| Contact/Nagala soo Xiriir | Dastuurka Puntland | Gumaad Fool Xun Oo Ka Dhacay Kismaayo|

Special News Somalia Latest News From News Agencies»»Click Here |

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com.

  SULDAAN MICHIAVELLI IYO QAYLO DHAANTA AFKA BAALKIISA LAGA YIRI .

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha
December 10, 2001
Posted to the Web  21: 58 GMT December 10, 2001
Boosaaso

Waxaa Qoray

Warsame Garjeex

garjeex2001@hotmail.com  


Suldaan Michiavelli wuxuu ahaa  wiil amir ah , una dhashay  dalka Talyaaniga dhow qarni ka hor. Ninkaa oo  lana oran jiray, Principe Michiavelli wuxuu abwaan  ku ahaa culuumta siyaasadda abwaan, siiba  falsfadda hal dhigeedu yahay : “The END JUSTIFY THE MEANS” oo marka loo rogo afkeenna  la oran karo, ayadoo aan xaraf xaraf loo fasirin “Daantaadoo  aad  gaartaa  waxay xaalmarin u tahay  sida aad ku gaartay”.  

Macnuhu waa uun yoolkaaga gaar, adigoo aan dib u eegin wax kale sida aad ku gartay.
Mataal ahaan, waxay xikmaddaa qaloocan tibaaxaysa  sida tan  “qofku ha sameeyo wuxuu doono asagoo aan u abayeeleen diin iyo dhaqan, ama moraalkaba “damiirka”. Waxay kaloo falsfadu qabtaa  in  laluush luflufashada iyo  u nacmleenta cidda kaa saraysa, iyo waliba  danaysiga,   asagoo qofkaa  uga gol leeyahay  aad manfac aduun iyo darajo ku heshid,  kuwaasoo aan waba dhimayn, mar haddii  qofku dantiisu ku GAARAYO. 

Sidaa waxaa la mid ah, qaar ka mid  Odayaasha  Puntland iyo Siyaasiyiintoodaba  iyo sida ay ugu howlan yihiin aad kursi iyo aduun ku heshaan,  iyagoo aan u aabo yeelin wixii ka soo gaara  Puntland   oo burbur iyo walaahow ah.

Nasib darro, dadkaa waxaa ugu horeeya dad ka soo qabtay darajoon sar sare dowladii rayad ahayd  oo  ku iibsan jiray sandareetada codaadka beelahooda   iyo kuwo macaan dheregto ah oo  la saan qaaday xukinkii xaaranta banaystay ee  Siyaad Barre iyo weliba  kuwo,  uu  Afweyne gacantiisa ku abuuray, sida Garaase, King Kong iyo Shirwac. 

Ray’iisul wasaaran ahay, ama Dubai ayaa xisaabu ii taal  ayey dantu ka  badin weyday,   iyadoo aan lagu xisaabtamin marna dareenka umadda  somaaliyeed o wali xusuusan warshadii Mareerey iyo canshuurta suuqa xoolaha , sidii ay Xassan Abshir iyo Cali Khalif ugu takri faleen. Abooyaalow, mala xisaabtami  doonaa oo xaqqa ma gulaysan doona!

Ka dib markii ay soo baxeen qalaasihii kooxda Carte iyo Al-Itahad  ee ka rideen geyiga Puntland   ayaa  daaha laga qaaday  3 bayaan oo kala duwan  oo lagu tilmaamay nasixooyin lagu soo celinayo xasiloonidda dalkeena.
Bayaan kowaad , waa layska ogyahay oo waa midkii ka soo yeeray Issimo tiro yar, oo kooxaha mayal adag iyo Carte  u adeegayay. Mashaqadday lugaha ay la galaynna , waa taa qaar ka soo saartay Puntland.

Bayaanka labaad wuxuu ka soo yeeray  niman isku sheegay aqoon yahanno KA DHEX DHEXAAD ah  qaska Puntland, oo fadhigoodu yahay  Nairobi. Ugu dambeen,  qayb seddexaad oo soo  saartay QAYLO DHAAN, afka baalkiisa. Saaran  kadib markii 3 bilood laga joogay dhibaatii ku habsatay Puntland!

Waxaa layiri “Haddii qaylo ka soo yeerto masaajidka, xagge loo cararaa?”. 

Taasi waxaa la mid ah: haddi nimankii looga fadhiyey in ay badbaadiyaan Puntland., ay iyagu  ka shaqeeyaan sidii, loo cakirin lahaa, xaaladeeda dalkooda oo murugaysan,  kuwasoo si dadban iyo si  bareerba ah ugu faanayaa in  Carte lala yeeshay shirar, oo waliba qarkood, ka qaybgaleen mansabyo.. Taasi la fili waayey ku noqotay ninka shaarica (caadiga ) ah iyo ra’yi weynaha  reer  Puntland, waliba markii Cali Khalif iyo Ina Salaad Boy,  qirteen, inay hayaan saxiixyo uu arrintaas ku yeelay,  ninkii lagu han weynaa  goboladda Puntland uguna culays  weynaa, dhanka siyaasadda,  Mudane Cabrizaaq Xaji Xuseen.


Mudane Cabdrizaaq, waxaa mar labaad soo baxday, inu ku deg dego qaatona  talaabooyin toolkii ka caraysiiya , asagoo aan tashi  wadaag la samayn dadkiisa. Laakin waxaa jirta in intuba ay fashil iyo guul darro ka raacday. Waxaa ka mid arrimahaas , Jabuuti Kow iyo Jabuuti Labo (Madaxa dib u heshisiinta nabadda Carte oo marin habowka ah).  

Mudane Cabdrizaq iyo kooxdiisa, waxaa looga fadhiyey QAYLO DHAAN DEG DEG AH oo ku wajahan dhalaan gooricii Kismayo ay ka geysteen Isbaxaysiga Galguduud iyo kooxaha Carte,  iyo Al-Barkaat.  Waxaa la yiri: “Khayrul-birri caajilihi” oo micnaheedu tahay “Sama falka  waxaa ugu fiican midka lagu DEG DEGGO ”. 

Laakin mar ay  xeero iyo fandhaalkeed  kala dhaceen,  muxuu tarayaa in afka baalkiisa  laga yiirhado, “WAAWAREEY,   DADOW IS DAAYA!. Taasi Nasiixo meel ku ool ah ayey  noqon lahayd haddi la soo jeedin lahaa  3 biloodoo oo  ka horaysay inta aan gacan ka hadlku ka dhicin Puntland.  Maxaa la falkayey inta tolku ii  isku soo fara bahsanayey? Daawad wacan !!!!!  NASIXAADAAS oo  waqtigeedii DHAMAATAY, kama duwanna sida dad badani ay qabaan dad badan , ayadoo lagu qasbayo  nin TB dilootay ,  Benashiliin waqtigeedi dhacay ‘EXPRIED”.

Kooxda labaad ee caadaysatay inay  iska dhuuqaan, waxay UN, dalka soomalidda ugu yaboohdo , iskuna tilmaama kooxda aqoon yahaniinta oo aan maanta cimri u dhiman uusan jirin, waxayba  durbadii soo saareen GO’AAN DHEX DHEXAAD ah. 

Oo maxuu tari talobixinta  nimankaa  lugina usaran tahay gayiga Puntland, lugina u saaran tahay  diyrada  miirooga oo  u sii jeedda Nairobi, si ay uga bixiyaan  warbixin  howlaha horumarinta (burburka) ee UN kawaddo Puntland.

Ayagga la yaab malahoo Mr. Kent Randolph, wakiilka Ina Salad Boy , ee, nasib darro, UN-ta  u fadhiya  dalka Kenya , ayaa ka sugayaa sidii lagu bixiyay  Qaansheegtooyinkii  xisaabihii meela hay ku baxeen, waliba ayadoo  loo tirinayo inay ku baxeen  kobcin  bulshadeed iyo kan dhaqaaleedba ee Puntland.

Inta soo hartay oo madaalayaasha ahna, isku daalin mayee, ee reer Puntland waa ay iska ogyihiin  howlahoodi  aan nadiifka ahayn  oo ay ka geysteen  gobolladda Puntland  iyo Jubboland.

Gebogabadii, inkastoo somaaliddu aysan xikmad ku yareen, haddana waxaan u soo qaatay Suldaan Michiavelli, aqoonta caalimgu u leeyahay  oo lagu tilmaamo sida  dhuuniga aan xalaasha ahayn , bulshooyinka ay  u saameeyso, meel kastoo ay joogaan iyo milad kastoo oo ay heestaan.

Haddiise la raadsho  maahmaah u dhiganta oo somali ah , waxaa la oran kara midaan  “Nin soori qaaday iyo nimay seefi qaaday, waxaa  roon………” Iska dhamaystiro akhriste.

Allow Puntland dadkeeda ka badbaadi!

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

Aragtida Ku jirta qoraalka kore  waa mid ugaar ah qoraaga soo qoray, sinaba looguma fasiran karo mid ay la wadaagto ama u taagan Aragtida qorayaasha AllPuntland.com. Mahadsanid

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

| Go Back Opinion Main Page | Go Back  |

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com)


 Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com. 
All rights reserved. Reproduction in whole or
in part is prohibited

Bravenet.com