|
Walaalayaal waa wada salaamantihiin, anoo
salaantaasi sii raacinahayo amaan iyo boogaadin oo aan u soo jeedinahayo
warbaahinta xorta ahi oo sida sharafta leh u soo gudbiso aragtida iyo
fikradaha kala duwan.
Intaa ka dib, waxaad mooda in qoraalkeygu
FIDNADA, DULMIGA IYO GARDARRADA LALA DULJOOGO BEESHA MUDDULOOD ay aragti
kala duwan ka soo baxayn, haseyeeshee waxaa muuqato in gebi
ahaantood ay hal meel isugu biya shubanayaan.
Walaalayaal, anigu guud ahaan ayaan u hadlay,
anoo run ahaantii isku dayay in qoraalkeygu uu noqdaa mid tiigsanahayo
taariikhda, dhaqanka iyo siyaasada, balse waxaan aragnaa in qaar ka
tirsan akhristayaasha sharafta leh, aysan marnaba ogoleen in beesha
Muddullod iyo beelaha kale ay deeganka wadaagaan u doodaan xaqooda
iyo xuquuqdooda.
Walaalayaal, taarikhdu waa mid
aan la dafirin karin, dhaqanku waa mid inaga wada dhexeeya, siyaasaduna
waa mid aan ku kala duwanaan karno.
Cidaha Soomaaliyeed guud ahaan, waan
wada salaameynaa,sharf bay inaga mudanyihiin,haqdhowr bay inaga
mudanyihiin,qaddirin bay inaga mudanyihiin,midda aynu leenahay waxaa
weeye walaalayaal, nabadda iyo ammanka, isqadarinta iyo ismaqalka aynu
ka wada shaqeyno, aynu raadino sida aan kusoo celin laheyn sharaftii,
karaamadii iyo haybadii uu Qaranku lahaa.
Waxaanu aaminsanahay sida ay badi soomaalida
inala qabto in qaabka maanta ugu wanaagsan oo aanu Dowlad Qaran ku
dhisan karno uu yahay in marka hore la soo habeeyo maamulada Tuulooyinka,
Degmooyinka, Gobollada taasi ay u xil saarantahay dadka Soomaaliyeed ee
deeganaka u dhashay, ka dib aynu isugu nimaadno midda Qaranka.
Walaalayaal, maamulka Banaadir maaha in uu
tirakoob ku sameynahayo dadka ku nool magaalada Muqdisha, uu oranayo war
adigu halkaan baad ku dhalatayee joog ee
xukun, adiguna halkaan kuma aad dhalaninee isaga tag ama halaguugu
xukumo, arintu saa maaha, Maamulka Banaadir kuma ay jirto, kama
suurtowdo siyaasadiisuna mahaa noqona meyso in uu ficillo raqiis ahi uu
adeegsado, Maamulka cid uu ugu heybeysanahayo majirto in uu Caasimada
sharci iyo nidaam quman uu ku hogaamiyo, in uu dhowro lana dhowro xaqqa
iyo xuquuqda uu muwaadinka Soomaaliyeed leeyahay ee ku nool Caasimada, in
shaqsi kastoo Soomaaliyeed, haddaba waa balan, oo ka qaxay Caasimada
dagaalada sokeeye awgeed uu helaa hantidii maguurtada ahayd(waa guryihii,
waa beerahii, waa dhulkii, iwm.) uu xaqqa u lahaa.
Walaalayaal salaan wacan.
ILLAAHAY Towfiiqda ha ina waafijiyo.
Dott. Abuukar Nuur Xuseyn.
Wixii
Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo
gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka
eeg bilowga qoraalka.
|
AllPuntland Mas'uul
kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo
ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta
Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid
|
Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo
dir fikir@allpuntland.com
,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland:
Akhristaha |
|
|