|
Madaama
aan ahay akhriste bogga ( .... ) maalin walba ka dheehda internetka waxaan
ku dhaliilayaa gudbinta wararka ka soo baxa Puntland taas oo maqaaladdiisa
ay ka mid yihiin kuwii uu qoray laga bilaabo intii Cabdulaahi yuusuf
qabsaday boosaaso ilaa maanta 10/6/2002.
Waxaad
ka dhadhansan kartaa tebinta wararka inuu qoro Tifaftiruhu isagoo
aan xaqiijin wararka oo ubadan khilaaf ka soo cusboonaanaya C/DULAAHI
iyo raggiisa ama salaadiin reer Sool ah oo ka talinaya sidii loo weerari
lahaa Boosaaso marna lama qorin in European Commission u oggolaadeen
199million lacagta euro in loogu deeqo Soomaaliya laakiin commissionku
qiray inuu arrinta Soomaaliya dhexdhexaad ka yahay kuna qeexay goaanka in
la go'aamiyay 50,000,000 loo hor mariyo Somaliland iyo Puntland ilaa 2003
maxaa yeelay xaaladda gobaladan oo dagan ammaan ah "long-scale and
long-term rehabilitation of the infrastructures can be even con
sidered,since elsewhere and notably in the sou th, the lack of safety
guarantees forbids it.
waxyaalaha laga caawinayo punland waxa ka mida
1- Administrative structures e.g. parliament(s) as well as civil
society
2) wasaaradaha dowladda oo la siindoono qalabka xafiisyada
3) Beeraleyda oo laga caawin doono iyo dadka reer miyiga oo loo qodi doono
ceelal biya ah
4) Caafimaadka oo wax laga qabandoono sida cudarada layska qaado
5) Gaaddidka oo laysu furi doono ilaa Garacad ila ethiopian hinter-land si
loo fududeeyo dhibaata xagga badda .
iyo in la dabar jaro nabaad guurka.Si kor loogu qaado wax soo saarka.
KABLALAX KHAWI
Wixii
Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir qoraaga nasoo
gaarsiiyay Emailkiisa iyo magaciisa ka
eeg bilowga qoraalka.
|
AllPuntland Mas'uul
kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda iyo
ogaalkooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, AllPuntland Kaalinteedu Waa Baahinta
Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid
|
Ma doonaysaa inaad codkaaga gaarsiiso aduunka ku soo
dir fikir@allpuntland.com
,soo raci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof. AllPuntland:
Akhristaha |
|
|