ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay sheegto Waxayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg.

AllPuntland Opinion / Fikradaha

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta sidaas darteed looma macnaysan karo inay ka turjumayso aragtida AllPuntland . Mahadsanid

 

  BAAQ NABADEED OO KU WAJAHAN PUNTLAND.

[ AllPuntland Opinion/Fikradaha ]

January 18, 2002

Posted to the Web   January 18, 2002

Waxaa Qoray

YAASIIN XAAJI MUUSE BOQOR.

l.abdi2@chello.nl

BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM. 

BAAQ NABADEED OO KU WAJAHAN PUNTLAND. 

Yaasiin Xaaji Muuse Boqor

 KU: Culumaa’udiinka.

KU: Hogaan Dhaqameedyada(Isimada). 

KU: Shacabka Puntland.

Saad u dhantihiin waxaan idiin soo dirayaa salaan tan ugu qiimaha badan ASALAAMU CALEEYKUM

WARAXMATULAAHI WABARAKAATU.

Salaan bacdi waxaan ugu horeentii TACSI udirayaa qaraabadii iyo ehelkii dadkii ku geeryooday iskahor imaadyadii ka dhacay Puntland. 

Aniga oo qiimeeynaya xaalada qalafsan ee uu maanta kusugan yahay dadka walaalaha ah ee reer Puntland oo ah runtii mid uu shaqsi damiirlahi uu ka aamusikarin,waxaan ugu baaqayaa Culumaa’udiinka,Isimada,Shacabka,Waxgaradka reer Puntland  NABAD,waxana ku talinayaa hadii qeyr uu kujiro qodobada soo socda hadii layeelikaro. 

  1. In qof walba oo u dhashay gobolada Puntland uu katoobad keeno hadalada   lacaadeeystay oo ah Soomaali waa burburtay Puntlandse waxaa badbaadshay  Isimada taas oo gef ku ah alle awoodiisa,lana qiro nimcada alle.

  2. In qof waliba uu iskii xil isaga saaro in Puntland  dagaal danbe uusan ka        dhicin,xabadana xaraf lagu bedelo(inlawada hadlo)

  3. In lasoo dhaweeyo baaq walba oo nabad xanbaarsan,ama arinwalba oo baajin   karta dhiig danbe oo gobolada Puntland ku daata.

  4. In Isimada Puntland ay meel uga soo wada jeestaan nabadeenta shacabkooda  si degdeg ahna u abaabulaan shir ay isugu yimaadaan dhamaan Isimada   Puntland,culimaa’udiinka,waxgaradka,IWM cayimida shirkana lagu dhawaaqo   si degdeg ah taas oo aan qabo in ay hor sitaageyso dagaal dhaca,shirkaas  na looga tashado nabadgelyada, midnimada, horumarinta,iyo aayaha Puntland.

  5. In taladada soo socota oo taariikhdu tahay 22.1.2002 laga abaabulo dhamaan   magaalooyinka waa weyn ee Puntland banaanbax lagu baaqayo nabad dadka    walaalaha ah ee Puntland taas oo aan qabo iyadana in ay xaalada wax    kabedelidoonto kana turjumidoonto nabad jaceelka shacabka Puntland. 

Waxaan idinku boorinayaa in NABADA laga shaqeeyo laguna bixiyo qiimo walba taas ayaana shaqsi walba oo reer PUNTLAND ahina dan ugu jirtaa,laguna mashquulin intii ay toodii gashay ee loo taliyo inta nool.

Waxaan mahad balaaran usoo jeedinayaa inta samaha katalisay kuna mashquulsan nabad ka aslaaxda Puntland.

 MUDANE YAASIIN XAAJI MUUSE BOQOR.

 E-MAIL YASSIN_BOGOR@YAHOO.COM

TEL:0031243442097 GURIGA.

TEL:0031641300208 GACANTA

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid


| Ku Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo Bogga Hore AllPuntland  |

Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com.  

All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited

 

Bravenet.com