxno himilooyinkii Carta ee lagu soo dhisay DKMG. Taasi waxay ku dambaynaysaa in hadii aanan lays daba qaban in aanu annagu gacanteena ku tirtirno mirodhalkii iyo guulihii ka soo baxay dadaalkii ay walaalaheenii shacbiga reer Jabuuti ku nasasho iyo xoolo beeleen. Sidaas awgeed, maanta waxaan taagan nahay wakhti taariikhi ah oo qaabka aanu masiirka dadkeena ugu talino aynu ka dhaxli doono wixii na soo maray iyo wax ka daran, ama aanu noqono kuwii wax ku qaatay dhibkii iyo sharaf daradii na soo martay oo ogolaada isku tanaasul iyo ficil nabadoonimo. 

Waxaan ku soo gunaanadayaa, aniga oo markale cadaynaya in aan qabo in dareenka aqlabiyada Shacbiga Soomaaliyeed ee aanu matalno ay diyaar u yihiin in la tago geed walba oo gogol naloo dhigo si shuruud la’aan ah, goobtaasna lala tago niyad wanaagsan oo diyaar u ah in tanaasul la isku sameeyo. Hala joojiyo in shisheeye lagu marmarsiyoodo, go’aanka ah in la heshiiyo iyo in aynu shacbigeena burbur hor leh u horseedno waxay u taalaa waa annaga oo kaliya. Wabillaahi Towfiiq.

Xildhibaan Mahad Cabdalle Cawad,

Golaha Shacbiga KMG.

mahadot@yahoo.com

 

Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Maqalada ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.