Dhibaato wayn ayaa haysata ummadda Soomaaliyeed meel kasta ay joogtaba,
waxaa maanta se uga daran in ay weli ka sugayaan Xassan Abshir iyo
Cabdiqaasin Salaad in ay is casilaan waa riwaayad aad rakhiis u ah maxaa
yeelay labaduba waa laba qof oo ku nool in ay ku fadhiyaan kursi ama
jago mooyee in ay noolaanaayaan aan moodin waa sida .....
Haddaba Soomaaliyeey maxaad moodeen in dadaka noocaas ah ay ka
tanasulayaan jagadooda oo maanta sida la ogyahay ayan waxba ahayn,
weliba hadda waxaa dhamaaday lacagihii laga heli jiray Carabaha oo waxay
joogaan in ay dadka cunaan.<waa nimanka riyoonayo oo sheeganayo in ay
suubiyeen barlamaan oo qabiil ku dhisan haddana dadka aymatalaan raali
kama ha qabiilkooda amaba mategikaraan meesha ay degaan saas darteed ma
xaqbaa in sheegtaan.
Waxay abuurteen Cabdalla Deerow oo u shaqeeya Cabdiqaasin oo
keliya isla maarkaasna Soomaalida oo dhan waa u jeedaa in uu san waxba
ahayn. haddii ay yihiin dad xishoonaaya waxay ugu yaraantii
dhowrilahaayeen AXDIGII ay samaysteen oo ay maalin waliba ku
tumanayaan.Ayaga ikaba dhaafee in maanta kula jirta shirkadda ay
samaysteen oo dhan ayaan aamin galin oo ay Soomaali kafiirsandoontaa.
Cabdiqaasin wuxuu sheeganaa in uu yahay nin diini ah ma ummadda ayuu
uga beer laxawsanayay mase deentiisa ayaa is rogrogid badan.