KU:
MDGP MUDANE CABDULAAHI YUUSUF AXMED
KU: DHAMAAN WAXGARADKA, ODAYAASHA, CIIDA-
MADDA, DHALINYARADDA,
HAWEENKA IYO
SHACBIGA REER PUNTLAND.
Waxaan idiin soo gudbinanaa hampalyo iyo taageeroo lixaad leh, sida
wacan oo aad u soo celiseyn sharaftii, dadnimaddii iyo bilicdii
dawladnimo ee Puntland.
Waxaa mahad iyo amaan wayn leh MDGP mudane Cabdulaahi Yuusuf,
geesiyadda ciidamadda, iyo shacbi waynaha, sidda deg deg ah oo ay banaanka u
dhigeen kooxdii purcadii, maxi-shoodayaashii in yar-garad ka ahaa oo
sida xun oo aad u liidata ula dhaqmay dadweynaha iyo shacbiga reer Puntland
khaasataan reer Boosaaso.
Kooxdaai Purcada waxey si qaawan u xadeyn una
lunsadeyn hantidii iyo maaliyadii dalka iyo dadka reer
Puntland. Waxeyna a buureen xaalada
qaajo, dhaqaale darro, amaan xummo, tol iyo sukeeye iska horkeyn aan horey
looga arkin dadkeena iyo dalkeena wanaagsan.
Aryadda shuftadda qaawan la eryey waa sharaf iyo guul u soo
hoyatey reer Puntland oo dhan , Waxaana inshaa ALLAH
ku xigi doona xoreynta dalkeena iyo dadkeena qiimaha wayn leh ee
KISMAAYO.
TALLO
Anaga oo ku kalsoon hogaanka geesiga Mudane Cabdulaahi yuusuf
iyo hawlwadeenada kale, waxaan soo jeedinanaa in la dhowra, la
ixtiraamo, si cadaalad ah loo dhaqo dadka reer Puntland oo dhan.
In laga shaqeeyo midnimadda, horomarka dadka iyo dalka Puntland.
In shakiga iyo mugdiga laga saaro dadka walaalaha ah dhexdooda, qofna
aan xaq uusan laheyn laseen, midna aan laga qaadin xaq uu leeyahey.
Waa in aan si ka duwan dalka intiisa kale loola dhaqmin reer Qardho,
sababtoo ah waa walaalaheyn iyo tolkeyn.
ILAAHEY CADAALADDA AYUU JECELYAHEY. Taa yaan la iloowbin.
Allow khayrka nawaa-faji dhamaanteyn.
Salaamaat

|
Kor
u qaada codkiina oo Ha la idin maqlo...
|