Dabcan
Soomaalidu dhalaankooda dhagaha ugu sheegaan sheekooyin salal leh,
kutiri-kuteena ah sida dhag-dheer oo mindi daabad lehna sidato.
wixii dhalaanimo na lagu sheegay ayaad waxaad mooda inay dhaboowday oo
maanta Soomaaliya waxaa ka dilaacday waraabo-dadow badan oo
maalinkastaba wax dhooxo.
Haddaba
waa kuwee dad-qalatada cusub? dad-qalatada cusub waa kuwa afcaashooda si
bareer ah noogu muuqato waana kuwo dhagar xanbaarsan oo
walina dhibka dalka ka wada , waa kuwii kal hore dooxay Cawil,
Abyan, Elman , Talan, iyo inta ubad ku agoomoobay Soomaaliya.
Liiska
dad-qalatada waa mid dheer oo taxane ah, magacyo badan huwan sida
Ganacsade, afahayeen, qab-qable, madaxweyne, la taliye, kitaab-gaab,
dalaale, daba-qalooc, garaashle, daroogale, buushle, ku meel gaare,
codeeye, ansixiye, xil-dhibaan, gori-gade, hay'ad keene, af-duube,
maryo-calas, baad-qaate, jid-gooye, qabiil-quute, shisheeye dawarsade,
buun-buuniye wariye , shaki-beere, aqoon-dumiye, web-waabeye, caydh wax
ku alhuumeeye, beel-beeleeye, been-abuure, darajaale, dacareeye,
dabo-tukube, danlaawe, dib-jire, lagu daneeste, dirire, dab-shide,
mooryaaneste, bililqayste, qashin-qube, xaalufeeste, gomo-gooste,
waxkaskasto anaa leh, kala -dhantaale, dira-diraale, danayste, u qayile,
qowsaare, boobe, dhalan-roge, heeryo-cune, dhalo-siiste, iyo inta is
qariska ah.
waxaana
dhab ah in liiskaas in dad badan oo Soomaali ah ka turjumayo iyo sida
xilkas darida ah dalkoodi u dumiyeen walina lagu dhago -adag yahay inaan
marnaba la heshiin waayo shirkasto la qabto waxaa horboodayo damaca
liiska dheer aan dhamaadka la heyn.
Geel
labo jir soo wada mar dhalaankasto Soomaali ahna waxyaabi lagu
cabsiin-jiray ma ahayn ula-kac oo ujeeda waxay ahayd in daarada
aqalkooda dhaafin kuna habaabin meel cidla ah , maantase dhalaankeenu
uma baahno wax lagu salalo oo kutiri-kuteen oo waxaa sida dharaarta ugu
muuqato dad-qalatada cusub oo ehelkooda maalinkasto fagaarha ku dhooxato.
|
Wixii
Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa
iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid
|
XusuusNoow:
AllPuntland
wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu
kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta
AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid |
Kulaabo
Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |
Copyright
© 2000-2002 by AllPuntland.com.
All
rights reserved.
|