 |
The opinions contained in
this article are solely those of the writer, and in no
way, form or shape represent the editorial opinions of
|
DADAALKA
NABADDA EE HAWEENKA PL HA GUULEYSTO
|
|

|
[ AllPuntland ] Opinion/Fikradaha |
sss
Qof waliba wuxuu ogsoon yahay dhibkii ka dhacay
Somaliya in ayan
wali dhammaan, dumarkuna ay ahaayeen kuwii ugu dhibka cuslaa.
Sidaas darteed, waxaan rajeeynayaa in dhammaan bulshoweynta reer
Puntland ay tixgeliyaan talooyinka ka soo baxa shirka nabadeynta
ee haweenka PL.
Waxaanse ogeeysiinayaa ka soo qeybgalayaasha sharafta leh in ay
maanka ku hayaan arrimaha soo socda :-
1- Nabadda, midnimada, horumarka iyo magaca wanaagsan ee la helay
intii ka dambeysay dhismihii maamul goboleedka
Puntland.
2- In reer PL iyo dad kaloo Somaliyeedba guryahoodii muddo gaareysa
10 sanadood in wali xoog lagu heysto.
3- In degaano badan oo ay ka mid tahay Kismaayo ay qori caaridiis
ay ku heystaan kuwa xaq-darada ka wada Somaliya.
4- In cadaaladdu ay tahay furaha nabadda iyo dib u soo noolaanshaha
dawlad Somaliyeed ee loo dhan yahay.
5- In ay jiraan kuwo cadaw ku ah Puntland oo raba in reer PL ay
qabiil ahaan u dagaalamaan iyagoo adegsanaya xoolahii
magaca
Somaliyeed lagu helay iyo daneystayaal reer PL ah oo
horay uga
qeyb galay shirkii lu'gooyo ee Carte.
6- In A/qasim uu rabo in degaanada reerkiisa ay sharci darada ku
heystaan in aan waligood laga qaadin, taasna waxaa u
daliil ah
Kismayo wuxuu ka sameeyey.
7- In jahawreerka siyaasadda ee PL uu dhib weyn u geystay sharaftii
ay laheyd iyo maamulkii ka jireyba, sidaas darteedna
ay muhim
tahay in la helo maamul mideysan sida ugu dhaqsaha
badan.
8- In qadiyadda Kismayo aan la iibsan karin ayna tahay muqadis
sida Puntland.
Ugu dambeyntii, waxaan mahadnaq iyo ammaan u soo jeedinaya haweenka
PL ee arrintaan isku xilsaartay sida Senterka Gaalkacyo ee Nabadda
& Horumarinta ee ay madaxda ka tahay Dr. Xaawo Adan, anigoo u
rajeeynaya - G U U L.
A.O.Dirie
|
|
Wixii
Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray,
Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka.
Mahadsanid |
XusuusNoow: Aragtida Ku jirta qoraalka kore
waa mid ugaar ah qoraaga soo qoray, sinaba looguma fasiran
karo inay tahay ama ay la wadaagto ama u taagan Aragtida
qorayaasha AllPuntland.com. Mahadsanid |
| Ku
Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo
Bogga Hore AllPuntland |
Copyright © 2000-2001 by
allPuntland.com.
All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited
|
|