 |
ASTAAMAHA
SIYAASIGA SOOMAALIGA AH EE MAANTA JIRAA WAA KUWAN .
|
|

|
[ AllPuntland ] Opinion/Fikradaha |
Waxaan marar badan isweydiiyaa maxaa
siyaasiyiinta soomaaliyeed ka qaldan?
Waxaan arkaa dad badan oo soomaaliyeed oo
rayigooda ka dhiibta siyaasada iyo
siyaasiyiintaba. Marka hore waxaa isweydiin leh
waa maxay siyaasadu? Waxaan
anigu qabaa in siyaasadu tahay tartan,
tartankaasoo ka dhaxeeya kooxo kala
duwan. Kooxahaas oo ku tartamaya codka bulshada ay
ku dhexnool yihiin,
kooxahaas oo aaminsan in mabda´ ooda uu yahay kii
bulshadu ku gaari laheyd
horumar. Hadaba markii doorasho laga sameeyo
wadanka waxaa guuleysta kooxdii
shacbiga badankiisii soo jiidatay. Taas micnaheedu
wuxuu yahay inta u
dhaxeysa labo doorasho waxaa wadankii lagu
fulinayaa mabda´a kooxdii ku
guuleysatay doorashada, kuwii lagu guuleystayna
waxay noqonayan mucaarad
iyagoo dhowraya sharciga uyaala wadanka,
tixgalinaya kooxda haysa maamulka
wadanka. Sida cinwaanka maqaalkan ku tilmaaman,
dad badan oo soomaaliyeedna
ay maqaalo ka qoreen waxaa marar badan isweydiiyey
siyaasiga soomaaliyeed ee
maanta jiraa waa kuma? Hadaba calaamadaha lagu
garto siyaasiga soomaaliyeed
waqtigaan xaadirka ayaan xoogaa dib u fiirshay
waxaana iisoo baxay:
SIYAASIGA SOOMAALIGA AH EE MAANTA JIRAA WAA KAN.
Waa nin da weyn (Ilaahaa weyn).
Wuxuu ku dhashay tuulo ama magaalo ay inta badan
degaan reerka uu ka soo
jeedo sidaa daraadeed wuxuu noloshashiisii inta
hore uu kusoo dhexjiray hal
reer oo kaliya ah wuxuuna dhalinyaranimadiisii
yimid magaalo weyn.
Reerkiisa, xaaskiisa iyo caruurtiisa waxay badanaa
joogaan waddamada Yurub
ama waqooyiga Ameerika. Hadii xaalada nabadgelyo
ama tan caafimaad ku
xumaato si fudud ayuu u tagi karaa waddamadaas,
maxaa yeelay wuxuu inta
badan haystaa dhalashadooda ama sharciga lagu
joogo.
Wuxuu badanaa heystaa darajo askareed sida
Korneel, Gaashaanlesare,
jeneraal, sareeye gaas, sareeye guuto iwm. Masoo
baran inta badan
waxbarashada cilmiga diinta, siyaasada, maamulka,
bulshada, sharciga,
dhaqaalaha ama sayniska. Laakiin wuxuu si
wanaagsan uga soo qalanjabiyey
kuliyadii qayaamada iyo dhaca ee xukuumadii Siyaad
Barre. Markii jagada loo
magacaabayey wuxuu shaxaadi jiray masruufka
reerka, lix bilood kadib wuxuu
lahaa 4 gaari 3 guri dhowr boqol kun oo doolar iyo
beer ku taala Afgooye
banaankeeda.
Wuxuu badana kasoo shaqeeyey dowladihii
soomaaliyeed ee soo jiray intii
xornimada la qaatay kadib. Inta badan wuxuu lasoo
shaqeeyey dowladii Siyaad
Barre oo uu kasoo qabtay jagooyin kala duwan.
Waxaa marar qaarkood dhacday
inuu fakaday oo “mucaarad” ku noqday
xukunkii Siyaad Barre,
haddana uu soo laabtay kadib markii jago ka
wanaagsan tii hore ama nolol ka
wanaagsan tii hore loo balanqaaday.
Sicirbararka ma saameyn oo kaliya dhaqaalihii ee
siyaasadiina wuu gaaray.
Markii ay meel uga banaanaan weysay ururadii jiray
wuxuu uruursaday xoogaa
dad laftiisa kadhashay oo war qalada ah laga
dhaadhiciyey wuxuuna sameystay
ururka SBTJ oo matala reer XKHD.
Mabda siyaasadeed,qorsho siyaasadeed, xal
siyaasadeed midna malaha mana wato
ee wuxuu hadba raacaa meeshii dabeeshu usocoto.
Haddii uu shalay cadow ku
ahaa koox kale, maanta wuxuu layahay heshiis.
Hadii shalay uu dastuur cusub
sameystay, maanta asaga burinaya. Shalay hadii
sanad “la
doortay”, maanta asagaa sadex sano ku
darsanaya. Shalay hadii uu
magacaabay hebel, maanta asagaa ka qaadaya jagada.
Shalay haddaa raacsanayd
asaga waxaad ahayd nin danta Soomaaliyeed; jecel,
maanta
haddaa tiraahdo waa qaldantahay waxaa tahay
“ cadowga” umadda
Soomaaliyeed. Shalay hadaa isku reer ahaydeyn,
maanta waxaa tihiin kala laf,
beritana kala jilib, saadanbana kala hooyo,
saakuuna asagaa curadkii ah.
Meel walba oo Soomaaliya haka taliyee wuxuu
sheegtaa in umadda soomaaliyed
ay soo dooratay, asagaana ah ninkii keeni lahaa
nabadgelyo, dowlad
wanaaagsan, dhaqaale horumarsan iwm. sidaa
daraadeedna uu jagada uhayo.
Marxalada siyaasadeed ee dalka iyo shacbiga
soomaaliyeed oo aad uraba ayaa
ku qasabay inuu jagada qabto sidaas daraadeed ayuu
waqtigiisa qaaliga ah
noogu huray.
Wuxuu weli aaminsanyahay in reerka uu kasoo jeedo
ay yihiin reerka ugu
nasabsan, ugu waxgaradsan, ugu diin aqoon
wanaagsan, ugu dhaqaalo badan, ugu
qurxubadan, ugu lahjad fiican, ugu deegaan
wanaagsan ee Soomaalida ah.
Laakiin markuu idaacadaha la iska maqlo ama la
aqristaba ka hadlayo wuxuu
yahay nin aan ku dhaqmin qabiilka ogaadeyna in
qabyaaladu ay ka mid tahay
waxyaalaha hortaagan dib u heshiisiinta dadka
soomaaliyeed.
Wuxuu weli aaminsanyahay in ay Soomaaliya ka
dhalan doonto dowlad uu asaga
madax ka yahay mustqalbalka dhow. Dowladaas oo
xukunkeeda oo dhan asaga
gacanta usoo geli doonta, siduu doonana ka yeeli
doono. Markuu noqdo
madaxweyne; wuxuu soo magacaabi doonaa laga
bilaabo ra´iisul
wasaaraha wadanka ilaa lagu geeyo macalinka wax
kadhiga dugsi hoose dhexe ee
kuyaal magaalo kamid ah wadanka. Madaxweynuhu; ma
oga in
ra´iisulwasaarahu uu masuul kayahay dowladiisa,
soona magacaabo wasiirada
dowlada. Madaweynuhu ; ma oga in maamulaha dugsiga
hoose dhexe
uu masuul kayahay macalimiinta dugsiga iyo
ardadaba. Lama socdo in dunidii
isbedeshay.
Halka dunida horumartay mideynayso wadamadooda,
siyaasadooda, dhaqaalahooda,
lacagtooda wuxuu asagu qabaa in ;Waddan-land& ka
goosato
Soomaaliya hadii aan asaga madaxweyne lagu
magacaabeyn, hadii kalese
soomaalidu waa dad walaalo ah.
FIIRO GAAR AH: Ururka SBTJ waa urur aan mala
awaalay. Waxaa maanta jira
toboneeyo urur oo badanaa midwalba xarafka S uu ku
jiro. Sida SSDF, SNM,
USC, SPM, SRRC iwm marar badan maba lagaran karo
waxa ay u taaganyihiin.
Reer XKHD waa reer aan mala awaalay. Sicirbarar
ayaa qabiilkii ku dhacay
sidaa daraadeed maba lagaran karo dhamaan
magacyada lafaha iyo jilibyada
waayadaan danbe soo baxay.
Waddan-land waa isxukun hoosaad aan mala awaalay.
Sidoo kale ayaa
sicirbararka saameeyey Land;. Waxaa jiri jiray
dal Soomaaliya
yiraahdo markaasaa waxaa soo baxay Somaliland,
Puntland, Jubaland waxaana
soo socda Land&; badan mustaqbalka hadii xaalada
sidaan ku
socoto.
Hayaan Cabdisalaan Ismaaciil
Arday cilmiga siyaadada SWEDEN
Hayan74@hotmail.com
|
|
Wixii
Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray,
Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka.
Mahadsanid |
XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo
fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo
bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland
waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid |
| Ku
Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo
Bogga Hore AllPuntland |
Copyright © 2000-2001 by
allPuntland.com.
All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited
|
|