Yaa diidan
dowladnimo yaase doonayo? |
Dhabtii
waa labo su'aalood oo maskaxda daalinaayo misana dhabano qabsi-leh
inta fajacdayna noqotay cadad aan la koobi-karin , oo Soomaalida wali
waxey ka dhursugayaan dowlad dhalato ila haddana lama hayo waxaan
ka ahayn dowladaha dhalanteedka ah dadka iyo dalkaba kala qaybiyay .
dhabtiina waxaa lagu anfariirsanyahay laguna salalsanyahay sida
wadaninimadii loo marin-habaabiyay waana ka yaabantahay oo waa haddii
miyir qabtid maskaxdaaduna caafimaad leedahay oo aan lagu sumayn
tashwiishyada dano noockastabo ha ahaato, qabiil iyo abtiriskiisa,
damac-hunguri, dano-shisheeye, hanqaltaag siyaasadeed, qowleesatinimo
iyo falaaganimo bareer ah oo lagu diidanyahay dowladnimo dawigii lagu
gaari lahaa.
Dowladnimo
yaa diidan? waxaa diidan kuwa Soomaaliya ka dhigay Palmero iyo Bogota
oo maalinkastaba ka macaasho dhibka ummadda Soomaaliyeed diidana
dowlad dhalato waxayna maciinsadeen qalanqal iyo qalalaaso, kuwa
dowladnimo diidan waa kuwa ku caanbaxay inay qafaasheen qarankii
dhamaa ku ibtileeyeen burcadnimo, afduub, daroogo, qaad, qandaraas
dhismo, adoonsi, been abuur lacageed, qoryo iibis, baryo carbeed, dhac
hanti-qarameed, booli-xalaalayse, iyo bareer bara-kicin ah.
Dowladnimo
yaase doonayo? waxaa doonayo oo raad-raacayo inta qurbaha ku aguugamay
ee garanayo halka xuduntoodii ku aasanthay ee laga soo bara-kiciyay
dalkoodi , inta dalka ku qafaalan ee qoriga baas lala hortaaganyahay,
dumarka iyo caruurta saboolsan ee mustaqbalkoodi cirka lagu shareeray,
waayeelka lagu caasiyay ee waxba laga dhaxlin, ugaarta la didiyay ku
dayoowsan dalalka jaarka ah, dhirta si naxariis darrada loo xaalufiyay,
badda sumaysan iyo dhulka laga dhigay qanshin-qub meela kale ka yimid.
Danbiilayaasha
dhagaraysan ee xad-gudubka ku hayo dadkooda iyo dalkooda waa in la
horkeena oo ayna miisaanto gafkooda Carla de ponte oo ciqaabto
burcadyada ku xad-gudbo xuquuqda aadamaha inay Soomaalidu farta ku
gudaan danbiilayaasha qaran-diidka ah ee burcadnimo maciinsaday.
Waxaa
dunida oo dhan waayadan waxey hadal-hayaan in Soomaaliya noqoto karto majliska
argagaxisada caalimiga ah ee baadi-goobta, amse dago dalalka dowlaha
aan ka jirin sida dalkeena hase ahaate waxaa dunida ka dahsoon
burcadnimo 11 jirsatay ee la camal ah argagaxisinima .
waxaan
aniga iga yaabiyay markii aan arkay Dkm damaceeda siyaasadeed ,
doonaysana inay burcad wax la qaybsato. burcadaasna waana kuwa
hadd iyo jeerba cadow ku ah ummadda Soomaaliyeed mana doonayaan in
xal-waaro laga gaaro qadyada Soomaaliya waxeyna dantoodu tahay fowdo
dheeraysi iyo burcadnimo.
Dabcan
nasiib xumada Soomaalida waxaa ka mid ah in xitaa waxgaradkii,
wadaadkii, cuqaashii, qorayaashii iyo abwaanadii inay iska indha
tiraan qaabkay burcadnimada isku habeenow-hilaacsiisay.
|
Wixii
Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa
iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid
|
XusuusNoow:
AllPuntland
wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu
kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta
AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid |
Kulaabo
Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |
Copyright
© 2000-2001 by allPuntland.com.
All
rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited
|