WAAMO
INFORMATION CENTRE
H/Q:
KISMAAYO-SOOMAALIYA
DHIBAATOOYINKA
ROOBABKA EL-NINO 1997kii
ay
u geysteen dadka iyo degaannada Soomaalida
W/Q:
Xuseen Cali Cilmi
May
2002
CIDANA
LOOMA OGOLA DAABACAAD GANACSI
OO
AAN KA AHEYN Waamo Information Centre.
HORDHAC
Ururinta
macluumaadka EL-NINO ee 1997kii, waxaan sameeyey oo aan isku
dubariday masiibadii dhacday 1997 – 98, dabadeed waan ka
mashquulay inaan dadweynaha Soomaaliyeed u soo bandhigo.
Haddaba
sanadkii tagay ayaa khubarrada saadaasha hawada sheegeen in
sanadka 2002 la filayo EL-NINO, taa ayaa igu dhiirri gelisay
inaan soo saaro xilligan si dadweynaha Soomaaliyeed -
meelkastoo ay joogaan ay uga faa’iideystaan macluumaadka
la xiriira masiibadii dhacday ee ay sababtay EL-NINO - iyo
in Hey’adaha caalamiga iyo kuwa dalkaba oo ay muujiyaan
taxadar si looga hortago masiibo noocaan oo kale ah intii la
karo, waayo Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa " Kheyr
wax kaama dhibo ee shar u tooghaay".
W/Q:
Xuseen Cali Cilmi 5/5/2002
ROOBABKII
DEYRTA "EL NINO" 1997kii
Waxaa
ka da’ay dalka Soomaaliya & waddamada deriska la ah
roobab mahiiggaan ah, kuwaasoo geystay khasaaro fara badan
oo keenay geeri & burbur dhaqaale.
Roobabkan
oo kale waxay Soomaaliya ka da’een muddo haatan laga joogo
40 sano oo aheyd 1962kii, waxaa lagu magacaabaa "Deyrtii
biyo badan"(1)
Roobabkii
El Nino ee Deyrtii 1997kii wuxuu geystay dhibaatooyin badan,
degaannada Soomaalida ee gobolka geeska Afrika sidii ay
dhibaatada u gaartay ayaan halkaan kaga hadleynaa annagoo ka
billaabeyna Soomaaliya:( Somaliland State, Puntland
State, Central State, Southwest State), Waqooyi Bari Kiinya,
Killinka 5aad ee Itoobiya & Jabuuti
SOMALILAND
STATE:
Xeebta
Galbeed:
175
beerood ayaa ku baaba’ay roobabka El Nino aawadood.
Zeylac:
Biyo
ayaa hareereeyey, 8 matoor oo halkaasi tiillay biyaha ayaa
qaaday, 800 qoys ayaa barakacay, 300 guri ayaa dumay, guud
ahaan 25 qof ayaa halkaasi ku geeroyootay. Dowladda Jabuuti
ayaa gaarsiisay Zeylac gargaaar dhan 120 tan oo raashiin ah
oo qiimihiisa dhamaa 15,000,000 faranka Jabuuti, wuxuuna
isugu jirey 900 juuni oo bariis ah, 1,015 juuni oo sonkor
ah, 250 kartoon oo caano ah, 150 kartoon oo saliid ah, waxaa
kaloo gargaarkaasi ka mid ahaa cagaf –cagaf iyo baabuur
iska roge ah.
Awdal:
60
qof ayaa waxaa ku dhacay cudurka duumada, 25 qof oo kuwaasi
ka mid ah ayaa cudurkaasi u geeriyootay. (2)
Allaybaday:
3
qof ayaa shuban u geeriyootay.
Ceynabo:
3qof
ayaa iyana shuban u geeriyootay. (3)
Garadag:
Dhowr
boqol oo geel ayaa u le’day cudur halkaasi ka dillaacay.
Hargeysa:
9
qof ayaa ku geeriyootay, 6 guri ayaa dumay, 1000 qof ayaa
halkaasi ka qaxay.
Ceel
Afweyn:
10qof
ayaa duumo u geeriyootay, geel fara badan ayaa u le’day
cudurka dabahaawin. (4)
PUNTLAND
STATE
XEEBAHA
BADDA CAS EE WAQOOYI BARI:
Waxay
wakaaladaha wararku sheegeen in 120 guri ay ku dumeen
gobollada Waqooyi Bari, 25 neefna halkaasi ayeye ku
le’atay.
Meelaha
ay roobabka waxyeellada u geesteen waxaa ka mid ah: Caluula,
Xaabo, Rago, Eyl, Gudub & kuwo kale, 17 qof ayaa
degaannadaasi ku geeriyootay, 20,577 neef oo ari ayaa ku
le’atay, 862 neef oo geel ayaa ku le’atay, 56 doon ayaa
burburay, 854 guri ayaa dumay, 70% geed miroodkii &
khudraddii ayaa baaba’ay.
Dawo,
cunno la’aan, shuban & duumo ayaa deegaanna daasi ka
jiray xilligii El Nino. Xallin oo Taleex ka tirsan xoolo
fara badan ayaa ku le’day, guryo badanna wey dumeen.(5)
CENTRAL
STATE:
XARARDHEER
Xarardheer:
Daadadka khasaaro
xoog leh ayey u geysteen, gaar ahaan tuullo ka mid ah
tuullooyinka degaannadaasi oo ay ka qaxeen 800 qoys, 19 qof
ayaa u geeriyootay cudurka duumada, xoolo fara badan ayaa ku
le’day degaankaasi, waxay kaloo daadadku qaadeen 1500
kiish oo isugu jirey: bariis, sonkor, & bur.
Gobolka
Gaalgaduud:
Dhuuso
Mareeb & Guurocayl:
50
guri & 40 baraakadood ayey roobabku dumiyeen. (6).
Gobolka
Hiiraan:
Beledweyn:
100km
oo 4gees ayey biyuhu fariisteen (7), 10,000 qof
ayaa ka qaxay Beledweyn & tuullooyinka ku hareereysan,
8000 lo’, 4500 ari ah, 1300 geel ah & 19 qof ayey
biyuhu laayeen, digaagga degaankaasi dhammaan way le’deen
markey is qabsadeen fataha wabiga & roobabka, 569 qoys
ayaa la garanwaayey meeley u qaxeen, dhuldhan 51,000 hektar
ayey biyuhu qariyeen. (8).
Buulo-
Buurde:
4ta
xaafadood ee ay degmadaasi ka kooban tahay 3 ka mid ah ayaa
daadadka aawadood looga qaxay, 10 qof ayaa ku geeriyootay,
100 neef oo isugu jirey geel & ari & 240 neef oo
dameero ah ayaa halkaasi ku le’day. (9).
GOBOLKA
SHABEELLADA DHEXE:
Dhammaan
3da degmo ee uu wabi Shabeelle maro oo ka mid ah 7da degmo
ee gobolku ka kooban yahay waxaa saameeyey fatahaadda wabiga,
waxeyna kala yihiin: Jowhar, Mahaddaay & Balcad, waxaa
barakacay ama ay biyuhu hareereeyeen 174 tuullo oo dadka ku
nool tiradooda aheyd 30,450 qof, intii carari kartay waxey u
carareen meelaha taagagga ah ee u dhowaa. Fatahaadda waxey
saameysay dhuldhan 40 km, dhulbeereedka ay biyuhu fariisteen
waa 127,000 oo hektar.
Mahadaay:
Tuulooyinka
ku hareereysan cabsi xoog leh ayaa ka jirtay, taasoo
kalliftay iney ka qaxaan 20,000 qof. (10)
Muqdisho
Magaalada
Muqdisho maalmihii khamiis 27/11/97 & Jimco 28/11/97
waxaa ka da’ay roobab is daba joog ah oo ciriiri geliyey
khudraddii, caanihii, dhuxushii & waliba badeecadihii
kale ee la keeni jirey magaalada.(11)
Cudurka
shubanka oo ka dillaacay Muqdisho 721 qof ayuu ku dhacay, 41
qof oo ay dhamaantood caruur ahaayeen ayaa u geeriyootay, 13
qof oo tijaabooyinka xagga shubanka laga qaaday si loogu soo
baaro dalka Kiinya waxaa caddaatay 6 qof oo ka mid ahaa
13kaasi ay noqdeen kuwo daacuun qaba. (12)
SOUTHWEST
STATE
GOBOLKA
SHABEELLADA HOOSE:
Afgooye:
Cudurka
daacuunka waxaa maalinkasta u geeriyoon jirey 7 ilaa 17 qof.
(13)
Baraawe:
Dhuldhan
160 km ayey biyuhu ku faafeen, 28 qof ayaa ku geeriyootay,
10,000 qof ayaa barakacay intii u dhaxeysay 27 ilaa 29kii
Novembar 1997kii, 6 qof ayuu yaxaas ku cunay Baraawe. (14)
Mudul
Baraawe:
24
qof oo ka soo barakacay Kurtunwaarrey ayaa gaajo u
geeriyootay.(15)
Qoryooley:
8
qof ayaa ku geeriyootay tuullada Kurkurey. (16).
Wabi Shabeelle oo labo meel kasoo jabsaday ayaa geystay
khasaaraha kala ah: 15 qof oo geeriyootay, 43neef oo
le’day, 300 guri oo dumay & 400 qoys oo barakacday.
Tuullooyinka Kirey & Daafow daad ayaa qaaday. (17)
Kurtunwaarrey:
Tuullada
Arbowdheerow waxey daadadku qaadeen 20,000 kintaal oo galley
ah, 150 guri wey dumiyeen, 15,000 hektarna wey baabi’iyeen,
waxaa dadka dhibaatooyin ba’an ku haayey yaxaasyada,
masaska & abeesooyinka, waxaa kaloo dhulka qallalan ku
tartamayey dadka & duur joogta. (18).
Kurtunwaarrey 6 qof ayaa ku geeriyootay. (19)
Kuunyobarrow:
4
qof ayaa yaxaas uu halkaasi ku cunay, 2 kalena libaax,
dhibaatooyinkani waxaa dhaliyey xayawaanka & dadka oo ku
loolamayey dhulka qallalan.(20)200 qof ayaa
halkaasi ka qaxay.(21).
Kuunyabarrow
& Mudul Baraawe inta u dhaxeysa 2 qof ayey daadadku ku
dileen (22)
Buur-
Colow.
Oo
u dhaxeyso Mudul Baraawe & Jilib ayaa waxaa halkaasi ka
go’ay waddada isku xirta Kismaayo & Muqdisho 19 mitir
ballac ah & 20 mitir oo dhanka hoose ah, dabadeed dhanka
koonfureed oo xeebta ayey biyuhu aadeen.
Sablaale:
2qof
ayaa yaxaas ku cunay. (23)
GOBOLLADA
BAY & BAKOOL:
Beydhabo:
Beydhabo
& Muqdisho waddadii u dhaxeysay ayaa dhuldhan 7km ka
go’day dhanka buundada Bannooda ee u dhaxeysa Leego &
Buurhakabo.(24). Bartamaha Beydhabo ilo badan
ayaa ka dillaacay oo ayan roobabku shuqul ku laheyn (25)
waxaa kaloo wiiqmay isu socodka magaalooyin ay ka mid yihiin:
- Buur, Sablaale, Qoryoole & Diinsoor, 1kg ee sonkor ah
wuxuu la qiimo noqday half neef oo ari ah, dadka ay fataha
daadadku barakiciyeen ee gobolladatan waxey gaareen 500,000
qof, 1,050 qofna wey geeriyoodeen, 63,000 mitirigtan oo
raashiin keyd ahaa ayey biyuhu qaadeen, 97,000 mitirigtan oo
ahaa dalagyada beeraha ku yaalay biyaha ayaa baabi’iyey,
2,500 neef ayaa halkaa ku le’tay.(26)
Bardaale:
Tuullada
Beledxaawo 2 qof ayaa ku geeriyootay , Wargasle iyadana 2
qof ayaa ku geeriyootay, 4 tuullo oo kale oo Berdaale
katirsan 13 qof ayaa ku geeriyootay, biyaha roobabku waxey
qaadeen 360 neef oo ari ah, 18 neef oo lo’ ah, 180 gurina
wey dumiyeen.(27)
Diinsoor
1723
neef ayey daadadku laayeen, 300qoysna way barakiciyeen.(28)
Durbaan:
Oo
ah meel Diinsoor hoos timaadda waxay daadadka roobku qaadeen
12,350 kiintaal oo haruur ah, 200 neef wey le’deen, 342
guri wey dumeen,12 qof oo 8 caruur tahay ayaa ku geeriyootay.(29)
Ceel
Dhagax:
8
qof ayaa ku geeriyootay, 8 gurina wey dumeen. (30)
Qansaxdheere:
15
qof ayaa ku geeriyootay maalmihii u dhaxeeyey 17 –22/11/97
Tiyeeglow:
Go’doon
ayey noqotay, dadku waxey cuni jireen oo ay ku noolayeen
caleenta dhirta. (31). 32 tuullo ayaa barakaceey,
16 qof wey geeriyootay. (32)
CeelBerde:
12qof
ayaa ku geeriyootay miinooyin ay daadadku soo saareen,
tuullooyinka ku yaal agagaarka ceelberde 20 qof ayey
daadadku dileen.(33)
GOBOLKA
GEDO.
Degmada
Luuq:
35
qof ayaa ku geeriyootay, 3000 hektar ayey biyuhu fariisteen,
1,200 guri ayaa dumay (34). Labo tuullo oo ka
tirsan gobolka Gedo ayey biyuhu go’doomiyeen dadkii
deganaa. (35)
Buurdhuubo:
26-27/11/97
waxaa ku geeriyooday 33 qof & 600 neefna wey le’deen.
(36). 28/11/97kii ilaa iyo 2/12/97 waxaa gaajo u
geeriyooday 11qof, cudurrada duumada & shubanka ayaa
halkaasi ku faafay, xoolahana waxey u le’deen cudurka
sambabka & cuduro aan la garaneyn. (37).
Baardheere:
Ilaa
iyo 2 mitir ayey biyuhu kor u kaceen markuu fataha wabiga uu
magaalada dhan kasta u dhaafay, 3daloolow hal dalool oo
magaalada ka mid ah biyo ayaa fariistay. (38)
Garbahaarrey:
Go’doon
ayey noqotay, muddo ka dib waxaa furmay waddada aadda
Qansaxdheere ilaa iyo Luuq, beerihii magaalada biyo ayaa
qaaday, gaajo & cudurro ayaa halkaasi ka dillaacay,
kareetooyin 10 ilaa 15 casho maqnaada ayaa Luuq &
Qansaxdheere raashiin ka dooni jirey, qiimaha raashiinka ay
kareerooyinka keenaan aad buu qaalli u ahaa, 98% dadku aad
bey u dhibatoodeen. (39)
Beledxaawo:
Dad
badan ayaa gaajo u le’day, kuwo faro badan oo kasoo qaxay
tuullooyinka ayaa soo gaaray Beledxaawo ayagoo cunno doon
ah. Dooloow, Beledxaawo iyo Diiqweyne waxaa ku geeriyooday 4
qof, daadadka aawadood inta gaajo u le’atay ayaa ka
tirobadan inta ay daadadku laayeen. (40).
Beledxaawo oo qura 7 qof ayaa gaajo u le’atay muddo labo
toddobaad gudahood, xoolaha sidoo kale waxey u le’deen
cudurrada: qufaca, dukhsi IWM, beeraha baaba’ay waa 6,300
hektar, baaba’ooduna wuxuu saameeyey 1760 qoys, 50 matoor
ayey daadadku qaadeen, guryaha dumay ee Beledxaawo waa 2000
guri, iyo1,050 musqulood taasoo keentay dhibaatooyin aad u
fara badan. (41)
GOBOLKA
JUBBADA DHEXE:
Bu’aale
Bu’aale
& Diinsoor 1000 qoys ayaa ka barakacay. (42).
Qoys ka kooban 9 qof & labo qof oo deris la ahaa oo 13
casho geed saarnaa ayaa waxaa hareereeyey yaxaasyo, jeer,
masas & daad.
Wiil
yar oo ka mid ahaa qoyska ayaa 10 casho ka dib kasoo degay
markey ka dhamaatay sahaydii ay wateen, si sabuul uu uga soo
gooyo geedgalley halkaa ku yiil si ay u quutaan, ugu dambeyn
caleenta geedka ayey quudan jireen, nafaqo darro aawadeed
waxaa dhacday iney sifiican wax u arki waayaan, una maqli
waayaan, gabar yar oo qoyska ka tirsaneyd oo geeriyootay
ayaa muddo 10 casho lagu hayey geedka dushiisa ilaa uu
gurmad uga yimi. (43)
Hey’adda
WFP ayaa 7 tuullo oo Bu’aale ka tirsan gargaar ku
gaarsiisay doonyo. (44)
Saakoow:
Go’doon
ayey noqotay 12 qof ayaa gaajo & shuban u geeriyooday. (45)
Biyo hor leh oo degaanka saakow ku soo kordhay ayaa waxaa ku
geeriyooday 5 qof, 150 guri ayaa ku dumay, 500 qoys ayaa wax
la’aan ku noqday. (46)
Fataha
wabiga Jubba wuxuu degmadani u geystay khasaarooyinka kala
ah: iney daadadku qaadeen 20,000 kiintaal oo galley, 400
guri & 240 neef, tuullooyin fara badan ayuu wabiga
kasaro maray, ilaa iyo 100,000 qof ayey noloshooda halis
gelisay arintan, celceliska guud dadka ku geeriyooday waa
800 qof . Dadka intii ka badbaaday musiibad- an waxay ku
noolaayeen caleenta geedaha & kalluun (47).
Salagle:
Oo
ah tuullo u dhaxeysa Bu’aale & Baardheere waxaa ku
geeriyooday daadadka 47 qof, 33 kalena duumo ayey u
geeriyoodeen, 1000 neef ayaa le’day, 40 tuullo oo Jubbada
dhexe ka tirsan ayey biyuhu go’doomiyeen (48).
Roobabkii ugu dambeeyey ee ka da’ay Saakoow & Salagle
guryo badan ayey dumiyeen (49) Roobabkani oo ahaa
mahiiggaan.
36
saacadood oo xiriir ah ayey ka da’ayeen Salagle &
dhulka u dhow, waxaa ku geeriyooday 36 qof, 40 guri ayaa
dumay ayadoo ay roobabkaasi & ilaha soo burqaday ku
kallifeen dadkii halkaasi degenaa iney guryahooda ka caraan
waxeyna tageen meel Salagle u jirta 7 km, in badan oo
dadkaasi ka mid ahaa waxay fuuleen geedaha dushooda waxaa
intaa dheer ilo waaweyn oo ay biyo kasoo burqanayeen oo ka
dillacay Salagle, biyaha ilahaasi ay ka badanyeen kuwa cirka
ka imanayey, cudurrada shubanka iyo duumada ayaa halkaasi ka
dillaacay (50). 2500 qoys oo go, doon no noqday
ayaa markii ugu horreysay lootagay, 800 qoys oo ka mid ahaa
dadkaasi ayaa diyaarado u daadiyeen cunno (51).
Jilib:
-
10
tuullo ayey biyuhu fariisteen (52). 10,000 qof
ayaa ka soo barakacay 16 tuullo oo ku yaal galbeedka Jilib,
30 qof ayaa ku geeriyooday fataha wabiga Jubba, dadku waxey
fuuleen taagagga & dhirta (53). Magaalada
Jilib gudaheeda 7 caruur ayaa ku geeriyootay,
10,000-digaagna wey ku le’deen. (54) Isku darka
labada wabi ee Jubba & Shabelle oo isu jira 150 km ayaa
wuxuu sababay geeri dhan 175 qof, 80 tuullo oo agagaarka
Jilib ku yaal ayey dhibaatooyinka ugu ba’n soo gaareen,
dad badan oo deganaa inta u dhaxeysa Jilib & Kamasuuma
ayaa u cararay taagga mashruuca faanoole oo 7 km u jira
Jilib, dhul dhan 100 km oo u dhaxeeya Jilib & Jamaame
dadkii deganaa ayaa u cararay taagagga & minaaradaha
masaajidyada. (55)
35
qof ayaa daacuun calooleed ugu geeriyooday tuulooyinka ku
yaal hareeraha Jilib. (56)
Tuullada
Faragurow:
Oo
2 km dhanka galbeed Jilib ka xigta waxaa ku geeriyooday
haweeney iyo 2 caruur ay dhashay, 2500 qof oo juudaan qabay
oo ku xareysnaa xero ku taal tuulladaasi ayaa u soo qaxay
degmada Jilib oo laga baqay iney cudurka halkaasi ku
faafiyaan. (57)
WABIYADA
JUBBA & SHABEELE OO ISKU DARSAMAY
Wabi
Jubba ayaa ku fatahay biyo xireenka faanoole dabadeed wuxuu
ku darsamay wabi Shabeelle oo isna dhanka Dhaaytubaako ka
soo fatahay, waddada u dhaxeysa Kismaayo & Muqdisho ayaa
waxey ka go’day meel u dhow tuullada Buurcolow 19m oo
ballac ah iyo 20m oo hoos ah, dabadeed waxaa soo celiyey
buuro, dhanka galbeed ayey ugu dambeyn u soo laabteen iyagoo
dusha kaga yimi Kamasuuma & Jamaame. (58)
Mareerey:
27,000
qof ayaa ka qaxay, waxayna tageen moosaska wabiyada (59)
GOBOLKA
JUBBADA HOOSE
Kismaayo:
15
xero oo laga dhisay magaalada Kismaayo ayaa lagu xareeyey
7000 qof oo ka mid ah beeraleyda gobolka Jubbada Hoose
markey soo qaxeen (60) Hey’ad samofal oo
Soomaali ah ayaa xeryaha Qaxootiga ee magaalada waxay ku
qeybiyeen 8-9 Disembar 1997 kii 60 tan oo cunno ah oo isugu
jirey Bariis, Bur & Sonkor. Hey’ad kale oo samofal oo
waddani ah ayaa waxey u qeybisay qaxootiga magaalada joogay
cunto dhan 15 tan oo isugu jiray Galley, Sonkor, Saliid,
Buskut & Caanoboore cuntadana waxaa iska aruuriyey
dadweynaha gobolka. Ugu dambeyn waxey tirada qaxootiga
gaartay 23,000 qof oo 15,000 oo ka mid ah ay degenaayeen 2
xero oo duleedka magaalada ku yiillay kuwaa soo ay soo
barokiciyeen daadadka & roobabka. (61) Roobab
da’ay ayaa gooyey waddada u dhaxeysa Kismaayo &
Buulogaduud oo ah halka keliya ay ka furneed waddada isku
xirta Kismaayo & Muqdisho. (62).
Goobweyn:
Daadadka
ka dhashay roobabka El Nino ayaa ku kallifay 101 qoys oo
reer Goobweyn ah iney barakacaan, 40 guri ayaa dumay, 3 qof
oo dooni saarnaa ayaa geeriyootay markey gadoontay doontii
ay saarnaayeen.
Yoontoy:
Go’doon
bey noqotey. ( 63 )
Jamaame:
Intii
ay socdeen roobabka El Nino waxaa magaalada Jamaame ka qixi
jirey 100 qof iyagoo ku sii jeeda Kismaayo, waxeyna ka
cararayeen gaajo & sicir barar, Xagar & Jamaame 20
qof ayaa duumo ugu geeriyootay. (64)
Fataha
biyaha oo ku soo kordhayey degmooyinka:- Jamaame,
Jilib,Xagar & Afmadow waxay sababeen tuullooyinka u dhow
dhulka xeebta iney ku geeriyoodeen 19 qof ,7 ka mid ah masas
qaniinay aawadeed ayey u geeriyoodeen, kirada doonyaha looga
baxsanayey Fataha biyaha waxey gaartay 800,000 sh. So.
Guud
ahaan gobolka Jubbada hoose waxaa saameeyey 80% fataha
biyaha, waxey dadku ka cabanayeen xilligaasi: kaneeco,
shuban & cudurrada sambabada, Jamaame go’doon ayey
noqotay, waxaa lagu tagi karayey oo qura diyaaradaha
yaryar,600 qof oo go’doomay ayaa doonyo lagu badbaadiyey (65).
Cunto la’aan xun ayaa degmada ka jirtay, dad dhan 2000qof
ayaa meel yar isugu yimi si ay uga badbaadaan biyaha
hareereeyey, ciriiri & buuq ayaa halkaasi ka jirey,
10,000 qof oo aan intooda badan meel heysan ayaa iyana
halkaa ku sugnaa.
WHO
ayaa caddeysay in dhowr qof oo deganaa Jubba hoose uu ku
dhacay daacuun (66). Hey’adda " African
Muslim Agency" ayaa ka furtay xarun caafimaad oo
qalabeysan degmada Jamaame, waxey kaloo halkaasi geysay
dhakhaatiir.(67)
Mugaanbow:
Waxaa
ku go’doomay 5000 qof (68)
Afmadow:
Daadad
kusoo rogmaday magaalada Afmadow Talaado 18/11/97 ayaa
sababay dhammaan dadkii deganaa oo gaarayey 30,000 qof iney
u qaxeen meel 10 km dhanka galbeed ka xigta magaalada, hanti
& raashiin keyd ah ayey biyuhu baabi, iyeen, 12 qofna
wey ku geeriyootay (69) markey biyuhu qariyeen
magaalada oo ay 3m kor u kaceen, dad fuulay dhirta ayaa ka
soo dhacay, dabadeed biyaha ayaa qaaday (70)
Dadka
ay u suurtoobi weyday iney magaalada ka baxaan ayaa waxay
fuuleen 3 dhismo oo kala ahaa: - Masjidka, guriga
guddoomiyaha degmada & xarun hay’ad samofal, sahaydii
ayaa ka go’day in muddo ah wax raashin meeyan helin, sidaa
aawadeed Jimco 28 Nofembar 1997kii qof dadkaasi ka mid ah
ayaa gaajo u geeriyooday, markey waayeen meel ay ku aasaan
biyaha ayey ku tureen, dabadeed daadka ayaa qaaday (71).
Afmadow
tuulloyin la xiriira roobab xoog leh oo kada’ay Talaado
2dii Disembar 1997kii ayaa waxey geysteen khasaaro xoog leh,
cudurro halkaasi ka dillaacay aawadood 10 qof ayaa u
geeriyootay (72).
Afmadow
& Qooqaani:
19
qof ayaa roobabka ku geeriyootay, 9000 qof ayaa u qaxay
xudduuda u dhaxeysa Soomaaliya & Keenya. (73)
Xagar
& Afmadow:
98
qof ay u geeriyooday duumo & shuban halkaasi ka
dillaacay, maalin kasta 2 ilaa & 3 qof ayaa ku
geeriyoonjirey Afmadow, 150 bac oo roobabka leysaga celiyo
ayaa gaaray dadka Afmadow ka qaxay oo dhammaa 30,000 qof (74).
Xagar:
Waxey
degmadani biyuhu ku laayeen 10,000 neef oo isugu
jirey, ari, geel, lo’ & dameero, 11 qofna mallaariyo
ayey u geeriyoodeen (75).
Hoosungo:
4000
qof ayaa ka barakacay oo la garan waayey meeley aadeen,
ayadoo ay 4 caruur halkaasi ku geeriyootay (76).
Badhaadhe:
100
neef oo ari ah ayey biyuhu qaadeen, 17 kii & 18kii
Nofembar 97kii 103 neef oo ari cad & ido isugu jira ayey
biyuhu dileen, 3000 qofna wey barakaceen, ugu dambeyn heerka
biyuhu hoos ayey u dhaceen (77).
Bilisqooqaani:
Go’doon ayey
noqotay, waxaana soo weeraray libaaxyo.
Dhoobley:
Roobab mahiiggaan ah oo ka da’ay ayaa dilay 14 qof, xoolo
badna wey ku le’deen
Kulbiyow:
4000
neef oo xoola ah ayaa ku le’day Kulbiyow, kudhaa &
Raaskiyaanbooni, 17 qof ayaa ku geeriyootay, dadka barakacay
oo aan wax cunno ah heysan ayaa caleenta geedaha ku noolaa
in muddo ah, ilaa 25 guri ayaa ka dumay deegaankaasi oo ay
daadadka roobabku aafeeyeen (78).
WAQOOYI
BARI KEENYA:
Dhibaatooyin
ayey roobabku u geysteen Gaarisa, Wajeer & Mandheera
17kii ilaa 18 kii Nofembar 1997kii, waxaa deegaanka Gaarisa
ku geeriyooday 3 qof, wabiga (Tana River) oo jabsaday
aawadeed waxaa baaba’ay beeraha degaanka degmada Gaarisa,
dadka u le’day gaajo ama ay daadadku ay qaadeen boqollaal
ayey gaareen (79).
Wajeer:
120,000
qof ayey saameysay gaajada & mac’luusha ay roobabku
sababeen, daadad ayaa kusoo rogmaday degmadani, ayadoo aan
xilligaa wax war ah aan laga heyn dadkii deganaa hareraha
degmada, 5000 tan oo galley ah oo halkaasi tiillay waxey
dowladda Kiinya amartay in dadweynaha loo qeybiyo, guriyo
fara badan ayaa dumay ayadoo xoolo & dad badan ay
halkaasi ku la’deen, waxaa ka mid ahaa 1500 qof oo u
geeriyooday cudurka duumada & 6 qof oo ay daadadku ka
qaadeen deegaanka Hoosaale, kadib markey soo cusboonaadeen
roobab mahiigaan ah, waxaa isla goobtaasi go’doon ku
noqday 500 qof & 20 gaari oo ay wateen dad doorashada u
socday ayadoo xaaladdooda nololeed ay aad u liidatay
dhibaatada haysatay aawadeed.
Mandheera:
5
qof ayaa gaajo le’an jiray maalin kasta intey socdeen
roobabka AL-NINO
XeryahaQaxootiga:
50,000 qoxooti ah oo ka mid ahaa 120,000 ka qaxootiga ku
ahaa waqooyi bari Keenya ayey roobabku baro bixiyeen, dadka
bukaanka ah ee cusbitaallada booqda ee ka tirsanaa xeryaha
qaxootiga: Ifo, Dhagaxley & Xagar-dheer 40% ayey kor u
kaceen xilligii EL-NINO. . Xerada Ifo 75% dhulka ay ku
fadhido biyo ayaa daboolay, culeyska dhakhaatiirta fuulay
70% ayuu kordhay intii u dhaxeysay 15kii Novembar ilaa 4tii
Disembar 1997kii (80).
Ifo
& dhagaxley biyuhu hal mitir ayey kor u kaceen, hal qof
ayaana daacuun u geeriyooday (81)
KILLINKA
5AAD EE ITOOBIYA.
Roobabkii
mahiiggaanka ahaa ee socday muddo 2 bilood waxay istageen
10kii casho ee u dhaxeyey 29/11/97 – 8/12/97kii, intii ka
dambeysay roob yar ayaa halkaa ka jirey oo aan wax khasaaro
ah geysan, dabadeed jidadkii ay roobabku gooyeen ayaa dib
ugu furmay gaadiidkii .5/12/97 dowladda Talyaaniga ayaa
halkaasi geysay shixnad isugu jirtay: daawooyin, bacda
guryaha laga sameysto & 3 doonyood. (82)
Dhibaatada
roobabka ay u geysteen xagga nolosha & caafimaadka
Xoolaha
gobolka killinka 5aad waxaa ku dhacay cudurrada raafdillaaca
, qulunbaha & kuwo kale, si gaar ah waxey u sameeyeen
geela & ariga , waxayna arrintani dhalisay iney xoolaha
caano yareeyaan, waxeyna sababtay iney halkaasi ka dhalato
cunto yari saameysay dadka reer miiyga.
Hey’adda
ICRC ayaa ugu deeqday daawooyin dibadda laga keenay oo
qiimaheedu ahaa 70,000 doollarka Mareykanka si loogu
daaweeyo cudurrada ku dhacay xoolaha reer miiyga, lacag
la’aan ayaa dadweynaha loogu qeybiyey. Quuto (rashiinka)
daruuriga ee magaalooyinka sida: - Bariiska, sonkorta &
baastada 25% ayey kor u kaceen, ayadoo ay ugu wacneed
jidadka isku xira magaalooyinka waaweeyn sida: Godey &
Qabridaharre oo xirnaa muddo bil & dheeraad. (83)
Qallaafe
& Afdheer:
Dadka
ay fatahaaddan waxyeellada ay u geysatay ee ku noolaa
Qallaafe & Afdheer waxaa la gaarsiiyey gargaar isugu
jirey: - Buskut, galley & waxyaabo kale. Diyaaradaha
wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Itoobiya & labo
diyaaradood oo uu Faransiiska leeyahay ayaa si wadajir ah
uga qeybqaatay, 5 duullimaad oo gargaar u sidey 17 tuullo oo
bil & dheeraad ku go’doonsanaa inta u dhaxeysa Qallafe
& Mustaxiil ayaa halkaasi gaaray, roobabkii mahiiggaanka
ee halkaasi ka da, ay waxaa ka dhashay: shuban, mallaariyo
& oofwareen (84).
Guud
ahaan waxaa ku geeriyooday 279 qof fataha 4ta wabi &
roobabka El-Nino, 4 guri ayaa ku dumay, 12000 oo neef ayaa
ku dhintay.
Gobolka
Liibaan:
183
qof ayaa u geeriyootay cudurka duumada.(85)
Godey:
Abaaqorow
70 qof ayaa ku geeriyootay, 20,000 neef ayaa ku le’day,
dadka degaankaasi nafaqo darro ayey la Il-darraayeen
xilligii El Nino, 40% dadka degaankaasi waxaa ku dhacay
cudurka shubanka. (86) Goobo kale oo ka tirsan
killinka 5aad waxaa fatahaadda ku geeriyooday 300 qof. (87)
JABUUTI:
Daacuun
calooleed ayaa ka dillaacay dalka Jabuuti markey robabka El
Nino da’een, cudurkani wuxuu ku dhacay 355qof, 2 ka mid
ahna wey geeriyoodeen. (88)
QIYAASTA
GUUD EE KHASAARAHA ROOBABKA IYO FATAHA
WABIYADA:
Guud
ahaan fataha wabiyada & daadadka roobka AL-NINO waxay
geysteen dhibaatooyinkan.
1)
Dadka geeriyooday guud ahaan waa 3,695 waxaa ka mid ah 1,500
oo duumo u geeriyootay degmada Wajeer.
2)
Dadka bukooday guud ahaan waa1136.
3)
Dadka barakacay guud ahaan waa 1,411,101 qof iyo 32 tuullo.
4)
Xoolaha le’day guud ahaan waa 59,863 neef iyo 10,000 oo
digaag = 69,863.
5)
Raashiinka ay daadadku qaadeen waxa weeye12, 350 kiintaal oo
haruur ah, 20,000 kiintaal oo galley ah, 1500 kiish oo isugu
jira bariis, sokor, & bur. 63,000 mitirigtan oo raashiin
keyd ahaa iyo 97,000 mitirigtan oo ahaa dalagyada beeraha ku
yiil.
6)
Dhismayaasha, guryaha & qalabka burburay waxay kala
yahiin: 14,322 guri, 4,050 musqul, 40 barkadood, iyo 58
matoor. Guud ahaan waa 18,570.
7)
Dhul beereedka go’ay ama ay biyuhu fariisteen waxay kala
yahiin 429,300 hektar, 175 beer iyo 16 km.
Meelaha
laga soo xigtay (REFERENCE)
Daily
" Tuesday, 11/11/97 , No. 11491
"
" Wednesday, 12/11/97, No. 11492
"
" Thursday, 13/11/97, No.11493
"
" Friday, 14/11/97, No. 11494
"
" Saturday, 15/11/97, No. 11495
Sunday
Nation, Sunday, 16/11/97, No.2252
Daily
Nation, Tuesday, 18/11/97, No. 11496
"
" Wednesday, 19/11/97, No. 11497
"
" Thursday, 20/11/97, No. 11498
"
" Friday, 21/11/97, No. 11499
"
" Saturday, 22/11/97,No. 11500
Sunday
Nation, Sunday, 23/11/97,No. 2253
Daily
Nation, Monday, 24/11/97, No. 11501
"
" Tuesday, 25/11/97, No. 11502
"
" Wednesday, 3/12/97, No. 11510
"
" Thursday, 11/12/97, No. 11516
"
" Friday, 12/12/97,No.11517
"
" Tuesday, 16/12/97,No.11521
"
" Saturday, 19/12/97,No.11524
"
" Tuesday, 22/12/97,No.11526
"
" Saturday, 28/12/97,No.11530
"
" Tuesday, 30/12/97,No.11533
"
" Wednesday,31/12/97,No.11534
"
" Friday , 1/1/98, No.11535
"
" Wednesday,7/1/98,No.11540
"
" Saturday ,10/1/98,No.11542
"
" Wednesday,14/1/98,No.11545
"
" Monday,19/1/98,No.11549
"
" Friday,23/1/98,No.11553
"
" Sunday,25/1/98,No.2264
"
" Wednesday,28/1/98,No.11557
"
" Thursday,29/1/98,No.11558
"
" Friday,30/1/98,No.11559
"
" Thursday,5/2/98,No.11564
"
" Thursday,12/2/98,No:11570
"
" Friday,13/2/98,No.11571
"
" Monday,16/2/98,No.11573
"
" Tuesday,17/2/98,No.11574
"
" Thursday,20/2/98,No.11577
"
" " " Thursday,18/12/97,No.25998
"
" " " Monday,1/12/97, No.25983
"
Monday, 10/11/97
"
Wednesday, 12/11/97
"
Sunday, 16/11/97
"
Monday, 17/11/97
"
Wednesday, 19/11/97
"
Thursday, 20/11/97
"
Friday, 21/11/97
"
Saturday, 22/11/97
"
Sunday, 23/11/97
"
Monday, 24/11/97
"
Tuesday, 25/11/97
"
Wednesday, 26/11/97
"
Thursday, 27/11/97
"
Friday, 28/11/97
"
Saturday, 29/11/97
"
Tuesday, 2/12/97
"
Wednesday, 3/12/97
"
Thursday, 4/11/97
"
Monday, 8/12/97
"
Monday, 15/12/97
"
Thursday 18/2/98
"
Friday, 26/2/98