 |
ssThe opinions contained in this article are
solely those of the writer, and in no way, form or shape
represent the editorial opinions of
AllPuntland.com |
|

|
 |
Warsaxaafadeed
afhayeenka SRRC ee waqooyiga Maraykanka . |
[ AllPuntland Opinion/Fikradaha ] |
Abdiqaasin oo is fasiray!!
Waxaa wax lala yaabo ah
hadalkii ka soo yeeray hogaamiyaha kooxda
carta,01-12-02,in uu ahaa hadal macno daro ah oo
uu sagu is fasiray,maxaa yeelay,ummadda
soomaaliyeed,iyo beesha caalamkuba waa og
yihiin,cidda argagixiisada ah,iyo qofka sameeyey,
xadgudubka,naxariisdaradda ah.
-
Marka
uu hogaamiyaha kooxda carta uu ku tilmaamay,SRRC
waa argagixiiso, muxuu ula jeedaa, maxaase ku
kalifay arrintaas?Hadaba wuxuu raadinayaa,in uu
ku cimri dheraysta,dhibaatada uu ku hayo,dadka
uu dulmiyey,oo uu dhulkoodii,iyo iyo beerohoodii
kabarakiciyey,rabana in uu ku abuura,
qabaa'ilkiisa oo uu ka soorarayo, dhusamareeb,
matabaan, gurceel, dhulka baadiyaha, ah ee
omanaha ah, isgao raba in u xoog ku dajiyo
dhulkaas, maxaysatada, kooxda carta xooga ku
haysato,yaan lala hadlin dulmiga iyo dhibaatada
ay ku hayaan dadka,weye,wuxuu
larafanayaa,hogaamiyuhu.
-
Ma
wuxuu iska ina saabayaa,falalka argagixiiso ee u
kawada,SH/HOOSE/J/HOOSE,iyo inta u dhaxaysa
labada wabi.
-
Ma
wuxuu ilaa way,falakii foosha xumaa ee u
kasameyey, magaalooyinka, baraawe, buulo-mareer,
shalanbood, qoryooley, iyo dhul-beereedka,
deganadaas.
-
Ma
wuxuu ilaa wey,diilkii foosha xumaa,ee ay
gaysteen, maxaysatada ilaalisa, hogaamiyaha
carta dilkii ay ku sameeyeen, Bishii,AUGUST,
2001, laba wiil oya ku dileen xamr, kadaibna
Hooyadii dhashay labadaas wiil la xarig ugu
dareen..
-
Ma
wuxuu iska indhasaabayaa, dilkaa, dhaca,
kufsiga,aan loo kala aabe,yeelin, hooyo, waayel
ah iyo ilmo yar toona,oo uu
kasamaynayo,magaalada kismaayo, hareereheeda,
Bareer iyo dadbanba waa laguugu
sheegay C/Qasimoow, ha is hafrin umadda
Soomaaliyeedna ha ku gabood falin. Kuma dooran
madaxwaynana umaad tihide. Madaxwayne ay umaddu
dooratay oo lagu heshiiyay waxa aad ku dhaqmayso
kuma dhaqmeen, mana aad boobteen xoolahooda kuma
tagri fasheen sidii guraaga oo kale, uma kala
eexateen, qaar kuma doosheen adoo qaar kale
adeegsanaya. Mindhaa Umadda Soomaaliyeed iyo
jagada Madaxwaynanimadaba macna kale bay
C/Qasimoow kuu samaynayaan, ayn u samaynaynin
umadda.
Fanaka cawdi billaahiye, ma
madaxwayne Soomaaliyeed oo la doortay baa
dhaqankaada oo kale la imaan lahaa? Ma sidaada oo
kale buu hoos carari lahaa Tuugta lacagaha soo
daabacda oo umadda cuna qabateeyay? Ma sidaada oo
kale buu ku sheegi lahaa Soomaalida qaar Amxaaro?
Miyuusan shacabka soomaalida ka dhigteen aabe,
hooyo, walaal, wiil iyo Gabar oo dhalay oo kale?
Madaxwayne soomaaliyeed oo la
doortay miyaa himilada Gobolada qaar si bareer ah
u hor istaagi lahaa? Madaxwayne Soomaaliyeed oo la
doortay miyuusan u daayeen Xamar shacabka daggan
iyagu inay doortaan maamulkooda dagmo iyo Gobol?
Madaxwayne Soomaaliyeed oo la doortay miyaa
qaraabadiisa ku wareejin lahaa ilaha dhaqaalaha
wadanka Sida Bangiga dhexe, qaybinta deeqaha?
Isma ogide waxaad ka liidataa
kuwa aad ku sheegto warlords, haddiiba ay jiraan.
Waxaad hilmaansatahay inaad adigu tahay waxa ku
haray warlordnimo, oo mar hore laga gudbay
xadkaas.
Hadaba halkaas waxaa kacad
dhibaatada u kasamaynayo hogaamiyaha,carta,asago
raba in labar-kiciyo,dadkii deegaankaas, daganaa
halkaas waxaa ka muuqata in ay kooxda carta,isku
bahaysteen, falalka argagixiiso, iyado,ay,gacan ka
helayaan uruurka xag jireenka ah ee al-itixaad.
|
|
Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir
qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg
bilowga qoraalka. Mahadsanid |
|
XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo
fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo
bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta
AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta .
Mahadsanid |
|
| Ku
Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo
Bogga Hore AllPuntland |
Copyright © 2000-2001 by
allPuntland.com.
All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited
|
|