ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

Yay u Tahay Dan Horumarinta Puntilland.

Posted to the Web  June 12, 2002

WQ.

Hussein Mohamoud

Hussein.Mohamoud@Unilever.com


Puntilland waa dhul xadaarad aad u fog leh ilaa heer Boqortooyo aa aan  anigu aaminsanahay in la xusana leh hadaba waxaan anigu oran lahaa waxaa dadka qaarkii isaga qasan qof iyo  Dal ama dad iyo dal,hadaad tahay wadani waxaa kugu haboon in aad wax ala wixii  aad qaban kartid aad ka qabatid dhinacaaga oo aad dad kaaga iyo dalkaaga  horumarisid .


Waxaa jira Xasan Ábshir Faarah oo aan anigu goob joog ahaa khudbad uu ka  jeediyay Holland / Heeg oo uu lahaa wax Puntilland layiraahdo majiraan qaran baa  jira ee gobol majiro waa meeshii uu u dhashay ama ka soo jeedo ama wax ku  yahay.


Cabdullahi Yuusuf waa hogaamiye dhab ah , anigu madiidani ka mana soo  horjeedo in la dhaliilo oo qofku wax waa khaldi karaa ku mucaarad wax ka sheeg  isaga ,samee loolan siyaasadeed oo aadan xero dhaaf samaynayn ku hay mar  walba maskaxda wadani nimada adiga oo diidan nin kaan, hadan ku fakar in aadan horseedin wax burburinkara jiritaanka dhulka, xafidaada nabada, 
horseedka horumarka iyo ganacsi ama dhaqaalaha.


Dadka ku wada nool ama wada daga Puntilland waa dad wada dhashay, oo  isku wada abtirsada, in ay siyaasadu ku galiso ma aha in aad is ku dirto laba  wada dhashay adna kula dhashay , Jidgooyo aad socotada hor is taagayso dad  maata ah oo adiga kula dhashay, siiso fursad tuug dadka dhaca in uu magac reer  wax ku dhaco.

Waxaan anigu oran karaa sharaftii iyo magicii reer aanu lahayn yayna  shakhsiyaad dana gaara wata bur burinin.

Ninka maanta u lajooga C/qaasim oo aan ku arkayay webpagyada maanta, in ay dadkii uu ka dhashay ka tashadeen oo yiraahdeen hana  ceebayne magac danbe oo darajo ah ha sheeganin.


Muduloodna ay ku dagaalamayaan dhulkooda siday uga xorayn lahaayeen  dadka aan u dhalan.

Mahadsanidiin

 

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

AllPuntland Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo dir fikir@allpuntland.com ,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland: Akhristaha

ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.