Waxaa
haatan lagu raja qabaa in shirka keenya inuu noqdo mid
waxtar leh iyo in Soomaalidu hanato haybadeedii qaranimo oo in mudo
ahba hawaawi aheyd iyo in la dhiso qaran loo wada dhan yahay lagu
dadaalo sidii ummadda Soomaaliyeed oo midaysan
qarankoodii uu dhisan lahaayeen lana soo afjaro colaada iyo is
qab-qabsiga siyaasadeed iyo xal-waaro loo helo mushkilada Soomaaliya ka
taagan.
Dabcan
Aniga waxaa aaminsanaa in badan in siyaasada soomaaliya
sinbiriirixsanayd seexashana lagu jiray iyo sifihii sicii dibiga dhalay
oo inta shir soomaalida loo qabtay mid miro dhaliyay ma jiro oo
wada ogsoonahay kii carta oo wali gurguurad ah amase fadhi ku raag ah.
Madasha
keenya lagu qabanayo ma ka duwanaan doonaa kuwii ka horeeyay oo mid
walba fashilmay oo kooxba koox eeda dusha ka saartay iyo kharajkii
Carabta, UN iyo IGAD hoteelada lagu cuno.
Run
ahaantii shirka keenya waxaa mooda inuu ka sahlanaan doona kuwii hore oo
dalaal badan ayaa haatan daneeyo arrimaha Soomaaliya sida dawalada
Maraykanka,Ingiriska, Talyaaniga, Igad iyo UN.
Soomaalidu
waxey haatan ku qasban yihin oo cadaadis ayaa saaran iyo in laga daalay
caga jiidka siyaasadeed iyo marxalda adduunka is badalay wixii ka
danbeey september 11 oo laga baqayo in Soomaaliya noqto hooyga
mitidyada timo-weynta.
Shirka
keenyana waxuu noqon karaa shirarkii Soomaaliya soo maray midkii ugu
qalafsan iyadoo aan la iska indha tiri karin waxyaabahan soo socdo oo
kale ah :-
-
Kooxda
carta oo doonayo inay madasha yimaadaan ayagoo sheegano dawladnimo
kuna eedeenayo Itoobiyo inay SSRC dabada kasoo riixayso.
-
Kooxda
ssrc labo qaybood ah kooxna way falaagoobeen sida Caato iyo
mowlid macaane kooxna waa mitid sida Xuseen caydiid iyo asxaabtiisa .
-
Buntlaand
oo labo ukala dhantaalsan iyo labada korneyl ee kuleetiga is haysato
iyo ruwaayada ka socto buntilaand iyo wixii ku dhacay isku
duubanaasishii lagu yaqin reer Buntland.
-
Soomaaliland
oo madasha aan xaadir ka ahayn iyo kooxda carta ku tilmaamo
dalka dagan gomogosato huriyana colaad la mid ah tii Kismaayo iyo tii
Bardheere.
-
Kooxda
xamar ee markastaba hardamo oo ukala qaybsan dhowr.
Haddba
waxaa yaab ah qodobada aan sheegay oo shanta ah intay jiraan
siyaasada Soomaaliya wey murkacanaysa mana sal-dhigi doonto oo waa
sidii hore iyo sinbiriirax .
Waxaa
kaliya laga gudbi karaa marxaladan marka danta guud loo tafo xeyto
lana hilmaamo koox-kooxsigii alifna laga soo bilaabo sidii qaranimada
dib lagu soo hanto.