| Dhagayso Qur'aanka Kariimka ah iyo codkii Sheekh Suadaisi. |

| Home | GuestBook | Forum | Chat | Audi/Vidoe | Photo | Suugaan | TacsiILLAAH BAA WEYN

Fahamka Ina Salaad Booy.

1
AllPuntland(Aragtida Akhristaha) Kala xiriir allpuntland@hotmail.com  
November  27, 2001
Posted to the AllPuntland.com  November 27, 2001
.k

Waxaa Qoray

Abdullahi Mohamud

sallaam@hotmail.com 

Iyadoo lawada ogsoonyahey dhibaatada daba dheeraatey ee dalkeena ayaa hadana waxaan indhaha laga qabsan karin kuwa aan isku xishoon ee kuwa kale isha ku haya.

Kadib imaatinki C/llaahi Yuusuf magaalada Garoowe ayaa waxey abuurtey qeylo faro badan, haba ugu sii daraadee Cabdi qaasim oo ku tilmaamey falkaas inuu ahaa mid argagaxiso ah. Ereyga argagaxisada ayaa baryahan dambe dhiigya cabyada Soomaaliyeed eeysan marna ka xishoon iney ku tilmaamaan siyaasiyada ka soo horjeeda haba ugu sii xumaadee Ina Salaad Booy.

Waxaan ogsoonahey oon qireynaa waxa ka taagan Garoowe eey tahey wax u dhaxeyso umadaa Soomaaliyeed ee halkaas dagta Cabdullahina uu kamid yahey balse Qaasin waxuu ciyaalkiisa Ceyr kusii gurayaa Kismaayo, Marka iyo Muqdisho oo waliba dad badan uu ku gumaadey dagaaladi ugu dambeeyey ee dalka haba ugu sii daraatee labo canug o walaalo ah oo ey ilaaladiisa ku toogteen dugsiga sare ee Booliska.

Hadaba nin mudo kabadan labaatan sano nacamle usoo ahaa Siad Bare maantana dadkiisa eey yihiin kuwa dulmiga sii wado uma maleynayo wax xala inuu u soo wado kuwa hoteelka ugu jiro, waxaanse ilaah uga mahadnaqayaa ineysan maanta aheyn maalin si sahlan bulsho soo jeedo loo qaldi karo. Casharadi kacaanka laga bartey maahan kuwa si fudud looga gudbi karo sida dilkii General Gabeyre, Faarax Seefeey, General Baarqab, Xaaji Baraako iyo kuwa badan.


Kuwii dagaalda sokeeye laga dhaxleyna weeyba ka sii xanuun badan yihiin sida dilkii Calasoow Dheere, Jamhuuriya, Gen_Nero iyo thousandka cabdi qaasim ku laayey Muqdisho.

Ugu dambeeyn, waxaan u soo gudbin lahaa kuwa xasuustooda eey ku xiran tahey bbcda ama lagu doorin karo indho biyo ku yaal cadaalada marna ma keeni karaan. Sidaas darteed xaalka Soomaaliya waa in sida cadaalad ku jirto lagu dhameeyaa aanan marna lagu garab siin fikirka daciifka ah ee ina Booy iyo dadkiisu eey qabaan oo ah inaan dhulka lakala laheyn iyo Xamar in hanti la gashey. Hanti faalso ah dhul taariiq leh ma lagu badali karaa? haddii abdi qaasimna uu moodo in uu Marka degmo Ceyr uga sameeyn karo walee waalagu hingoon. 

Xaalkuse waa in umada dhulka eey dagto lagu ixtiraamo aanan lagasii
shaqeyn dhibkooda ee balse in ilaah loo noqdo xaqa la fiirshaa.

Mahadsanidin

sallaam@hotmail.com
Dr Abdullahi Doolow

Afeef :   Qoraalada Akhristayaashu ku cabirayaan ra'yigooda  waa mid ka madaxbanaan aragtida AllPuntland iyo qorayaasheeda, marna looma saarin karo inay tahay qormo ka turjumaysa aragtida AllPuntland.com, qoraalkasta oo akhriste waxaa la socda magaca iyo cinwaanka Email ee qoraaga qoraalkaas oo isaga lagala xiriirayo. Mahadsanid

| Bogga Maqaalada Maanta |

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

  Go Back  

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com).