ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Ra'yiga Akhristaha 


Dadka uga diga qabyaalada oo websiteyadiina ku qora

Posted to the Web   May 08, 2002

WQ

 Yusuf Shire

yshire80@hotmail.com 

Iska jir waalaashayda iyo walaalkayga soomaaliga ahaw cudurka qabyaalada ladhaho waa cudur laga cowdi bilaysto waa cudur kala dhantaalay umado afrikaan ah waa cudur ka hortag mudan waa cudur diintayada iyo suugaanayaduba ay inooga digeen.

Ma aha marka aan fariintaan idiin soo diraayo inaan idin leeyahay waxaad ku dhaqantaan qabiil laakiin waxaan jeclaystay in dadka walaalahayga soomaaliyeed aan uga digo xumaantiisa oo aad garanaysaan meesha uu gaarsiiyey dadkayagii iyo qaranimadayadii

Akhri gabaygaan oo uu tiriyay cabdulaahi suldaan tima cade si aad u ogaato sugaantayadu waxay ka tiri.

waxaan umalaynayaa qofkastoo soomaali ah inuu garanayo dhibaatadiisa.

DOQONIMO KUGU BAAHDAY BAAN CIDI DABIIBAYNE

DUULKII INKAAR QABA JIN BAA DAASADA U TUMA E

DAB MARKUU BAKHTIYO MEEL KALAA DOGOB KA QIIQAAYE

WAAGII DILAACAA NAXDIMO DIHIN LA SHEEGAAYE

ANUMBAA DAMQANAYEE DHAGUHU UMA DALOOLAANE

DADKAAN LAHADLAYAAN LAHAYN DUX IYO IIMAANE

DUL IYO HOOSBA WAA UGU DHIGAY EE WAA DIX DHAGAXEEDE

BAL INAY DALFOOFTAHAY CAQLIGA DOONI LAGA SAARAY

WIXII HORAY USOO DAASHADAY DEGESHANAYSAAYE

DOC HADDAY UWADA JEESA TOOY DUUNKA KA HESHIISO

DADKA KAMA YARAATEENE WAYS DABAR JARAYSAAYE

DUBE MADAXA WAYSKALA DHACNAA DAA'IN ABIDKIISE

GOORTAY ISWADA DOOXATAY BAA DAAD USOO GALAYE

DUL IYO HOOSBA WAA UGU DHIGAYE WAA DIX DHAGAXEEDE

ANUMBAA DAMQANAYEE DHAGUHU UMA DALOOLAANE

DADKAAN LAHADLAYAA BAAN LAHAYN DUX IYO IIDAANE

BAL INAY DALFOOFTAHAY CAQLIGA DOONI LAGA SAARAY

WIXII HOREY USOO DAASHADAY BAY DEGASHANEYSAAYE

UBAXIINII WAA DAADISEEN WAANA DUBATEENE

DUBAAXDIISA WAA WADA CUNTEEN DUHUR DHARAAREEDE

DARIIQ TOOSAN SOOMAALIDAAY WAA LAGAA DADAYE

DARAJADA ILAAHAY NINKII DOONAYAA HELO E

NIN KA DUDAY DISTOORKIYO WAXYIGA DIINTII KA CAROWYE

DUGSI MALEH QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYAANE

DEGMADEENA OO IDIL HADAAN DAYAY ABWAABTEEDA

NIMAAN DUUBIYADU NAAFO NOQON DEELKA LAGA WAAYE

DULMI IYO DHAC WAA WAXA QARIBAY DEGELADEENIIYE

DUGSI MALEH QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYEE

 

Kor u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka eeg bilowga qoraalka.

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda, hawlqabadkooda  iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Ku Noqo Bogga Maqalada ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.