ntlaILLAAH BAA WEYN AWOODOO DHAN ISAGAA LEH!

AllPuntland Waxay Awoodaa inay soo Bandhigto  Wax ayan Kuwa kale Awoodin ! Run sheeg Waa Khayr Sheeg !

AllPuntland: Qoraalada Akhristaha 

Waraysigii Ina Cumar Geelle Niyad Jab baa ka muuqday!!

Posted to the Web   March 31, 2002

WQ.

Hibo

hibo2002@canada.com    

 

WALAALAYAAL WAA IDIN SALAAMAYAA wareysigii ey soo deysey idaacadda BBCda oo ku wareysteen madaxweyne ismaciil cumar gelle 29-03-2002 waxaa ka muuqdey carro aad u kulul iyo niyed jab uu ka qabo shaqeyn la'aanta dowladdii afduubka eheyd oo xambaarsaneyd QAYAANADA lala damacsanaa shacabka soomaaliyeed oo mudo laba iyo toban sano lugu haayey dil dhac kufsi iyo gaajo oo istaagi weysey.

 

Mudane Ismaciil wuxuu qirey in uu u soo magacaabey ummadda soomaaliyeed kooxdii dowladdii hore oo uu horkacaayo nin ka soo jeedo dadkii diirtey hantidii qaranka iyo hantidii shacabka intii dowlad la'aanta la ahaa oo bara kiciye shacabkii soomaaliyeed kana xayuubsadey waxey hanti la haayeen GUURTO AMA MAGUURTO ilaa iminka wili ey ku jidhaan degaano xoog ey ku joogaan.

 

Hadaladiisa waxaa ka mid ahaa iyagaa soo doortey dadkii uu ku tilmaamey iney matalayeen ummadooda oo fadhiyey tuuladii carta nin u dhashey beeshii soomaali diiratey taasoo ah waxaan dhici karin xaqiiqada ka fog haddii eysan jirin wax kale oo daahsoon wuxuuna ku fikirey in la tijaabiyo u jeedada guracan oo markii horaba eheyd in la sameeyo DOWLAD U SHAQEYSA SIDA NGO OO MAGAC SOOMAALI LOOGU TUUKSI TAGO 

 

Wuxuu kaloo ku dhici waayey inuu dowladda Itoobiya ku cadeeyo in NGO uu leeyahay ay ka hortaagan tahay himiladooda isagoo u baqay dhibaatada intaa ey soo gudubto.

 

Hadaba waxaan ilaah ugu mahad naqeynaa inuu naga badbaadiyey duufaantan waxaa iyana mahad gaara leh hogaamiyayaasha gaashaanka u duruurey iney ka hor istaagaan masiibadan ummadda ku habsan laheyd waxaana nala gudboon in laga feejignaado qiyaano noocaan ah oo si sahlan naloo geliyo aniga ma'ehi qof taageersan kooxaha naga badbaadinaaya QIYAANADA ina cumar gelle laakin waxba waxbaa ka daran hadii leys barbar dhigo NGOga madaxda looga dhigey C\QAASIM iyo madaalayaasha SSRC kala wanaagsan .

 

BY HIBO

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo gaarsiiyay, Magaciisa iyo email-kiisa ka eeg bilowga qoraalka. Mahadsanid

XusuusNoow: AllPuntland wax faragalin iyo fikrad ah kuma laha qoraalada Akhristayaashu kusoo bandhigaan ogaalkooda iyo Fikirkooda, Kaalinta AllPuntland waxay ku kooban tahay oo kaliya baahinta . Mahadsanid

Kulaabo Bogga Hore AllPuntland / Go Back Home |

Copyright © 2000-2002 by AllPuntland.com.  

All rights reserved.