Qaab darada
Qoriga !!!!!! |
Mar
hadda laga joogo lix bilood ayeey maskaxdayda ku gaagaxatay waxa
na dhibay haddaanu nahay Soomaali oo ah qoriga na naafeeyay
loona kasbiyay masiibo taxani ah sida kumanaanka ubad ee
agoomoobay ,dumarkana weer cad loo xiray ,baada
baahday ,noolasha qiimo -beeshay, qafaalka iyo boobka mur-qaawanka ah
oo loo aaneeyo inuuqoriga keenay, oo aan marnaba loo xiribo
taageyn oo waxaa macquul ah qoriga iskiis
ma
dhaco ee dadbaa far wax ku gujiya manala doono in
fal-xumada la qaato.
Markii
ugu horaysay aan qori arkey waxaa laga jooga dhowr iyo sooddan sano
markaas anoo hooyadeey uu raacay xabsi uu abtigay markaas ku xirnaa oo
sitimaankiiba mar qura ayaa loo ogolaa in raashinka dibada laga keeno
marka raashinka la keenana waa la baaraa oo marar qaarkood waxaa
laguqu qasbaa inaad dhadhamisid oo aniga waxaan xasuustaa markaanu
tagnay irida hore ee xabsiga inaan arkey nin qori cabeesan oo baynaad
leh gaarna ah markaan arkayna cabsi ayaan la jareeyay oo waxaan niyada
ka iri ala yaa meesha kaa kaxeeyo markaas garwaaqsaday qaab-darrada
qoriga .
Dabayaaqadii
1978kiina waxaan nasiib uu yeeshay inaan qori gacanta ku dhigo
iyadoo markaas aheyd tababar aan markaas aan xalane aan ugu jiray ,in
badana aan ku gaardiyay qori aan xabad lahayn iyo layliskii
sanbaloollshe.
Dabcan
marxalada Soomaaliya maanta ka jirtaa ka duwan tii hore oo waxaa
qoriga lagu arkaa meelkasto waxaan ka ahayn masaajid ha
noqoto rugta-ganacsi, baabuur magaalooyinka isaga dhex-goosha,
xerooyinka samafalka, biibitooyinka, shaneemooyinka hortooda,
dariiqayada , hooteelada, bushashka qaadka iyo meelo kale.
Qoriga
dhibkiisu ma yaro mana aha wax la soo kobi-karo , qatartiisana
waa mid waa midaan la iska daga tiri-karin oo qorikasto la sito
qudhbaa baxdo
|
Wixii
Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa
iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid
|
XusuusNoow:
AllPuntland
wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu
kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta
AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid |
Kulaabo
Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |
Copyright
© 2000-2001 by allPuntland.com.
All
rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited
|