| Contact/Nagala soo Xiriir | Dastuurka Puntland | Gumaad Fool Xun Oo Ka Dhacay Kismaayo|

Special News Somalia Latest News From News Agencies»»Click Here |

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of AllPuntland.com.

  Ma ihi qof raacsan siyaasiyiin ku sheega ku khamaaraya dhiiga umada Puntland!!!!

[ AllPuntland  Opinion/Fikradaha
December 25, 2001
Posted to the Web  00:35 GMT December 25, 2001
Boosaaso

Waxaa Qoray

Guuleed Jamac
galkac50@hotmail.com
 

To:      Dhamaan dadka wax garadka ah

From: Caqli saafi ah                                  

Date: 25.12. 2001

Waxaan halkaan jeclaan lahaa inaan figradayda ka dhiibto dadkana u gudbiyo, aan walaalaha nahay.Walaalayaal hadaan nahay reer Puntland waa inaan ufakirnaa sidii aan uga shaqayn lahayn islaaxa dhexdeena ah una adkayn lahayn walaalnimada dhaladka ah iyo magaca naga dhexeeya,walaalayaal marka hore waxaa isway diin leh hadii aan dad walaala ah nahay maxaa muqadasa inaan ilaalino si,ay ubadbaado walaalnimada dhabta ah ee naga dhaxaysa.

Marka labaadna waa inaan ka hormarinaa wax walba taasi siday u jirilahayd,ayadoo lagu ilaalinayio horta inay cadahay ujeedada aanu udhisanay puntland.

Dhismihii Puntland dadka looyaqaan siyaasiyiintu ujoodooyikoodu waa inay dansiyaasadeed iyo kursi ku gaaraan maamulka jira halka danta shacabku ay tahay inay ku gaaraan kaladanbayn isjacayl amaan iyo walaalnimo adag iyo mowqif mid ah marka cadawga banaanka iyo kan gudha labadaba lawaajahayo.

Runtii waxay umuuqataa cadawgii guduhu inuu laxirtay cadawgii dibada shacabkana ay isaga dhigayaan kuwo wada dantoota xaqiiqaduna way kafogtahay Arintaas.

Xaqiiqadu waxaa weeye in runta loo soo laabto , sababtoo ah waxaa cad inay dadbadan oo soomaaliya dhibayso horumarka iyo aminiga kajira gayiga puntland iyo ayadoo uu kuyaraa waxa loo yaqaano qabqablayaasha dagaalka ama dagaal oogayaashu.

Runtii waxaa wax laga naxo ah in dad udhashay gobalka oo nabad lagu aqoon jiray iyo islaax ay hada u xuubsiibanayaan dagaal oogayaal iyo fidna wadayaal kuwaasoo qaarkood ay caan ahaayeen marka laga eego xalinta khilaafaadka umada dhexdeeda ahaan jiray. Ugu danbayntii walaalayaal waa in cadawga lagafoojignaadaa gudaha iyo dibadaba lana ilaaliyaa midnimada umada dagaalkana laga doortaa islaaxa waayo islaaxa waxaa kujira khayr dagaalkana shar iyo burbur iyo caro ilaahey.

Mida kale oo aad loogu baahan yahay waxaa kamid ah inlaga taxadaro daadinta dhiiga muslimiinta waayo culumada qaar waxay kutageen oo asxaabtii ugu horayso inaan laga tawbad aqbalayn muslim muslim dilay,waxaa kaloo cad in hadii laba muslim ay isdagaalan kan wax dilay iyo kan ladilay ay ahlu naar yihiin ilaahay hanaga badbaadiyee,

Walaalayaal carta waa in laga taxadaraa waayo waa dagaal oogayaal hore iyo kuwo danbe anigana shaki iigama jiro inay yihiin kuwii horey umada isugu diray xiligii siyaad bare hadana wada,

Soomaalina heshiin mayso ilaa inta laxaqirayo dadka wanaagsan ee wanaag ka taliska ah.

xamaasada iyo sufahanimada iyo qabiilku wanaaga yay kasoo horjeedaan , hadii ay Soomaalina heshiinayso waa wax wanaagsan laa kiin ayadoo dulmi jiro heshiis imaanmayo dhibtuna intaa way kabadanaysaa.

Wasalaama calaykum.

Puntland iyo Soomaaliya hanoolaadeen.

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga qoray, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

Aragtida Ku jirta qoraalka kore  waa mid ugaar ah qoraaga soo qoray, sinaba looguma fasiran karo mid ay la wadaagto ama u taagan Aragtida qorayaasha AllPuntland.com. Mahadsanid

| Dhiibo Aragtidaada  | Akhri Aragtida dadkii Kaa Horeeyay |

| Go Back Opinion Main Page | Go Back  |

Copyright © 2000- 2001 AllPuntland. Distributed by AllPuntland Global Media (allPuntland.com)


 Copyright © 2000-2001 by allPuntland.com. 
All rights reserved. Reproduction in whole or
in part is prohibited

Bravenet.com