|
Posted
to the Web June
07,
2002 |
Gabaygaani
waa cibro(mystical), waana tusaale, waana murti qiimo iyo qaaye badan,
marka laga fiiriyo hababka gabayada loo tiriyo nooca ugu wanaagsan
ama ugu sarreeya ee aan u qoray buu ka mid yahay, ahna nooca soo jiita
dareenka qofka akhrisanaya sidii gabayadii raggii hore
qaarkood lagu yaqiin ee ahaa kuwo xiiso badan ee xasuus dheer dadka
ku reeba isla markaasna badanaaba arrimaha qaarkood dadku ugu maahmaahaan
ee lagu hal qabsado. Hebel iyo reer midna ma oran,siyaasad baanse uga
warramayaa si Soomaalida oo dhammi ay ula darsaan arrimahaan kaga hadlayo,
oo indhaweydba wax lagu suureeyaa ay Soomaaliya ka dhacahayeen maalin
walba. Marka waxaan iri sidaan hoose:
Cawd lama kulaaliyo dab aan caaqibo lahayne,
Nin cadaab ku noolaa haddii carafta loo saaro,
Hawo caafimaadiyo ciyoon caashaq baa gala e,
Bal ogow cadaabtiyo jannada midiba waa cayne!
Ninkii Xamar cakoodsada hadduu camad ku soo heemo,
Cillanaadku goortuu ciyuu caku yiraahdaaye,
Caasimad curraaf galay haddii lagu curaaraysto,
Bal ogow halkii ka ceshatuu ugaga ciiraaye.
Cirka oo darrooraa hadduu gabal ka ciiryaamo,
Nin abaar ku caydnaa haddii cagasan loo yeelo,
Caynka geliyey awrka oo cagtuu kaga cabaadshaaye,
Dhawr caano maal buu hayaan ku ciddi jiidaaye,
Bal ogow carrada doogsatuu cidaha geeyaaye.
Talo cayn-wareegto leh haddii la iska caadaysto,
Cawaan bililiqaystiyo halkuu caalle ka adeegto,
Cayayaan subaac ahi ma jiro nimay ciseeyaane,
Mooryaan cambaaro leh haddii lagaga caal waayo,
Bal ogow cindiga gaaban baan caymis loo heline!
Nin tolkiis ku caasiyey ka daran cadow shisheeyaade,
Caqli ma leh cabiidkuye hadduu calaf u haaraayo,
Waa caado bahaleed sidii kii Cartoo kale e!
Gobi waxay ka caagtuu hulquhu camalsan moodaaye!
Mar uun baa nabsigu caabbiyaa lagu cinqaabaaye,
Bal ogow cirfiidkii dafay dib u colloobaane!
Ninkii loo cimaamado hadduu caadil noqon waayo,
Caddaalada callaalka ah hadduu ceeqo bixin waayo,
Haddii uu dadkii soo calmaday cagta hoos geliyo!
Bal ogow ciddii doorataba waa casilayaane!
DHAMMAAD.
Akhris wacan
Aden Dirie Ali dirieadam@hotmail.com
Wixii
Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo
gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka
eeg bilowga qoraalka.
|
AllPuntland Mas'uul
kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo
ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta
Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid
|
Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo
dir fikir@allpuntland.com
,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland:
Akhristaha |
|
|