Walaalayaal Mahad waxaa mudan oo iska leh Allah Macbuudka
ah, Nabadgalyo iyo Naxariisna ha ahaato Nebigeenna Muxammad (SCW) intaa
kadib. Walaalayaal Qofka Muslimka ah markasta uu mashaakil , dhibaato uu la
kulmo ama arin kasta oo noloshiisa kamida waxaa larabaa inuu ula noqdo
kitaabka Alle iyo
sunnada nebiga (SAW). Dhibaatada maanta soomaaliya guud ahaan iyo wararka
naxdinta leh ee kasoo
yeeraya carriga puntland ma aha wax iska dhacay ee waa waxaan innagu
kasbanay sida Allah (SW) Inoo sheegay in dhibaato aanay dhicin inaan annagu
la nimid oon kasbanay mooyaane Allahna uu in badan inoo dhaafo oo uu inoo
cafiyo.
Markaas haddii dhibaatadii dhacdo la kasbaday dhibkii
ilaahay qaadimaayo in asbaabtii lagu qaadi lahaa lala yimaado mooyaane oo ay
ugu horayso tawbadu. Allah (SW) wuxuu sheegay inaanu qoom ama umad xaalkooda
aanu badalin ilaa ay iyagu badalaan waxa naftoodu ku sugan tahay. Wuxuu
kaloo Allah inoo sheegay in hadii uu Qoom ama ummad nicmo siiyo aanu
nicmadii ka badalin ilaa ay iyagu badalaan waxa naftoodu kusugan tahay.
Yacnii ay la yimaadaan asbaabtii nicmada looga qaadayey. Waxyaalaha Allah (SW)
uu ummadan nebi Muxammad (SAW) uu ku ciqaabo waxaa kamida inaan cadaw
bannaanka uga iman gaalo ah oo ka xoog roonaada ee illaah quluubtooda intuu
iska horkeeno ay markaas is laayaan. Walaalayaal puntland sanado kahor waan
la soconaa nimcada iyo wanaagay gaadhay iyo halkay maanta
marayso.
Puntland cadow dibada uga imaan ee iyadii baa is cunaysa.
Markaa waxaan leeyahay dadka reer puntland waa inay fitnada iyo dulmiga meel
qura uga soo wada jeestaan ee ay iska qabtaan cid Allaale iyo cidii wada.
Waxaanad ogaataan hadii fitno dhacdo inaysan qoys ama reer ama balad gaadha
ku ekaanayn ee ay dadkoo dhan wada gaadhayso kii dulmiga galay iyo kii aan
galinba sidda Allah (SW) inoo sheegay. Waxaa kaliya ee ka badbaadayana ay
yihiin kuwa xummaanta iyo dulmiga reeba hadii ilaah ciqaabtiisu timaado sida
ilaah innooga sheegay reer binu israa'iil ee uu yiri waxaanu Badbaadinay
kuwii xummaanta reebayay kuwii dulmiga samanayayna waxaanu ku qabanay cadaab
xun.
Markaa waxa dhibka looga bixi karaa in:
1- Tawbad lala yimaado
2- Dulmiga iyo fitnada la iska reebo oo laga dhawrsado.
Walaalayaal Gabaygan waxaan tiriyey markii aan maqlay geeridii suldaanka
Axmed Maxamed Maxamuud (Hurre). Marka hore waxaan leeyahay suldaanka Allaha
u naxariisto annaga iyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayna samir iyo
iimaan ilaah ha naga siiyo Aamiin. Waxaanan leeyahay hadalkii murtida ahaa
ee uu yiri ninku "waxba nama gaarin oo ninbaa naga dhintay waxbana
nooma harin oo ninkaanu ahayn."
Wixii
Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir email
qoraaga soo qoray ka eeg emailkiisa bilowga qoraalka
AllPuntland Mas'uul
kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo
ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland
Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid
Ma doonaysaa fikirkaaga ama ogaalkaaga inaad soo
bandhigto? U soo dir fikir@allpuntland.com
, soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta
Islamka, Qabiil ama Qof.