ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


Shirka Nairoobi

Posted to the Web   April 15, 2002

WQ

Yassin X. Muuse Boqor

yassin_bogor@yahoo.com  

 

BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM          

SHAWL MAAHA SHIRKA NAIROBI 

 

Madoonayo inaan dib ugu laabto dhibaatooyinkii kadhacay dalka Soomaaliya maxaa yeelay waa mid qofwaliba oo soomaali ahi uu lasocdo taariikhduna ay qoridoonto. 

 

Hadiise aan sookoobo waxaan orankaraa waxaa sabab u ah dhibaatadaa dadka iyo dalka soomaaliyeed lasoo gudboonaatay CADAALAD DARO dhashay dulin,dhac,xarig,dil,qax ilaa ay dowladii soomaaliyeed meesha kabaxday kadibna dagaalsokeeye,naceeb,kufsasho,handadaad,cabsi ilaa markii danbe lakala sheegtay deegaanadii oo qabiil waliba layiri halkii aad asalkaa katimi unoqo ama qofwaliba uu isyiri nabadi kaagama dhowa deegaanka reerkaagu degen yahay,waxa umada soomaaliyeed ee walaalaha ahi afka isugelinayey waxeey ahaayeen shaqsiyaad dana gaara leh oo xukundoon iyo maaldoonba ah. 

 

Waxaad moodaa intii arimahaa xun katalisay oo xumaan wax kudoontay in ay weli horboodayaan ummada soomaaliyeed welina ay kushaqeeynayaan barnaamijkoodii ahaa iskahorkeenka ummada soomaaliyeed si ay iyagu danahooda gaarka ah u fushadaan. 

 

Marka waxaan marnaba dhaceeyn in kuwii ummadan soomaliyeed kala geeyey in ay isusooceliyaan,xalkuna maaha shir in la’isugu yimaa inta:

  1. Kooxi ay dowlad sheeganeeyso. 

  2. Inta maleeshiyo beeleedyada ay kabaxayaan deeganada ay xooga ku   haystaan ama xal loohelayo.

  3. Maadaama qaranimadii ay meesha kabaxday loona soo noqday deegaan   iyo qabiil in deegaan waliba uu horta iskii isu soo habeeyo kadibna   uu shirwenaha soomaaliyeed usoo dirsado qoladii uga qeybgelilaheeyd shirka. 

 

Hadiise ay arintu tahay mindiraacin iyo shir aan loo dhameyn sida kii Carte ama iigaga muuqata kan ladoonayo in lagu qabto Nairobi maha wax soconaya maxaa yeelay hadii lashirkoobayo waa in qofwaliba uu qeybtiisa layimaadaa isaga oo raali ah ee arintu eeyan noqon in kooxi iska tashato dowladna ay sheegato si ay dhaqaalo u helaan. 

Ummadan soomaaliyeed umaleenmaayo in beendanbe loosheegayo maxaa jira waa ay kadhargeen, umaleenmaayo in xoog iyo kalitalinimo lagu xukumidoono maxaa yeelay waa ay soo arkeen,marka ninkii kufakarayoow tii shalay waa waxaan dhaceeyn. 

Inta daawada soomaaliyeed dooneysa ama shir soomaaliyeed qabanqaabineysa sida dawlada Kenya waxaan usheegayaa in eeyan isku daalin inta qodobada kor aan kusooxusay laga helayo, waxaan xitaa kula talinayaa in ay gudi ajenebi ah udiraan deegaanada xooga lagu heysto sida BARAAWE, MARKA, KISMAYO, QORYOOLEY, JANAALE, AFGOOYE,JILIB, JAMAAME IWM, si ay bal u arkaan in dadkii u dhashay deegaanadaa ay xoryihiin iyaga oo xor ahna ay kasoo qeybgeli karaan shirweyne Soomaaliyeed, hadiise ay ogyihiin dawladaha dariska ah arinkaa ayna iska indha tirayaan sababo jira awgeed waxaa isweeydiinleh dawladeey soo dhisaan sideey u socondoonto iyo inta ay jiri doonto iyo dabcan inta ay xukumi doonto. 

 

Waxaan  hadal keyga kusoo gabagabeeynayaa waa in ay dawlada Kenya ay ka fiirsato shir dhexdhexaadin Soomaaliyeed oo aan loo dhameeyn. 

 

YAASIIN XAAJI MUUSE BOQOR.


Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com

Please direct all questions on the above article to

Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.