 |
XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo
fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo
bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland
waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta sidaas darteed
looma macnaysan karo inay ka turjumayso aragtida
AllPuntland . Mahadsanid |
|

|
QEYL
DHAAN IYO BAYAAN PL MA BADBAADINEYSO. |
[ AllPuntland Opinion/Fikradaha ] |
Qofkii caqli leh wuxuu garan
karay in dagaal uu ka dhici doono PL
markii talladii Issimada tirada badan ay
diideen Issimadii tirada yareyd ee
haddana ka qayb galay shirkii Carte ee Puntland
horay u diiday. Intaasna waxaa ka sii darneyd
iyadoo la adeegsaday Isimadii uu
magacaabay Siyad Bare si dadka loo kala qeybiyo
oo aadba isleedahay hawshii Siyaad
ayey isagoo qabriga ku jira sii
wadaan sida nin horay uga xoogsan jiray
Imaaraadka oo la yiraahdo Garaase oo
hadda dhibkiisii kula soo noqday Garoowe.
Waxaana husid mudan in odayaashii PL ay
hawshoodii gabeyn maxaa yeelay mar tallo
faraha ka baxday ayey Qeylo Dhaan iyo Bayaan
wakhtigoodii laga tagey ayey Isha wararka ee
Carte ee Somalitalk ku soo shaaciyeen.
Waxaana isweydiiyey maxey odayaasho talladoodu u
bixin waayeen xilliyadii la soo dhaafay oo wax
qabashadu sahlaneyd oo kala ahaa :-
1- Wakhtigii labada sarkaal uu dilay wiil Xamar
laga soo diray oo doolar badan
watay kana tirsanaa illaaliyaasha King Kong.
2- Wakhtigii Daneystayaasha tirada yar ay
diideen talladii Issimada tirada
badneyd oo waliba ciidanka PL ee uu si bareer ah
u taageeray.
3- Wakhtigii la dilay Sheehk Dahir Yusuf lana
ogyahay yahay kuwii dilay oo labo cali
ayan isweeydiinin.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa cad in Gen.
Abshir oo ka mid ah Carte ee uu kuwa kale
ku adeegto si uu dadweynaha u tuso in odayaasha
Pl ay Carte taageersan yihiin. Waxaa kaloo jira
in xataa sidii loo qoray Qeylo Dhaan ay
dhaxdoodii ay isku qabsadeen sida oday ka mid ah
odayaasha uu ii sheegay.
Waxaase hubaal ah in reer PL ayan waligood la
safan doonin kuwa Kismayo heysta oo uu
wakhtigoodii dhammaadka yahay.
Aardoon Dirir
|
|
Wixii
Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray,
Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka.
Mahadsanid |
XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo
fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo
bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland
waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid |
| Ku
Noqo Bogga Maqaalada Akhristaha | Kulaabo
Bogga Hore AllPuntland |
Copyright © 2000-2001 by
allPuntland.com.
All rights reserved. Reproduction in whole or in part is prohibited
|
|