 |
XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo
fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo
bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland
waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta sidaas darteed
looma macnaysan karo inay ka turjumayso aragtida
AllPuntland . Mahadsanid |
|

|
Yaa xukuma
Puntland, Somaliland iyo Xamarland |
[ AllPuntland Opinion/Fikradaha ] |
Qarannimadu waa sida markab weyn oo raran,
caaddanaka jooga dad, duunyo, iyo maal noocyadiis.
Dadka saaran qaar ayaa markabka ku nool haba kala
badsadeene, qaarna markabka ayaa ku nool
xooggooda, aqoontooda iyo xoolahooda haba kala
badsadee, la'aantoodna aan socon karin sida kuwa
uu u raran yahay, kuwa wada, kuwa ilaaliya, iyo
kuwa hagaajiya hadduu xumaado.
Qaranimadii Somalia kolkey burburtay, nabad galyo
la'aan awgeed ayaa qof walba wajiga saaray
degaankuu is lahaa waxaa dega dad aad abtirsiiye
wadaagtaan oo laga yaabo in aad dhexdooda ammaan
ku heshid. Deegaannadii waa hore caasumadda looga
guuray oo guryo-balool laga qaxay soddon sano
ahaa, ayaa dib loogu soo qaxay. Ha yeeshee, dadka
soo laabtay iyo kuwa qurbaha uga soo hiilliyey
waxay ku soo biiriyeen deegaannadaas aqoon, iyo
ilbaxnimo dheeraad ah.
Aqoontaas iyo waaya-aragnimadaasna waxaa loo
jaheeyey nabad ku wada noolaasho, ismaamul iyo
horumarinta bulshada. Taas waxay dhalisay in ay
degaan walba si dadban uga muuqatay kaalinta
dadkeedu uga jiray markabka qarannimada.
Kuwii dawladnimada ku noolaa deegaannadoodu aad
ayey uga dambeeyaan xagga horumarka, ammaanka iyo
ismaamulka kuwii qarannimadu ku socotay oo cagaha
iyo maskaxda u ahaa.
Deegaannada ammaanan oo Somaliland caaradkooda
tahay, waxaa ku jira Puntland. Libintaasna Eeeba
ka sokoy waxaa soo hooyey guud ahaan shacabka
degaannadaas, gaar ahaan rag iyo dumar la soo
ciidmay waaya-aragnimo, aqoon iyo xirfado kala
duwan. Naacaw caafimaad, yididiilo horumar, iyo
reynrayn xornimo hor leh ayaa saamaysay
goballadaa. Abuurkii lun-cadkana dubte
curdankiisii, iyo dhabannacstiisii, xilligeedana
rajey weyn ayey ka qabaan in ay goostaan oo ka
haqab beelean miraha dadaalkooda.
Xamarland
Awood dhaqaale,
ciidan, iyo shirar nabadeyn adduunku waa kala
quustay inay nabad waarta iyo maamul ka dhaliyaan
Xamar. Ugu dambeyn sidii qori iyo qiiciis ayaa la
isla tuuray. Haddana heer ayey gaareen rajada kali
ah oo ay qabaan tahay in America soo weerarto bal
iney lufluf ka helaan ciidamada ajnabiga ah iyo in
ay ganacsadaan birta gantaallada lagu soo ganayo
ku jirta. Ma qabo dagaal oogayaasha oo kali ahu in
ay nabadda iyo kala dambeynta ka soo horjeedaan.
Hal gacan faraheed rag lagu tirin karo ummad dhan
oo dhigeysan ma maquunin karaan. Baroortu orgiga
ka weyn! Waa dadka degaanka kuwa nabadda diiddani,
waa dad badan, badan oo badan, rag iyo dumar leh,
yuug iyo wamaayuug, waxaana ka mid ah:
-
Wiilasha hubeysan
oo ku waayey degaalka sokeeye aabbayaashood,
hooyooyinkood, walaalahood, xididkood,
xigaalkood, dariskood iyo saaxibbadood. Dekano
galay, dhagaroobey, eedoobey, ceeboobey. Dhiigga
uriyey, dabadeedna uu qooyey, nin qoyanna biya
iskama dhawree, sii bahaloobey, sii ugaaroobey,
kana dhaga waraaboobey, waanada aadanaha dayoo,
tan damiirkoodu leeyahay, "War sidaan si maahee,
wax iskula hara!"
-
Waa kuwa hubeysan
oo hoy la'aanta darbida la jiifa, qaaqlaha
subeehiga jirda-go'an ah, xayraanka xiiraya oo
shaqada la', nacayb iyo xaasidnimo ka meel
waayeen oo cid ay u naxayaan iyo wax ka lumaya
ayan jirin haddii cirku soo dumo. Qorigoodana
qasriyo samada uga dhista markey wax liqaan.
-
Waa curyaannada
qoryahu u cabbeysan yihiin oo maxaa ii dhawsanta
haya, walina aan fahmin qadiyad waafi ah oo ay
addimmadoodii uga samraan. Caanana aan u kabban
inay curyaamiyaan, ciddey maalintaa qadadeeda ka
helayaan.
-
Waa hooyooyinka
gablamay, carruurtoodii waayey, baroortii ka
idlaatay, xididdada ilmadu qallaleen, ciil iyo
caro darteedna jaadka iyo daroogada ku hurgufa
abkey dhiig yacab qori iyo rasaas haysta.
-
Waa hantiilayaasha
xubeerada ahaa oo kala shubaya hanti ay dhaceen
ama ku habsadeen. Iska daba keenaya lacag
shucays ah oo ummadda lagu dhaco. Ciddii
diiddana, ku dalbada waardiyahooda.
Intaa iyo kuwa kaloo jira oo ayan dan u ahayn
dawladnimo, garsoor iyo xasilooni ayaa dagaal
oogayaasha xukuma. Dagaal oogayaashu waa ku
khasban yihiin in ay hor boodaan rabitaanka
kooxahaas, magac iyo culays siyaasadeed oo maqaar
saar ahna u wadaan, hadii kale garabkoodey ka
baxayaan hubkana waa kala dareerayaan, carra qaa
quud ee ha la qarafsado. Dhabta iyo dhaqanka Xamar
ka jira hadba cid ayaa ku soo biirta. Wiil jiilaal
dhashay waa reerkooda wax la qabee, dawladda
Carte, dadkeedey dhinac ka raacday. Dhaqaalahuna
waxuu u saamaxay in ay qortaan jirridii ugu hub,
dekano iyo dambi badneyd si ay u cabburiyaan
dagaal oogaayaasha kale. Sannad iyo hodhodo ka
dibna, huteelley go'doon ku yihiin, dibadda kuma
soo kaadshi karaan.
Puntland
Heerkaa Xamar iyo mid
u dhow Puntland ma gaarin. Haddiise ay tii Rabbi
noqoto, oo hubka Godey iyo Ceel Macaan laga soo
daabbulayo Puntland goob lagu tijaabiyo noqoto,
faraha ayey ka baxaysaa, waxaana xukumi doona
kooxo kuwa Xamar labaya oo kale ah. Islaantii
Maamma Puntland ahayd wali kama bixin. Waa
dhaqmaad, waa dhaleysaa. Waxayna dhali doontaa
wiilal dhaadheer, gaagaaban, cadcad, madmadow oo
muddo yar dagaaloogayaal Rabbi iyo Islaamba
kadeecay oo hoosta ka xarriiqan u xuub siibta.
Puntland hadda cidi ma xukunto, waa baylah. Waa
hadimmo aan xeradu tabin. Waa baadi aan la
deydayin, kii lahaana laba lugood isu daba dhigin
ayadoo u muuqata. Waa baantoy la eryey oo cidla
geesaweyn, waa jawharad luntay oo gorofsan xero
laga guuray. Kii lahaa nacay, kii rabeyna diiday,
kii qaadayna dhigay, kii liqayna tufay, akhas
calyek! Waxaa isku haysta oo i jiid aan ku
jiideeda haya, islaweyn faaruq ah, isuqabe an loo
qabin, siyaasi jeelkii kacaanka lagu maray,
kharfay oo darooriyey. Aqoonyahayan shihaado meel
suran ah, waligiis aan adeegsan waxuu bartay,
shihaadiisu wax ka cunsiiso shirarka iyo
Alle-bariyada. Isimmo siyaasadda gabbal-dayaha ku
dacfaray, colaad iyo nabadna iisaga gedmeen. Intaa
waxaa u dheer haraagii kacaanka oo durbaanno ku
gaardiyaye, ganacsato aad mooddid in ayan dalka u
dhalan iyo daraawiish beer ku xaraysan oo
jaadkooda loo dhigo sida xoolihii, mu'ayid iyo
mucaarad midna noqon weydey, nabadda iyo
colaadduna ayan ku hayn qabow iyo kuleyl toona,
iska raamsanaya, bal adigu amar si dheh! Labada
ugu dambeysana waa wadaaddo qibladii loo tukan
lahaa ku heshiin waayey oo laba labo lid isugu
ah, dheereyste, gaabsade; xiire, la baxe; xire,
fure, cabbe, san-qabsade; arke, seexde; taage,
salaame; iyo ugu dambeyn Dagaaloogayaal yaryar
oo shabakadda internetka dufeysyo ku yaal ka
dhaarta.
Ayaan darro si dheh! Intaasoo habar dugaag isla ah
iyo kuwa u kala hiillayow, anigoo og, guubaabo iyo
hees in ayan kicin ummad dareenkeedii tii Alle u
timid oo laysku duway, ogna in waano abuuris ka
horreysy, isla markaasna og tii Miidaamo ahayd in
aan dhagaha loo daweyn oo ayan maqli karin
dhawaaqa malagga fiinta yeyreysa, bal aan
iraahdo, "Waar yaadhahee, waa bal suga! Saad wax
leedihiin? Waar yaadhahee:
-
War yaarahee, see
wax idinka yihiin? Ku fariisadka, hadda
ma ahan qaadashada iyo lahaanshaha, hal kursi oo
qur ah, qalalaase ha uga dhex aloosina walaalaha
is raba oo abtirsiga iyo darisnimadu ku
dhexayso.
-
War yaarahee, see
wax idinka yihiin? Degaankan ha ka
curinina ismaqal iyo kala dambayn la'aan. Dagaal
wiil ayaa ku dhintee wiil kuma dhasho, haddaad
reysana lagugu soo maqan, haddii lagaa raayana
kabahaagaa kaa roon, ku deysay. Halna ogaada,
taariikhda laguma hayo Soomaali maryooley kala
adkaatey.
-
War yaarahee, see
wax idinka yihiin? Sida ay idiinka
sidbatay mooyee, idinkoo huba eelka Soomaaliya
la soo noqon la'adahay, adduunkuna u caalwaayey,
inuu yahay boogihii dagaalka sokeeye oo si
kastoo loo dhayey buskoon waayey. Miyaad goor
aan goor ahayn durbaankii colaadda yeerineysaan!
-
War yaarahee, see
wax idinka yihiin? Haweenku waa laf
dhabarka dhaqaalaha iyo kobcinta ummadda.
Abaalkooduna waa in ay ku nastaan ubadka ay ku
tiir iyo tacab beeleen. Ha gablaminnina oo ha
toleysiinnina.
-
War yaarahee, see
wax idinka yihiin? Dhallinta Puntland
badbaado ayey ka qabaan quusta, nacaybka, dhaca,
dilka, kufsashada tabaaleysay dhallinta Xamar,
waxaana ku weyn rajo ay ka qabaan nolasha,
tabcashada, aqoonta, xasilloonida, ammaanka,
hantida dadka, tan dawladda ee haka luminnina
dareenka nolasha, damiirka sharafta iyo
daryeelka naftooda.
-
War yaarahee, see
wax idinka yihiin? Soomaali markay habar
habar iyo oday oday u kala baxday, beesha
Daarood oo dhan, ayaa Puntland ku dhaata, indha
ku nuurta, ku faanna oo cadowgana ku guula.
Dawlad gobaleedyo kale intaad u sameyn lahaydeen
ayaad u soo dhigateen in aad damisaan ileyska
rajo oo ugu bidhaamaya Puntland.
Somaliland
Somaliland dadkeedii ayaa xukuma. Jirtaayoo ayan
markii hore ka badneyn arrintoodu ficilo iyo yaan
lagaa badin, adduunkana tus si laguu citiraafo in
aad Somalida kale ka duwan tahay, ka gobsan tahay,
ka sharaf badan tahay, ka ilbaxsan tahay, ka aqoon
badan tahay, ka dhaqaale badan tahay, ka reer
galbeedsan tahay, ka carabsan santahay, misna
dadaal ma lumee, si dadban ayey dheeftii
dadaalkaas ugu horumareen. Waaya-aranimo iyo aqoon
ayey kaashadeen. Danta mucaaradkooda iyo
mu'ayidkooda ka dhaxaysa ayey garteen, habsamina u
qabsadeen. Xornimadii caagtey iyo dimqoraadiyaddii
asaruurantey ayey soo qufteen, marsadeen oo ku
dhaashteen.
Soomaali maryooley is wadda degaankeediina
hanatay, wixii laga sheegaaba waa tii Sanqoole
Berbera geysey. Waxaan dhawrin waagey Somaalida
kale u soo gurmadaan, gaar ahaan Puntland oo
aqoonteedii, taariikhdeedii, ilbaxnimadeedii, iyo
waaya aragnimadeedii hal bacad lagu lisay noqotay.
Beenowdey, oo sidii baraf dhalaashey.
Somaliland ha noolaato!
Burhan Jama
burhanj@lycos.com
Akhri Qoraaladii Hore ee Burhaan
|
|
Wixii
Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray,
Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka.
Mahadsanid |
XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo
fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo
bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland
waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid |
| Ku
Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo
Bogga Hore AllPuntland |
Copyright © 2000-2001 by
allPuntland.com.
All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited
|
|