Dadka daawaday cajaladaha shirkii lugooyo ee carte waxay aad ula
yaabeen xishood laáanta qaban-qaabiyaasha shirkaas oo goob joogayaasha si
xamaasad aan qalbiga jirin ugu sheegaya in shirka ay soo galayaan raggii
ka soo lugeeyay Puntland! Raggaasna waxay ahaayeen Gen. Abshir, King Kong,
Jaamac Cali Jaamac iyo kuwo kale oo muddo fog dibad joog ku ahaa wadamo
kala duwan iyagoo qaxooti ah!!
Intii uu shirkaas socday ayaa waxaa is qabtay King Kong iyo Jaamac
sabatoo ah King Kong oo isku heysta in Jaamac uusan ka daba hadli karin
mar hadduu la dhashay Boqor Moxamuud.
Arrintaas iyada ahna waxay keentay in Jaamac uu shirkaas ka soo caroodo,
Londona uu dadka uu ugu wada sheegay in Carte dan ugu jirta reer Puntland
ayan jirin intaasna raaciyey in Cabdullahi wax noo dhaamana ayan jirin.
Marka iyadoo mowqifkaas reer London ay ku barteen ayaa hal mar hadana
waxay maqleen ninkii oo leh hadana waxaan isku taagayaa doorashada
madaxweynenimada PL.
Dadkiina waxaaba ka sii yaabiyey isagoo Cartadii uu dadka horay ugu
digay leh waan taageersanahay maxaa yeelay sida ku cad xisaab xirkii Cali
Khaliif Galeyr oo meel walba laga heli karo ayaa waxaa ku qoran in tikidka
uu Jaamac ku soo dhoofay ay bixisay Carte!!!
Haddaba, baaqa iyo heshiiska Jaamac wuxuu dadka reer PL si tiiraanyo
iyo ciilba leh u soo xusuusin doonaa dhibkii iyo dibin-daabyadii horay u
dhacay sida:-
1- In burburinta PL lala soo beegsaday xilligii ciidamada degaankooda
Kismayo laga soo saaray ay rabeen in ay dib ugu noqdaan.
2- In la rabay in walaalaha ku bahoobay PL ay Carte dartiis ay isku
dilaan iyagoo ku shaqeysanaya calooshood u shaqeystayaal reer PL.
3- In hantidii dhexyaalka aheyd ee la dhacay in qaarkeedna la siiyey
nin tamashle ku tegay Bosaso oo la yiraahdo Dr.Bood iyo iyadoo intii
kalena lagu camiray dukaankiisa Wembley ee London.
4- Magac-xumadii soo gaartay intii jahawareerku jiray.
5- A/qasim oo ka yiri bosaso waxaa ii jooga Jaamac.
6- Intii uu isku dhaca laga baqayey ayaa A/qasim waxaa la weeydiiyey
waxa uu qabtay , wuxuuna ku jawaabay 'Puntland ayaan burburiyey'.
7- Heshiiska riyada ah ee Jaamac iyo A/qasim oo noqonaya aaskii
rajada danystayaasha PL ee mustaqbalka.
Si kastaba ha ahaatee ninka horay damiirkiisa u iibsaday danna ka
laheyn Kismayo iyo degaanada kale ee xoogga lagu heysto oo intaba
cadaaladda, wadaninimada iyo muslinnimadaba ka fog waxaa hubaal ah in
isaga iyo kuwa soo dirsadayba ay ka geli doonaan baal madoow
taariikhda,heshiiskoodana uu yahay bar kuma taal.
Waxaa qoray:-
A.O.Dirie
Wixii
Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo
gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka
eeg bilowga qoraalka.
|
AllPuntland Mas'uul
kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo
ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta
Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid
|
Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo
dir fikir@allpuntland.com
,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland:
Akhristaha |
|