Ku: Dhamaan salaadiinta Beesha
Kablalax Daarood
Ku: Dhammaan dadweynaha Beesha Kablalax Daarood
Ujeeddo: Cambaarayn maamulka Maxamed
Ibrahim Cigaal
Anaga oo ku hadlayna magaca shacabka u
dhashay beesha Kablalax Daarood waxaannu si xoog leh u cambaaraynaynaa
maamulka la magac baxay Somaliland ee uu madaxa ka yahay Maxammed Ibrahim
Cigaal ka dib markii uu maamulkaasi ku talaabsaday in uu si fool xun oo
khilaafsan xeerarka dadnimada iyo Soomaalinimada ugu xirxiray ka dibna uga
musaafuriyey usbuucii la soo dhaafay magaalada Hargaysa 23 nin oo
Soomaaliyeed oo u dhashay Kililka 5aad.
Waxaa shaki weyn nagaga jiraa danta iyo
ujeedada laga leeyahay musaafurinta dadkaasi,meesha la geeyey iyo waxa ay
ku dambaysay arrintoodu iyo weliba nabadgelyadooda.
Waxay noola muuqataa in uu maamulkaasi
dhagar iyo isku dir u maleegayo beelaha Soomaaliyeed ee Kablalax Daarood
iyo Isaaq ee ay ka dhexayso walaaltinimo iyo derisnimo wanaag,taasi oo
aanu ugu baaqayno beelahaasi in ay ka feejignaadaan colaad iyo dab,iyo
fitno uu kala dhex dhigo Maxamed Ibraahim Cigaal.
Waxaan kaloo ku wargelinaynaa maamulkaasi
in uu keligii masuul ka yahay falalka noocyadaas ah iyo natiijooyinka ay
keenaan, oo ah kuwo aanaan u dul qaadan karin marnaba, isla markaasina
abuuri kara kala fogaansho iyo waxyeelooyin baán oo ku yimaaada xiriirka
ganacsi ee gobolka guud ahaan.
Waxaannu dhawraynaa in uu maamulkaasi
cadeeyo sababta loo taxaabay,loona musaafuriyey dadkaasi rayadka ah iyo
denbiga ay ku mutaysteen arrintaasi.Maxaa yeelay dhammaan warbixinnadii uu
maamulkaasi horey uga dhiibey arrintaasi ma noqon kuwo qanciya waxgaradka
Beesha Kablalax Daarood.
Guddiga dhexe ee Beesha Kablalax Daarood
ee Denmark
Laxiriir: unitedkablalax@yahoo.com