Marka laga sheekeynayo, dhacdooyinka aduunka dadku waxaay aad ugu hami
taagaan, isbedelka cusub ee markaas ku soo siyaadey dunida, qofkuna
waxuu ka sheekeeyaa waxuu joogey oo uu arkay, iyo waxuu maqlay oo looga
sheekeyey, hadaba waxaan manta maqaalkenaan ku soo qaadanayaa
dhacdooyinka ka dhaca kenya, kasoo aan ugu magac daray casriyeynta ka
ganacsiga dadka ku nool
Kenya, aqristayaal sidaad ugtihiinba, hadii qaran burburo waxaa laga
dhaxlaa dagaal,sokeeye, baraka,xaalufin degaan iyo waxbarasho la aan ,12
sano ee dagaalad sokeeye kasocdeen dalkeen hooyo,
Wadanka kenya waxaa u soo barakacay dad badan, dadkaas oo ay xir
xiraan askarta dalka qabqabata oo xabsiyada geeya, kabacdina ka
ganacsada, qofkii aay ka waayanah maxkamad geyn jirey, ku na soo oogi
jirey danbiyada hadba key doonaan ee u lacag badan, waxaana sidaas loga
gadanjirey max buuskii, hadii uu sharic wato waxaa lagu soo eedeeyaa,
waa nacaayey ama waqti xun buu socdey ama inta laga
Jeex jeexo shariciga, ayaa maxkamad, saas lagu geeyaa dib waxuu doono
haka hele waxaan cabasho, ugudbinjirney madaxda wadanka, inkastoo aysan
wax ka qabankarin midmid ka hadlaa waa jiraa, waxaay arinto saas
ahaataba waxaa dhacday saldhigyada silii waa xafada somalido degentahaye
midkamida, in laga bedeley taliyihii haystey saldhigaas iyo asakartii
horarka ahaayd, ee qadanjirtey waxaay kaa hesho waxaan nafisney mudo bil
ka yar, waxaa noo xigey qabqabasho, iyo qafaal iyo guryahoo inta la soo
qaato baabuur cad cad la soo hordhigto gurigaaga lagaa kaxaysanaya dadka
jooga markaasa, lageyaa magareeshinka kenya laguna soo eedeynayo dhawr
qodob oo midkiiba yahay 20,000 ama 1 sano iyo 6 bilood qofkiiba,
Hadaba waxaay is wediinto tahay cabashadaan cabaneyney miyaa nalooku
bedeley sidaan? mise askartii baa dhaqalo fiican ka keni weydey dadka?
oo magareeshinada iyo maxkamada ayaa xabadka u garaacday ka soo
dhaalinta dhaqaala wadanka soo geleya in eey ka kenaan dadka ?
Waxaad arkeysaa xabsiyada markaad soo martid ama aad qof ka
fiirsaneysid dad aad u badan oo maxkamad loo siiwado iyo kuwo laga
kenayo, ayadoo lagu wado baabuur qafilan oo aan lahayn meel laga
neefsado, meesh yare duleeshaana waxaa afka saraya marba kii xoog badan
ka kalana waa lagu tuntaa, sidii ku dhacday habartii somaaliyed ee
sitimaankaan ku dhimatay baabuurka dhexdiisa ayadoo maxkamad loo wado
Hadaba, somaliyey waxaad ka shaqaysaan ama u istaagtaan midnimado
qaran soomaaliyeed sidii lagu heli lahaa
ilaahay dhibka hanaga saaro aamiin aamiin
bye burhaan c/rahman hasan (fuje)