Bismillaahi-Raxmaani-Raxiimi,
08/05/02
Maanta oo ay taariikhdu tahay 8/05/02, waa maalin xasuus iyo qadarin badan
u leh ummadda reer puntland,dalka gudihiisa, iyo dibada meelkasta ha
joogeene.Waxaan internetka allpuntland iyo mudugonline, mahadi ha ka
gaartee noo soo baahiyeen Mudane Cabdullaahi Yusuf iyo dawladiisii inay
dalkii ka saareen nimankii umadda is horkeenay ee caada qaatayaasha ahaa
una shaqaynayey Kooxda Burcadda ah ee Carta iyo Dawlado ku sheegga Jabuuti,
Eeritereeya, Liibiya, iyo Masar, oo intuba liddi ku ah jiritaanka Reer
Puntland. Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in puntland dawladeedii mar
labaad xasillooni ku soo noqotay, taas oo ah khibrad weyn ee lagu
baraarugay wixii dhibaatooyin lala damacsanaa oo Illaahood Ummaddii ka
badbaadiyey markay aamineen Madaxweynahooda Cabdulaahi Yuusuf ee asagu
xornimada dadkiisa u soo halgamahayey laga soo bilaabo 1978kii illaa
maanta oo uu u soo hooyey guushii ugu weynayd ee ah mid la taaban karo, oo
mustaqbilkoodana u wacan, isla markaasna ah midda kaliya ee lagu gaari
karo barwaaqo loo siman yahay, xoriyad , madax bannaani ay aayahooda uga
tashadaan inta burcaddu Xamar qasayso. Anigu indhaweydba waxaan aad uga
murugaysnaa sidii Kooxdii Carta iyo kaba sidayaasheedu ay u dageen
dawladii Cabdullaahi Yusuf oo asagu ah halgamaa muddo dheer halgan ugu soo
jirey sidii uu Ummadda uga badbaadin lahaa kibirka iyo aabiga shisheeyaha,
caadaqaatayaasha iyo digtatoorrada Soomaaliya qarribay.
Arrintaas waxaan kaga hadlay oo taariikh ah maansooyinkayga aan ummada ugu
kaydiyey mudugonline qaybta gabayada xulka ah. Waxaa ugu damabeeyey
gabayga magaciisu yahay Sugaal, ee soo baxay 7dii April,2002kii kaasoo
reer Puntland aan ku tusaaleeyey dhitaada Muqdisho taalla oo aan waligeed
ka dhammaanaynin iyo in punland looga dhawaaqo dawlad iskeeda u tashata ee
aan Burcaddu meelo kale xukumin sababtoo ah haddii daacad la doonahayo
puntland baa maanta madaxnimada Soomaaliya leh haddii la diidana waa
xaqiraad cad ee la garan karo, marka miyay qumman tahay inay burcadda iyo
gumeystaha Xamar iyo Hargeysa usu dhibaan sidii daa'imo, Maya!
Haddaba Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: Wixii rag u kaco, Rabbina aqbalo
waa rumoobaan. Taas waxaan ka tixraaci karaa halgan xaqa ah ee ay
xukuumada Cabdullaahi Yusuf u gashay badbaadinta reer puntland.
Haddii sidaas Alle mahadiisa lagu guulaystay oo laga gacan sarreeyey
Kooxihii Diinteenna sida beenta ah ugu ugaarsaday ee ahaa Al-Itaxaadka iwm,
Reer Puntland waxaa la gudboon hadda kadib:Anoo xasuusinaya :- Many cooks
spoil the soup.(cunto kariyayaal badani maraqa ayey xumeeyaan):Sidaas
awgeed wax wanaagsan mar dambe inaan lagu khaldamin arrimaha soo socda wax
wanaagsan la moodin sidii xag-jirradu ay ugu khaldameen markay
dawladii puntland maja xaabiyeen kadib markii loo soo kiraystay sidaan
weeyaan qodobada muhiimka ah:
1.In mar dambe aysan dadku isku dayin inay dumiyaan dawladdooda oo
ay dadkoodana shisheeye ka iibsadaan.
2.In Isimadu aysan mar dambe madaxweyne dooran waayo waxaa doorta
shacabka oo dhan( General election)>
3.In basaasiinta shisheeyuhu aysan waddaniga wanaagsan ku dhex dhuuman mar
dambe haddii ay dhacdana aysan ku baxsan qabiil magaciisa.
4. Inuusan madaxweyne isu sharrixin nin aan ahayn halgamaa khibrad
wata, ee dadlka iyo dadkaba daacad u ah.
5.In aan caado qaate waa dambe puntland isugu sharrixin madaxweyne,
asagoo la ogyahay wuxuu yahay.
6. Inta dawlada puntaland ay ka kobcayso tobaneeyo sano inaan
lagu deg degin doorasho madaxwene, waayo wali waa dalandel, dhaqaaluhuna
wali waa bis.
7. Cabdulaahi in la siiyo wakhti ku filan ee uu dawladda ku hoggaamiyo
taariikhdana dhan ugu jaheeyo, taasoo ay aniga ila tahay ugu yaraan toban
san iyo dheeri, maxaa yeelay wali soo ma bixin nin u dhigma.
8. In marka hore reer puntland waxbarto, dhaqaalaha dhiso, dalkana
aamino iyo Diintooda, Xamar iyo Hargeysana la iska illoobo illaa ay
daacadnimo ku raadiyaan midowga Soomaalida, Maxaa yeelay labadaas beelood
waxay maanta la tahay inay reer puntland qabyaalada ku xukumi karaan,
marka sow habboona in laga tashado?
Sidaasiyo Akhris wacan.
Aaden Dirie Ali