DHACDOOYINKII
DHIBKA LAHAA OO DHAN WAA LOO DHIDBA SIIBAY |
Taariikda
waxey na bartay in dhacdo-kastaba dhibaato leh laga
dhiidhiyay markii dhibaatooyinkooda bateen sida duudsiga, dulmiga ,
adoonsiga , cadaadiska, gumeysiga iyo wixii la hal-maal, oo waxaa taa
daliil inoogu filan qabqabtii iyo kabashkabshtii boqortooyadii Rome .
EEBBENA nagu wargaliayay quraanka kariimka ah "QULIBATI
RUUM''inlagu cibaaro qaato oo aan dulmiga aan waxba laga dheefayn
lana iskaga danbeeyo.
Dabcan
taariikda tusaalooyin badan ayeey leedahay oo Rome waxaa dulmigii guracana
ka gilgishay Spartacus . Howard fast's oo qoray buuga uu ugu
magac-daray Spartacus(1951) waxuu buugaas ku soo gunaanaday qormooyinkan
" And so long as men labored, and other men took and used the
fruits of those labored , and the name of spartacus would be remmember ,
whispered some times and shouted loud and clear at other times"
Bariga
afrikana waxaa yimid Arab iyo Persians kana kana ganacsaday fool-marood,
hargaha, iyo adoonsiga oo waxaa la yiraahdaa carabta iyo iraaniyiinttii
waxey dhulka bariga afriko ku fidiyeen doonyo iyo masjidyo laakinse
markii danbe waxey fidiyeen dhibkii adoonsiga iyo canshuur qaadida
. qofba waxbaa la tusaaye soo boqortooyadii bortaqiiska
damac-hunguri magalin soona kanooni lama dhacin magaaladii
marka . qarniba qarni kuu dhib oo qarnigii adoonsiga waxaa ka danbeeyay
kii gumeysiga ee qaybiyay qaarada afrika 1885 oo wailba Soomaalida sida
guracan loo waabeeyay.
1960
Dabaylihii xuriyada soo afrika oo dhan ma saamayn oo 1960 la iskama
tuurin heeryadii gumeysiga taana waxaa badashay diktaatooriyadii qaabka
darnayd iyadana waa la iskaga daba-yimid . maxaase ka danbeeyay?
waxaa
maanta Soomaaliya ka jirana waxey raad-raacidoonta taariikha aan soo
xusay iyo burcadnimada udbaha loo siibi-doono oo dhacdooyunka sinaba
kuma nagaadaan intuu duudsiga ka jiro Soomaaliyana waa lama huran inuu
isbadal dhaco
|
Wixii
Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa
iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid
|
XusuusNoow:
AllPuntland
wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu
kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta
AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid |
Kulaabo
Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |
Copyright
© 2000-2001 by AllPuntland.com.
All
rights reserved.
|