 |
XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo
fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo
bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland
waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta sidaas darteed
looma macnaysan karo inay ka turjumayso aragtida
AllPuntland . Mahadsanid |
|

|
Baaq Nabadeed
oo loo Jeedinayo Puntland. |
[ AllPuntland Opinion/Fikradaha ] |
Bismillaahi El-raxmaan
El-raxiim
Baaq
ku wajahan:
Isimmada,
Siyaasiyiinta.
Aqoonyahannada
Saraakiisha ciidamada
Culimaa’uddiinka
Ganacsatada, Haweenka
iyo
Dhallinyarada Puntland
---------------
Ka:
Jaaliyadaha Beelaha Jubbaland,
Soomali Galbeed, iyo tan
Dawlad Goboleedka Puntland, ee W/Ameerika.
Waxay ku baaqayaan:
-
Puntland oo Mid ah, Nabad ah,
Sugeysana Soomaalia oo Nabad ah.
-
Inuu yahay muqaddas jiritaanka
Puntland. Puntland waa astaan ay ku soo hirtaan
dad badan oo wada dhashay. Jiritaanka
Puntlandna waa jiritaanka dadkaas.
-
In dadka Puntland noqdaan kuwo ka
xishooda cawaaqib xumada taariikhda, ayna
dhaxalsiiyaan ubadkooda aayo gobannimo leh.
-
In beeshu dareento in jiritaanka
Puntland uu isu dheellitirayo xoogagga
siyasadeed ee Somalia, uuna sahlayo xallinta
dhibaatada maanta taagan.
-
In colaadda sokeeye waa qaran jabe,
aan loo horseedin burbur iyo kala jab ku dhaca
dadka wada dhashay ee xilligan adag ay badbaado
iyo aaya-ka-wada-tashigu is baday.
-
In uusan dagaal xal ahayn lagana
faa’iideysto waaya aragnimada taariikhdii aan
soo marnay 12 kii sano ee tegey, iyo tan adduun
weynuhu soo marayba.
-
In danta guud ee dadka iyo dalku ay
mudnaanta ka leedahay danta shakhsiga.
-
In mas’uuliyiinta dhinacyada is
hayaa hilmaamaan xurgufaha dhexdooda ah.
GUNAANAD
-
Isimada beeshani rukun
aasaasi ah ayey u ahaayeen abaabulka iyo
dhismaha Puntland. Haddaba, waxaanu ka
codsanaynaa inay kulan deg deg ah isugu
yimaadaan, khilaafka jirana ay u helaan xal deg
deg ah iyagoo u wada jira lana kaashanaya wax
gararadka iyo inta nabadda jecel.
-
Siyaasiyiinta waxaanu
leenahay mudnaanta siiya danta guud ee dadka.
U jeexa shacbigiina khad ay horumar ku gaaraan,
oo ka cirib tira jahliga, gaajada iyo cudurka.
.
-
Wax garadka oo dhan, rag, haween,
waayeel iyo dhallinyaro, ama guud ahaan shacbiga
wada dhashay waxaanu leenahay ka digtoonaada
dabinka laydiin dhigay. Iskana jira ciddii aan
dantiina wadin. Noqda kuwo iyagu aayahooda ka
taliya oo aragti dheer.
MAHAD CELIN GAAR AH;
WAXAANU SI GAAR AH UGU MAHAD
CELINEYNAA GABDHAHA
GARASHADA DHEER EE IYAGU ISU XILSAARAY XAALLINTA
KHILAAFKA MAANTA INA DHAXALSIIYEY WALWELKA IYO
WALAACA.
Alle ha inagu anfaco aayadahan
Quraanka ah ee macnahoodu yahay:
“Qolana Alle ma dulleeyo
inay iyagu is dulleeyaan mooyee”.
Wuxuu kaloo eebe yiri:
“Haddii aad galladda ALLE uga mahad celisaan, waan idiin
kordhinayaa, haddaad ku kufridaanse ciqaabkaygu
waa mid daran”, taasoo uu RABBI ka digayo ciqaab labada daarood ah.
GUUL AYAANU IDIIN RAJAYNAYNAA.
Wixii su’aal, faallo ama talo
soo jeedin ah, fadlan kala soo xiriira
Assad Suldaan Mohamoud
Suldaan Haybe
amhaybe@yahoo.com
|
|
Wixii
Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray,
Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka.
Mahadsanid |
XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo
fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo
bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland
waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid |
| Ku
Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo
Bogga Hore AllPuntland |
Copyright © 2000-2001 by
allPuntland.com.
All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited
|
|