Shir ay yeesheen isimada iyo wax garadka
jubbada hoose ee kismayo
1-4/05/02 Muqdisho waxay kasoo saareen
warsan xaafadeedkaan
1. Waa in gudiga xaqiiqo raadinta IGAD
aysan tagin magaalada kismaayo sababtoo ah kismaayo majoogaan dadkii
deegaanka ulahaa waxaana haysta koox carta ubixisey isbaheesiga dooxada
jubba.
2. Waxaan dowladaha IGAD ugu baaqeenaa in
Somalia aysan ku heshiineyn madaxweyne iyo reysal wasaare loo magacaabey,
sidii kooxda carta ee soomaaliya xalkeedu yahay deegaan lakala haysto,
taasna hadaan xal loohelin ay fogaaneyso dib u heshiisiin kasta oo la'
isku dayo.
3. Waxaan u sheegeynaa intii dhageysatey
hadalkii reysal wasaarihii hore C/risaaq Xaaji Xuseen oo ahaa in Somalia
Ethiopia hub soo galiso uusan aheen baaq dhameestiran, waxaana oran karnaa
C/risaaq meel bay kaga dhaganeed, ee C/risaaq waa xog ogaal marka ama ogow
ama ha'ogaanin waxaan dowladaha caalamka ugu baaqeenaa sida qaramad
midowbey, OAU, Jaamacatul Carab, in ay dowladaha hoos ku qoran jebiyeen
qaraarkii cunaqabateenta ee nambarkiisu ahaa 733 soona baxay bishii 1
January 1993 dowladaha jabiyey waxay kala yihiin: Eletarea, Yaman iyo
Liibiya, hubkaas oo ku yimaada diyaarad kana soo daga eeraboortiga Bali-Doogle,
wuxuuna hubkastoo ka yimaada dowladahaas taransit ku yimaada Jabuuti si
aan loo ogaan, hubka Muqdisho yimaada wuxuu dhan yahay 62 fly tan iyo
intii kooxda Carta timid dalka, hubkaas waxaa lagu gadaa suuqyada waa weyn
ee magaalada Muqdisho asagoo magacyo badan leh sida Liibiyanka
Eletareeyaanka iyo Yamaniga cidii downeysa inay ogaatana waxay iman karaan
magaalada Muqdisho.
4. Qodobka ugu danbeeya waxaan ku
baaqeenaa in laga joojiyo oomaaliya hubka taasoo ugeesan karta dhibaato
weyn.
Odoyaasha bayaankan soo saarey waxee kala
yihiin.
1. Ugaas Maxamuud Xaaji Xuseen ( baqow)
2. Nabadon Cali Bin Cali
3. Nabadon Cabdi Warsame ( ilka boqol)
4. Boqor Siciid Xasan Gaseele
5. Malaaq Aadan Buulle
6. Cabdi Yuusuf Cowke ( labey tos)
7. Dr. Cismaan Macalin Nuur ( xerow)
8. Islaam Sahal Cilmi Warfaa
9. Dr. Axmed Daahir Maxamuud ( giir
dheere)
10. Nabadon C/llaahi bile
11. Suldaan Cabdi Aadan Maxamuud (
ceeriin)
12. Dalmar Faarax Aweys
13. Jaamac Maxamed ( jamac towreey)
14. Sheekh C/llaahi Cilmi Yuusuf
15. Dr. Siciid Ciise
16. Maxamed Xuseen Jaamac ( madow)