ILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

Akhristaha

Xukun Jacayl Daraadii ma Ciidamo Shisheeye ayaa laysu Doonanayaa?

Posted to the Web  July 09, 2002

WQ.

Cawaale Dubad" 

waabo_cado@hotmail.com  

Walaal waad mahadsantiin dhamaan baHda allpuntland. Intaa ka waxaa maant oo bishu tahay bishii 7aad sagaalkeedii akhristay warar ay qoreen saxaafadaha afka soomaaliga ku hadla oo ay kaga waramayeen shirka ka dhacay koonfur afrika oo lagaga hadlaayay horumarinta afrika ayaa cabdiqaasim oo marka runta la sheego ah hogaamiye kooxeedka carta uu ku dalbaday ciidamo shisheeya ah oo waliba afrikaan ah in loo diro soomaaliya .

Ciidamadaa oo waliba ay ka amar qaataan isga oo kaliya .hadaba walalayaal dadka afka soomaaliga ku hadloow maxaa u malaynaysaan hadii la cala la keeno soomaaliya ciidamo afrikaan ah oo tira badan.

Waan wada ognahay ciidamada afrika in aanay aqoontooda edaabeed iyo ta cafimaad iyo ta dhaqaale midna aanay wanaagsanayn.

Hadaba waxaan leeyahay hogaamiyaha carta colaada ummadu yaanay heerkaa kula gaadhin. mida labaad hogaamiyaha carta haday daacad ka tahay in hubka laga dhigo dadk haysta waa koonfurta Soomaaliya meesha ugu badan ee hub aan xukumed gacanta ugu jirin uu yaalo .Waxa kale oo cad oo si toos ah loo wada ogyahay inuu cabdi qaasim qaybiiyay 1500 oo qori oo uu kala siiyay raga kala ah 

1-daahir dayax 500 oo qori .

2-maleeshiyada isaga taageerta ama ka ag dhaw dhaw 800 oo qori 

3-xasan abshir 500 oo qori oo nabada Puntland lagu diminayo.

Hadaba waxaan uga socdaa Cabdiqaasim isgoo intaas oo hub ah qaybiyay inta qarsoona ay badan tahay siduu indha adaygiisa yidhaahdaa hubka Soomaaliya yaala ciidamo urururiya ayaan rabaa, labada arimoodma siday suurto gal u noqonayaan hubaan qaybiyay iyo ciidamo hubka ka dhiga somaliya hala ii iikeeno. 

Waa su'aal ummada waxa garadka soomaaliyeed iyo inta nabad jeceli ay ka jawaabi doonaan. Waxaan ku soo gabagabaynayaa xaalada Cabdiqaasim WAAR KURSIGAABAAN CAASHAQAYE MAR QUDHA UUN I DHAHA MADAX WEYNE.

WAA FIKRAD AKHRISTAYAASH AWALE.D.M


Wixii Su'aal qoraalkaan  aad ka qabto u dir email qoraaga soo qoray ka eeg emailkiisa bilowga qoraalka 

AllPuntland Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo dir fikir@allpuntland.com ,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland:

Kor u noqo ama Ku Laabo Bogga Ra'yiga Akhristaha ama Kulaabo Bogga Hore AllPuntland/Go Back Home

 

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.