Bal nala arka riwaayada cusub ee Muqdisho ka bilaabatay ,kooxda
wax mateleyso waa kooxdi Carte ee isu qeybisay Hawiye iyo Soomali inteeda
kale ,shir mudda u socday keddib Somaali inteeda kale waxaay dhabarka eedeyn
kaga tureen Kooxda Hawiya ee kooxdan la soo abaabulay dhismihi DKM ee ka soo
baxay shirki Soomaali weyn loogu qabtay Degmada Carta ee Dalka Jabuuti waa
sida ay u dhigeen saxaafadda inteeda badan waxaayna weydiisteen in Hawiye ka
soo jawaabo su’aalo badan oo ku gaadaaman sidi nabad loogu soo dabaali
lahaa Caasumadda Soomaaliyeed (Muqdisho) haddii taa la waayana sidi ummadda
Soomaaliyeed u doonan lahayd goob nabadeed ee ku haboon in laga taago
Caasumadda Dalka Soomaaliya mar kale..
Waa su’aale isku soo wada duub wixi dowr ka qaatay Shirki
Carta Hawiye ha ahaadeen ama Soomaalida inteeda kale tolow ma kadhab baa in
ay doonayaan xal u helida Dhibaatada kala gaartay Soomaali weyn iyo
dhibaaatooyinka ka dhacay dalka Soomaaliya guud ahaan mise waa dad uun u
maqan buuxinta calooshooda mise marinka ayey ka habaabeen oo iyagaaba toosin
u baahan , waa su’aal kalee ,markaan dhinaca kale u dhignana tolow kooxda
SRRC iyaga maxaay kaga duwan yihiin kooxdan.
Waxaan u dhigaynaa sidi ay isu qeybiyeen Soomaali inteeda
kale iyo Hawiye oo isaga ku eedeysan in uu ka soo bixi waayay balamadi
shirki Carta uu ku qaaday haba ugu darnaatee in ay beelaha haysto dhul aynan
deegaan ahaan ka soo jeedin ka baxaan iyo in ay caasumadi Soomaaliyeed
diyaar u yihiin in Soomaali weyn kuwada shaqeyso dadkana u sinaato nabadna
ay ku soo dabaalaan..
Waxaan ku hormarayaa hawiyaha Carta ee shirki Carta la tegay
in ay Soomali nabad u wadaan iyagga oo aan meel isla dhigin nabad la’aanti
ka jirtay Magaalada Muqdisho, iyaga oo aan nabad dhax dhigin kooxaha isaga
soo horjedo Magaalada Muqdisho una sameyn hogaan lagu mideysan yahay , iyaga
oo aan tilmaan cad ka bixin yaa xaq u leh maamulka magaalada Muqdisho iyo
magacaabidiisa, iyaga oo aan ka saarin ama balan ka qabin iyo aaladi lagu
fulin lahaa balankaas in ay ka baxayaan jufada madaxweynaha kooxda Carta
koofurta dalka Soomaaliyeed iyo xarumaha dowlada ee magaalada Muqdisha.
Haddaba sidaay u garteen waa Hawiyaha Cartee in ay Soomaali
weyn ugu yeeraan Magaalada Muqdisho oo ah goob dagaal hub waaweyna la isugu
heysto,jawaabta waxaay u muuqataa xaqiiqadana tahay in aynan doonayn xal u
helida ummadda Soomaaliyeed waa kooxdana waayo waxaay garoomada Muqdisho ka
duuleen kooxdaas Hawiye ee shirki Carta ka qeyb gashay iyaga oo aan arrin
keliye hashiis ku ahayn magaalada Muqdishana waxaay ka soo baxeen iyadda oo
uu weli shidan yahay dabki General Caydiid ka shiday marki laga adkaaday
rejiimki Siyaad 1990 .
Waxaa kale oo hubaala marki laga reebo in yar oo la marin
habaabiyay in kooxdan inteeda badan tahay dhuuni raac iyo qaran diid kol
hadii aan lagu shaqeynayn wixi iyaga u muuqda , isla markaasna aan loo
daynaynin dhulki, beerihi , guryihi dadweynaha soomaaliyeed iyo guryihi
dowladaba Oo ay ku qaateen dhac,dil iyo burcadnimo, welina ay ku haystaan..
Aan u noqono Soomaalida carte marki laga reebo Hawiyaha
Carte oo aan meel isla dhignay weji xumada uu taagan yahay, Soomalida carte
oo ku doodeyso in uunan Hawiyaha Carte ka soo bixin balamadi uu qaaday ma
rabo in aan ku dheeraado faala ka bixintooda ilayn intooda badan ma
dhaafsiisno danaystayaal calooshooda u maqan waayo iyaga maanta maba
awoodaan in ay ku noqdaan goballada ay ku doodayaan in ay matalaan ama ay ka
soo jeedaan ,markaan hoos dhignana qaarkood waxaay dowr weyn ka qaateen
xasilooni darrada ku soo kaorortay dadka iyo goballada ay ka soo jeedaan
riwayadi ay kala yimaadeen shirki Carte keddib .
Kooxdan iyagana waxaay Hawiya kala mid yihiin in aynan ku
dadaalin xal u helida arrimaha hoose ee goballada ay ka soo jeedaan inta aan
loo gudbin doonida qaran Soomaaliyeed oo ka fog in lagu dhiso beer laxawsi
iyo been ku qaraabasho amaba boob iyo burcadnimo. SRRC iyada waa buda gaar u
tuman, umana baahna ka faaleyn marki laga reebo in yar oo aan weli ka qeyb
gelin shirarki horay loogu qabtay Soomaali weyn shirki Carte ka hor iyo
shirki Cartaba oo geddigoodba ku dhamaaday aniga haddii aan lay maqlayn yey
waxba hagaagin iyo fashilaad qaawan.
Soomali weyn wey yaqaaniin SRRC ,waana ka dharagsan yihiin
dhaqan xumidooda iyo maanta waxa mideeyo in ay tahay oo keliya la dagaalanka
kooxda Carte oo iyaga ka xeel badiyay lana yimid DKM oo ay ku qaraabtaan
inta ay ummadda ka garaneyso in jidki toosna laga weeciyay loona noqday dib
u dhisida in qabiil keliya gacanta ku dhigo iliha dhaqaalaha ee wadanka kuna
amar ku taagleeyo Soomaali inteeda kale.
SRRC ma qaba in ay ka duwan yihiin kooxda Carta kol haddii
ay kala mid yihiin doonista qaran soomaaliyeed oo aan horta loo soo marin
nabad u raadinta goballada iyo heshiisiinta dadka ay matalaan
hoogaamiyayaasha ku bahoobay kooxdan.
Haddaba haddii aan Soomaali nahay waxaa naga go’an sidi
dalkeena nabad loogu soo dabaali lahaa aniga oo ka baqayo in ay maanta aad u
yar tahay fursada helitaanka hogaamiya u heelan howshan iyo u istaagida dib
u soo dhisida Qaranki Soomaaliyeed iyo dib u heshiisiinta ummada Soomaliyeed.
Helitaanka qaran Soomaaliyeed waxaa ka horeeyo in ay
Soomaali weyn meel iska dhigto doonida qaran guud iyada oo aan gobal walba
xal iyo daawa u helin boogta dadkiisa iyo gobalkiisa hoos taal, Soomaali waa
in ay run isu sheegtaa iskana qabataa kuwa rabo in ay ku beer laxawsadaan
waxaan nahay Qaran doon reeraha ay ka soo jeedaana boob iyo xoog ku haystaan
deegaano iyo beero dad Soomaaliyeed leeyahiin, taana ay u dheertahay in
aynan u maqanayn dadka ay ku doodayaan in ay matalaan oo weli ku nool
goballada ay ka soo jeedaan ama ay ka soo habaabeen iyaga iyo mooeryaantooda
.
Wixii
Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir email
qoraaga soo qoray ka eeg emailkiisa bilowga qoraalka
AllPuntland Mas'uul
kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo
ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland
Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid
Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku
soo dir fikir@allpuntland.com
,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta
Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland: